AKHRISO: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay geerida AUN G/sare Siciid

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Dowladda Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee G/sare Siciid Cali Axmed oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland, oo ku geeriyooday Qardho.

AHUN G/sare Siciid Cali Axmed oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Soomaaliya, wuxuu burburkii kadib ka mid noqday aasaasayaashii Puntland isagoo doorkiisa ka qaatay dhismaha ciidamadii ugu horeeyay ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa geerida G/sare Siciid Cali Axmed, uga tacsiyadeeyay dhammaan.

Saraakiisha iyo Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, wuxuuna marxuumka alle uga baryay inuu janadii geeyo, Aamiin.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*