BREAKING: Ciidammo fara-badan oo galay Boosaaso, xiisad dagaal & PSF oo soo baneysay jiidaha

Ciidammo fara-badan ayaa gaaray saacadihii lasoo dhaafay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kuwaas oo katirsan Daraawiishta Puntland.

Ciidammada kasoo baxay xeryaha Ciidammada ee gobalka Mudug, ayaa waxaa amray Madaxweyne Siciid Deni, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo hoggaanka Ciidanka PSF ee uu maanta xilka ka qaaday.

Sidoo kale, Ciidammo badan oo katirsan PSF, kana gadoodsan xil ka qaadistii Agaasimaha Hay’adda Ciidanka PSF Maxamuud Diyaano, ayaa gaaray magaalada Boosaaso, kuwaas oo kasoo baxay jiidaha dagaalka ee Buuraleyda gobalka Bari, ee Galgala iyo Sugurre.

Taliska Ciidanka Ciidanka PSF ayaa qoraal ay ku baahiyeen bartooda Facebook, kaga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay Maxamuud Diyaano.

Wixii kasoo kordha kala soco PUNTLAND TIMES

PUNTLAND TIMES

25 Comments

  1. Ini diyaano hadalkiisu waa hadal buuryaqab waana lasoo afjarayaa iyadoon shimbiri dhuusin. Madaxwayne Dani ayaa dalka Madaxwayne ka ah warkiisa ayaana dhaqaynaya wax kale ma jiraan bowe.

  2. Nothing is gone be happening ini diyaano waa caruur jeego dharbaax ayaa looga saarin meesha waadna arki doontaa, Farah Gaylan hakayaabin waxaad adiga iyo cadowga Puntland ee ini firgaajo dirkiisu rabaan inay dhacaan Puntland is under control by the government of Puntland and the elected President His exlence Dr Dani

  3. ASC.
    Hadalkaasu sax ma wada aha.Maxaa ka quseeya askar nin xilkiisii gudan waayey oo laga qaaday xilkii?Sida la sheego Ina Diyaana xamar buu ka dhammaan waayey oo warba kama uu hayo shaqadiisii.Nin xamar joogaa maxuu ka ogaan karaa waxa ka jira buuralayda bariga soomaaliya?

  4. Ina Diyano goormuu kusoo noqday hogaanka PSF-ta. Soo isagii iska casilay xilka markii uu u ordayey xilka madaxweyne. Waxaan arkay askari ka mid ahaan jirey PSF. xaqiiqada dhabta ah ee galgala ka jidha ayuu ii sheegay. Waxuu ii sheegay in askartu xeryaha ku qayilaan oo dowrkii bilood hadba maalin buuraha xabado ku ridaan sii wargeysyada loogu qoro. Ina diyaano iyo askartiisu ma rabaan in argaxisada la jabiyo. Isaga iyo Askartiisu ma rabaan in naaska irmaan ee ay dhuuqaan ka guro hadii ay soo afjaraan joogitaanka argagixisada. Waa in isaga iyo inta taabacsan cagta la mariyo oo kadibna la ruqseeyo ama xabis lagu ogaado. Waa khaimiin qaran.

  5. Deni tayadii ciidamada aad iyo aad buu kor ugu qaaday, sidoo kale tiradoodana aad buu u’kobciyay oo intuu xilka hayay 2’dii bilboodba 500 boqol rag aan kayarayn baa tababar loosoo xiriyay, Madaxweyne Cabdullahi Yusuf buu isoo xasuusiyay oo aad iyo aad uga feejignaa dhanka amniga iyo arrimaha ciidamada, ciidanka Puntland waxay ugu badnaayeen 2005’kii walaw inbadan oo kamid ahi ay Cabdulaahi Yusuf u’raaceen muqdisho. Isla 2005’kii waxay Puntland dooratay Cadde Muuse oo macdan iyo shidaal baaris kuwareeray ciidankiina dayacay illaa markii danbe laascaanood ay gacanta kabaxday. Laakiin Deni waa nin indheer garad ah wuxuu ogaa inay sidaan oo kale dhici kadho wuuna ka gaashantay, marka war iyo dhammaadki wiilkan yar ee ina diyaano yuusan halligin naftiisa iyo tan dhalinyarada uu hogaamiyo ee si edeb leh xilka ha udhiibo meeshu nidaam bay leedahaye haddii kale sifiican baa loo karbaashayaa wallaahi. Deni nin qosla ma’aha, waa ninka Galkacyo oo Alshabaab kuxaartay oo dadkii sanka kawada toshay dhaqaale iyo ciidan iyo farsamaba geliyay kana dhigay mid kamid ah magaalooyinka ugu amniga badan geeska afrika!

    • @ Jumce waa sidaad u sheegtay ilma Cismaan diyano waxay u haystaan hay ada PSF in aabahood uga dhintay oo ay dhaxal u heleen, Dani waa wiil taagtay nahii nahii iyo sheeko raqiis ah ma qoro. Inid diyano edeb baa la barayaa haduu edeb yeelan waayo

  6. – Xukun jaceyl
    – Kursi jaceyl
    – Maamul jaceyl
    – Madax jaceyl
    – Kala dambeyn la’aan
    – Dishibiliin darro
    – Xin iyo xaasidnimmo
    – Isbarbar yaac
    – Talo xumo
    …IWM

    Waxaas waa dhaqan-xumaantii 1969kii dictaatoorkii Siyaad ee dalka burburiyey fursada siiyey welina waa sii wadaan reer Puntland !

    SIDA RIYAHA WAA MAR AY IS-TEESTEEYAAN AMA MAR AY KORKA ISKA-SAARANYIHIIN

  7. Puntland waxa kasoo muuqday qabqablenimo,amar diido,qabiileyn ciidan iyo in beeliba sector dawli ah isa siiso.
    Wiilkan Ina Diyaano marsade,aabihii wuu diidey mar Faroole xilka ka qaaday,haddana marku siyaasi maalin gelinkeed ugu xuub siibtay siyaadi,maalgelin N&N uu ka helay darteed, wuxu kula dagaalamayaa Deni burburinta ciidanka.
    Diyaano marsadayaal,xaawalay ah ciidan uu u taliyo maxaa laga filan karaa?
    Xaawaley Asad Diyaano marsade & wiilkiisa Puntland ha laga qabto.

    WBT

  8. Boowe Puntland waa nugushahay.
    Hadde Boowe haddaan laysu tartiibinna waa budhbudheysaa.
    Deni asag muxuu ka wataa gabanku?
    Deni ayaa beegsiga wada,Asadna ka urinaya gabanka.
    Boqorka Deni iskuma fiicna,mana wada hadlaaniin,Deni ayaana yiri Farmaajo ayuu u shaqeeyaa.
    Deni inkasta oo uu yahay madaxweynahii,amarkiisana waa in la aqbalaa baryona maaha,waxase muqaddas ah Puntland oo ka weyn labad nin ee is ficlaaya,ee isku jufada ah,ayna Ku galgalan Puntland ee garoonka Garoowe ha yimaadaan,hana ku lagdaamaan,kii raayaba.
    Oo reer Mudug ayaa la shareysan jidhee sowtan qolyihii Boqortooyada la bidaayey fariiso dheheen!!!!
    πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜πŸ†˜βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹βœ‹

    • Bowe ilma diyaano edebaa la barayaa Dani igusoo orod maahan ini Farmaajo ayuu edeb baray ilma diyaano waa caruur uu agoon u yahay waxaana igu maqaalo ilma diyaano hooyadood ayaa dani ka codsatay in wiilkaa yar ee maxamuud uu meesha u daayo waana aqbala. Bowe Dani igusoo orod maahan waana dharbaaxo kulul yahay.

  9. Raadkii Fahad & Farmaajo ayaa soo galay Puntland.
    Maadaama Farmaajo tuhun ka qabo musharaxnimada Deni ee Somaliya,una arko ninka keliya ee khatarta ugu weyn Ku ah,caqabadna ku noqon kara soo laabashadiisa waa caddahay inuu Puntland carqalad ka abuuro,fawdona geliyo,isagoo adeegsanaya lacag iyo camiilo u jooga Puntland,si uu jaanis uga helo meeshaas,sumcad xumona u abuuro Deni.
    Waad aragtay sidu Farmaajo ugu baashaalayo doorashada maamulada oo idil oo midowgii musharixiinta Muqdishona isaga fiirsanayaan,xataa maamuladoodii doorasho Farmaajo naqshadeystay uga socoto,xildhibaanada lasoo saarayaana dhinaciisa yihiin marka Puntland & Jubbaland laga reebo,waxbana isaga tirin maayo musharixiinta Hawiye oo iyagu isla degaya,Rooblena Raysalwasaarenimo iyo lacag Qatar soo siisay ayuu Ku bedeshay dhexnimadii.
    Deni oo ilaa 100 xildhibaan maamuli doona keliya ayaa caqabad Ku ah.

  10. ninkii lalaha madaxweeyne somali isusharixin waakaas muskilad,dhiiqo iyo mugdi aan loobahneen wadankii gelisay deni dadxun ayaa lataliya war shilinkii ka suulay puntland laguu heeysta,war abaaro ayaa jira, doorashooyin iyo culaysyo badan ayaa jira war dadka latasho yaan bohol lagaaridin dagaal kama bixi karno.Dagalkii cade iyo abdullahi yuusuf dhibtiisi mawaadan lasocon intee dhalinyaro ku dhimantay dagalkii itixaad iyo abdullahi intee dhalin ku dhimataye hadaad caqli usaaxibtahay manto kale qaldkaas masamayseen waxaan islaha horomar ayuu wada sida dariiqyada,briijka,maxjarka adeer waxaad afka uga xumbeen cidamada uqoraneeysay ma psf dagaalkooda isu diyaari neeysay waad iskuxaartay hadaad dagaal rido waxaas mashruuca waa baabin magacaagii iyo hankii laguu qabay waa baabin inta aad aduka ku nooshayna duli iyo murugo ku noolaan anaguna ducadii habaar ayaanu kugu bedelin.Deniyoow itopia muskilad la xalin karay ayaa manta qarka usaaran kalayaac haday soo jabaan meesha degin waa badacas berbera iyo boosaso 20 malyan xabashiya bowe diyaar unoqo war wixxii caqli usaaxiiba dagaal halaga hortaga mel dheer wax ka firsha

  11. @ MAALIK ADEER YAA LALA DAGAALAMAA MA WIILSHA DIANADA MARSADA SIDII GABDHIHII? ASEER DALKU DOWLAD BUU LEEYAHAY CARUURTA IS CADAYSA SIDII GABDHIHII WAALA EDEB BARAYAA PUNTLAND WAXBA UMA DHIMI KARAAN. MADAXWAYNE DANI WAA SHAQSI GO AAN LEH OO GEESI AH HALF WAY NA KAMA LAABTO WIILAL XUN XUN OO DIYANA MARSADA OO U HAYSTA HAY ADA PSF IN AABAHOOD DIYAANO UGA DHINTAY LOO JOOJINMAAYO IYADOO AAN SHIBMIRI DHUUSIN AYAA DHAG TA LAGU DHUFANAYAA ILMA DIYAANO.BEEN BAAD ISKA DHAADHICISAY ADEER DANI PUNTLAND WUXUU KA DHIGAY SUPER POWER AWOOD CIIDAN AYUU DHISAY. ILMA DIYAANO INTAY GARANAYEEN PUNTLAND WAA DHAAFTAY ISBAARANA UMA DHIGAN KARAAN PUNTLAND HADA TOLA AY YAA REER OO WAA ISLA XAAFDII UUN MARKA DADKOODA DHINAC HAKA RAACEEN

  12. War ninkii deni nacas markii looga soo adkaaday doorashadii qardho iyo ifeyn miyuu Asad diyaano walaalkii maxamuud diyaano oo ah hogaanka pis kusoo duushey. Kuwiinaan dhiqlaha ka ah puntland waala isu joogaa deni balaq isagaa la karbaashayaa bal usoo hiiliya deni balaq. Period

    • islantan ismail wadadta ma tii dani walshiis ahayd qoral badan ya ku garey cabs bAD DABADA LA LUXI SOO BUXI SABURADAD CABDAKADAD WALAGU QOSLI HA SEAX WAYI KUGU DHACDAY WASE LAYS BARRAB DANI NINKU MAGACABO XIL HAKAK QADDO BAL

  13. Ina Diyaano 24 sacadood gudohood waa in uu xilka tiriyaa hadii kale geeri iyo nolol midkood waa in lagu soo afjaraa

  14. Malik

    Jiritaanka iyo nabadgalyada puntland waa lama taabtaaan oo cidna looguma aaba yeelo ama ha noqdo sokeeye ama ha noqdaan shisheeye. Taasu waa taarikh iyo casharo lasoo bartay. Xil baan laiga qaaday oo basaaso ayaa qabsan oo xabado ka ridin cid laga yeelayo ama loogu dulqaadnayo majidho. Cidii isku daydana waxay la kulmin waxii ka dhacay qandala is suuj/Garacad iyo gaalkacyo.

    Abdullahi yuusuf (AUN) waxaa loo qadariyaa go’aanadii adkaa ee uu qaatay ee manta Puntland ku bulaaleyso oo ku barakeysantahay. Sidaas oo kale ayaa Deni loo qadarin hadii uu qaato go’aan adag ee uu ku badbaadinayo nabadgalyada iyo xasiloonida puntland. Bulshaweynta puntland’na gees ka gees’na garabkiisa ayey istaagin oo looma kala harayo difaaca puntland. Deni iyo Diyaano ma ii kala sokeeyan ayagaa iskagakey dhow

  15. War Majeerteenow eeda uu dusha idiin saaray Ninka Habargidir ee YuusufJaamac ee kor ku qoran ka jawaaba oo ama diida ama aqbala!

    Haddii aan u soo noqdo dhiiladan Boosaaso laga sheegay, haddii aay jirto Ilaah ha qaboojiyo. Laakiin marka dowladnimo loo hadlo, Deni ayaa saxan oo Qofku xil dowladeed waa loo dhiibaa waana laga Qaadi karaa!

    Laakiin Waxaa fiican in maanka lagu hayo, meesha Dowlad rasmi ah oo tiirar adag leh kama jirto ee waa Qabaa’il wax isku darsaday oo uu mid waliba meel khaas ahi eeganayo. Oo haddii uu waayano uu isu arkayo in dhuunta la qabtay!
    Oo tusaale ahaan, Waxaa laga yaabaa in ciidankan ina Diyaano laga qaadayo aay 90% yihiin wada jifadiisa, sidaana aay meeshu isu laheeysiiyaan!

    Aniguse mid baa ii muuqato taas oo ah, Waxaa la yiri maxaa kulmiyey “warafka iyo Shimbirtu”? Maxaa kulmiyey doorashadii deegaanka ee Qardho ee aay reer Diyaano kaga guuleysteen Deni iyo xil ka qaadista ina Diyaano?! Kkk

    Midda kale, shaqsiyan Anigu Deni Waxaa iiga muuqato calaamado uu “Kacaankii” caan ku ahaa, taas oo ahayd! In qofkii aad is qaataamba lagu Shaabbadeeyo, Kacaan diid!

    Denina uu haddeer si taas lamid ahi u adeegsato, Habel Farmaajo ayuu salaamay!!!! Kkk

    Fahamka aan Deni ka qaatay!
    -Nin Fulay ah!
    -Nin Beenaale ah!
    -Nin Dabeecad xun(Xoor Dubor) kkk
    -Nin wixii uu isagu ka gaabiyo eeddeeda dad kale saaro!

    Intaas aan sheegay Waxaa iigula yaab badnaa!

    Fulay ahaaw oo haddana Xoor dubur ahaaw!!kkkk

    Deni waa Ninka Xoor duburnimo wuxuu ka qabo, Su’aal uu Xildhibaan weeydiiyey darteed Baarlamaankii Puntland Xabbad kala daalay oo meydka waray!!!
    Fulaynimo wuxuu ka qabana, yiri Farmaajo wuu I sumeeynayaa oo intuu ciidan 50 nin gaaraya oo Baasuuke ku hobeeysan Xamar u kaxeystay oo inta iyagii aamini waayey, Qol Xalane ku dhex yaala mowdka ka Magan galay!! Kkk

    Reer Puntland waa nimanka Gaaskii Puntland isagoo gacanna cadowgeeda kaga difaaca, gacanna ku dhisaya eryey ee doortay Denigan xitaa Garoomadii uu Gaas dhisay iibsaday, ee kii Juuq dhahana Xabbad Fulaynimo daanka jebinaya! Kkk

    Ka xaab xaabiya hee, adinkana Xoordubur doortaye! Kkk

  16. ceeydu mafiicna qofku wuxuu khayr ku leeyahay wax tusaaleen marmar ayaa jira aado lagaa gardarnyahay oo awoodna uleh inaad ka aargoosan kartid baad iskacafin adoo eegaya durufado qaarkood iskudaya sharta in layareeyo belada lama bunbuuniyo

  17. Deni iyo Diyaanow,
    Labadii is diidoo,
    Damac kala kexeeyow
    Doorashadi dhamaataye,
    Dadka haysku laynina,
    Dagaal waxa u baahini,
    Waa daanta Laaskiyo,
    Halka Daamur haystee,
    Indinkoo dir wada ahi,
    Bal maxaad ku dirirtaan,

  18. WAX YAALAHA LAYAAB KA LEH COMMENTS KA 18% IS FROM DHUSAMAREEB, 22% MOGADISHU, 36% HARGEYSA 6% GALKAYO, 8% BOSSASO IYO QARDHO 4% GAROWE 6%

    WAXAAN AAD U SOO DHAWEYNAYAA DHALIN YARADA SOMALIYEED EE MAANTA FAHMAY IN DALKA AMNIGIISU ISKU XIRAN YAHAY ILAASHANAYANA NABAD GALYADOODA IYO HORUMARKOODA. WAXAAN KALOO KU FARAHSANAHAY INAY PSF IYO DANAB YIHIN CIIDANKA UGU TAYADA WANAAGSAN SOMALIA πŸ‡ΈπŸ‡΄ THANKS UNITED STATES πŸ‡ΊπŸ‡Έ WAA CIIDAMADA AY GACANTA KU HAYAAN WAXAA SOO RAACA TURKEY πŸ‡ΉπŸ‡· IYO UK πŸ‡¬πŸ‡§ OO IYAGUNA GACANTA KU HAYA RRU HARGEYSA, HARAMCAD, LIGHTNING OR DUUFAAN. DHINACA KOONFUR GALBEED WAXAAN FILEYNAA RRU2 INAY YIHIN OO UK πŸ‡¬πŸ‡§ GACANTA KU HAYSO.

    HADABA SOMALI HA ISMAQLO QOF HADII LAGA QAADO MACNAHEEDU MA’AHAN IN JIFADIISA WAX LAGA CIIDEEYEY. WALI DOWLAD DHISKII SOMALIA πŸ‡ΈπŸ‡΄ BAA SOCDA MEEL WANAAGSAN BAYNA MAREYSAA SIDAAS BUU AMAANKU ISKUGU XIRANYAHAY GUUD AHAAN SOMALIA πŸ‡ΈπŸ‡΄ MAANTA.

    HADAAN IDIN XUSUUSIYO WAX YAR SOMALIYEY πŸ‡ΈπŸ‡΄ DHIB BADAN AYAA QABIILADA KALA GAARAY WAANA MADAX ADAG YIHIN β€œHOTHEADED KNUCKLEHEADS OR HEADLESS” USC SNM SSDF IYO USP IYO RRU OO NOQDAY JUBALAND, SOUTHWEST, SOMALILAND, PUNTLAND, HIRSHABEELE IYO GALMUDUG. WAA SIDAN USC HAWIYE, SSDF MAJEERTEEN, SNM ISAAQ, RRU RAXANWEYN, USP INKASTOO HADBA DHINAC LOO ROGAY WAA OGADEN IYO MAREEXAAN. MAANTA WAA 2021 30 YEARS BAA KA SOO WAREEGTAY WIXII LOOGU WALQALAY DIBIRGOYNTA DAAROOD AFTER REGIME KII SIYAAD BARE FALL 5 MILLION PEOPLE DIED, 10 MILLION REFUGEES. HAYE 1993 SHATI SHAYDAAN BAA LOO GESHAY DIINTEENA SUUBAN OO QABIIL LOO ADEEGSADAY SNM USC U GELISAY SHAATIGA SHAYDAAN KA WAA XAQIIQA DHACDAY MUJRIMKA HABAR GIDIR HASSAN DAAHIR AWEYS WAA KAAS ILAA HADA MAARA LOOGA LA’YAHAY MOGADISHU BANADIR, HIIRAAN, KISMAYO, BAIDOA, MUDUG IYO BARI OO AH VICTIM KII UGU HOREEYEY EE SNM IYO USC EE GESHIGA SHAATIGA SHAYDAAN KA.

    WAAD ARAGTEEN BOQOR BUUR MADOW SIDUU INOOGU SII CADEEYEY ADEEGSIGA HABAR GIDIR EE SNM.

    HADABA AYNU DALKEENA DHISANO CIDINA GUUL MA GAAREYSO INTAAN SIDAAS WAX JU WADNO.

    ILMO DIYANO WAA LAGA QAADAY XILKANA WAA INAY WAREEJIYAAN 24HOURS.

    GUULEYSO MUDANE DENI SOMALIA πŸ‡ΈπŸ‡΄ OO DHAN BAA KUU BAAHAN DHAGTA HA U DHIGIN DHUUNI QAATAYAAL JILAAFADOODA SADEX JIBAAR DADAAL KAAGA WAA MIRO DHALEEN ADIYO ODAY AHMED KARASH HOREY U SOCDA MUDANAYAAL.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*