AKHRISO+SAWIRRO: Waa kuwee 4 Xildhibaan ee maanta lagu doortay Baydhabo & Dhuusamareeb?

Doorashada afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb, ee xarumaha u ah Dowlad-gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Saddex kamid ah kuraastan ayaa doorashadoodu ka dhacday magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah #HOP182, #HOP170 iyo #HOP171, waxaana ku guuleystay;

  1. Maxamed Mursal Sheekh Cbdiraxmaan, ay ku guuleystay kursiga #HOP182, oo uu horey ugu fadhiyay, ahaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.
  2. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), ayaa ku guuleystay kursiga summadiisu tahay #HOP170
  3. Fowziyo Maxamed Sheekh, ayaa ku guuleysatay kursiga summadiisu tahay #HOP171, oo ay horey ugu fadhiday.

Sidoo kale, Doorashada kursiga summadiisu tahay #HOP054, ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxaana ku guuleystay Cabdi shakuur Cali Mire, oo horey ugu fadhiyay.

Doorashada ka dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb, ayaa aheyd mid lasii saadaalinayay inay kusoo baxayaan afarta xubnood ee ku guuleystay, si lamid ah doorashooyinkii Golaha Shacabka ee horey u dhacay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor)
Fowsiya Maxamed Shekh
Cabdi shakuur Cali Mire

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*