DAAWO: Guddoomiye Cirro oo xilkii ku wareejiyay Xirsi Cali Xaaji, & musharraxnimadiisa

Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xassan, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ah musharrax Madaxweyne, isagoo loolan la gali doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xirsi Cali Xassan ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan deegaanada Somaliland, waxaana maalmo kahor lagu doortay shirweynihii labaad ee xisbiga WADDANI, hoggaamintiisa xisbiga ayaa la rumeysan yahay inay soo saari karto Cabdiraxmaan Cirro.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. REER BURCO : Geesi Habarjeclo ah
    ———————————
    1)REER BURCO : Car bal waa ninka habar jeclo caaya..?
    ——————————————————
    Habar Jeclo Hadanu Nahay Fudeedka Waa Nalagu Xaman jiray kkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*