DAAWO: Jawaari oo afka furtay “Baydhabo ma fidsana gogal nin gob ah wax ka doonto”

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa sheegay in laga hor istaagay tartanka doorashada kursiga HOP#103, oo ka dhacaysa magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in Baydhabo ay ka socoto ku tumashada xaquuqdii Dastuuriga aheyd ee muwaadinka ee aheyd, in la doorto, waxna uu doorto.

Ugu dambeyn, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad adag, uuna qarka u saaran yahay in la waayo dowladnimada yar ee lasoo unkay.

PUNTLAND TIMES

5 Comments

  1. Exguddoomiye Mudane Jawaari waxaan Aaminsanahay shakina ku jirin kuu Qurux badan inaadan isku soo taagin ka mid noqosho Baarlamaanka Soomaaliya 11aad sababo badan oo jira awgeed.
    Shakina kuma jiro in Mudane Jawaari yahay Aqoon yahan waayo arag ah, laakiin waayo Aragnimadiisa,Aqoontiisa ugama faa’iideyn Shacabka Soomaaliyeed weliba iyagoo ku jirey ama ku jira xaalad iyo daruufo adag ha ugu darnaatee laba arrimood oo sabab u ahaa dhibaatooyinka kale waxaayna aheyd Dagaal Sokeeye ay isticmaaleen Shaqsiyaad wax magarato ah iyo Dowlad la’aan waayo Dowladdii dhexe waxaay ku burburtey gacanta kooxo Qowlaseyto ah ku hubeysan Maskax ku Mirirtey Qabyaalad.
    Dalka sidaas ah Ex Guddoomiye Jawaari wuxuu fursad dahabi ah u heley inuu noqdo Khabiirka sharci yaqaanka ah ee loo xilsaaray diyaarinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelaneyso.
    Su’aashu waxaay tahay Jawaari ma Hagar baxay dadka Soomaaliyeed iney yeeshaan Dastuur haga Dowladnimada Soomaaliya, Jawaabtu aniga xaggeyga waa maya.
    Waayo muranka,jid iyo jaho la’aanta ka taagan in cid walba si gaar ah u micneysato Dastuurka Qabyo Qoraalka ah Soomaaliya.
    Baarlamaankii 9aad haddii aanan khaldaneyn waxaa jirey Gudiga Dastuurka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Guddoomiye u aheyd Marwo Maryan Cariif waxaayna tiri waa Dastuur lagu soo cayaaray!!
    Dhaliishaas waxaay ku socotaa waa Ex Guddoomiye Jawaari.
    Sidaas awgeed Haddii aysan Aqoon yahanka Aqoontiisa aheyn mid uu ugu daneynayo dadka iyo Dalkiisa,waxaayna noqoneysaa Aqoon yahan Qiyaanay dadkiisa iyo Dalkiisa.
    Micna badan ma sameyneyso waxaan ahay Aqoon yahan,laakiin uma hagar baxayo dadka iyo Dalkeyga.

  2. Nabsigu masoo raago! Jawaari wuxuu u diiday reysalwasaare Saacid inuu barlamenka hortago, si gartiisa loo qaado! Odayga nabsigii baa kasoo ifbaxay.

  3. HUNDUREE HADI LEE TOOSE !

    Cadaalad darrada ma aha in aa aragtid markey danahaaga shaqsi-ahaaneed saameeyso ee waa in aad aragtid waxna ka qabatid markaa awood dastuuri ah leedahay dadka masaakiinta ahna ey saameyneyso.

    THEY CAME FOR YOU AND NOW THERE’S NO ONE LEFT TO SPEAK FOR YOU

  4. Waan inku raacsanahay. Jawaaari waxuu hada guranayaa mirihii uu beertay. Markii uu masuuliyada hayey ma usan garowsan in cadaaladu tahay tiirka udub dhexaadka u ah umada oo shaqsi kasta uu xaquuqdiisa ku heli karo markii la dulmo. Xaqii uu ka seexday ayaa hada toosiyey oo hurdo la’aan ku ridey. Hadii uu xaqa u hiilin lahaa oo xididada u aasi lahaa manta cidna kama hor istaateen xaquuqdiisa.

  5. KURSIGEYGA KU LAHAA, DIBBUU ISKA SAXAY INUU KURIGA LEEYAHAY BUU MOODAY. @ QARDAFUE I AGREE WITH YOU 100%. ODAYGA WAA RAJO BEEL WAANA JIDKII UU FALAY.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*