AKHRISO: Musharrax kusoo guuldareystay doorashadii Somaliland, oo lagu doortay Muqdisho

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, ayaa ku guuleystay  kursiga summadiisu tahay #HOP272, oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa helay 65 cod, halka labo musharrax oo kula tartamayay ay kala heleen Khadro Axmed Ibraain 25 cod, iyo Cabdiqani Maxamed Maxamuud oo helay 7 cod. Kursigan ayaana waxaa horey ugu fadhiyay Guuleed Ceydaruus Cige.

Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa dhowaan kusoo guuldareystay doorashadii ka dhacday Somaliland, oo ahaa musharrax Golaha Wakiillada gobalka Maroodi-Jeex.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*