DAAWO: Puntland oo wada dhismaha Buundo ay gooyeen Roobabkii ka da’ay Bari

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Buundooyinka deegaanka Qayaadsame ee Goblka Karkaar, oo dayactir iyo dhisme ay dowladdu ku wado.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybta koowaad ee Buundada weyn ee deegaanka Qayaadsame oo ay gooyeen Roobabkii ka da’ay Puntland, haddana ay dowladdu dhisayso oo shaqo ku socoto.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo shirkadda dhismaha gacanta ku haysa, isagoo si qoto dheer ugu kuurgalay dhismaha iyo sida uu u socdo. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeeray Buundada labaad ee Qayaadsame oo Dowladdu dhistay dhowaana xarigga laga jaray.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ahmiyad gaar ah siiyay dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeyso dayactir iyo dhisme lagu sameeyo wadada weyn ee isku xirta Gobollada Puntland oo roobabkii ugu danbeeyay ay burbur u geysteen.

PUNTLAND TIMES

5 Comments

  1. rag rag dhalay sidaas kuwad guleeyso dhalinyaro wadankiina dhistqa no more qaad nno more no mor mandoriye no more khamrI(UMU KHABAAITH) WELL DONE!!!!!!!!! KHEEYR ALLAH KU SIIYO NINKA WEEBKAAN LEH MARKASTA MACLUUMAD FIICAAN AYUU SOO GUDBIYA

    • Shaqo wacan iyo guul. Aqoonta dismaha ee puntland aad be u kortay sanooyinkaan dambe. Mar hadii la dhisan karo buundooyin casri ah wax dambe oo loo daahayo ma jiraan

  2. SALAAMU CALEEKUM

    PUNTLAND weey guulaysatay. Maashallaaho, eega sida loo dhigay Foundation.. ila iyo 4 meter oo hoos qoran oo asaaskii laga soo bilaabay…

    Walaahi waa dhismo dhaxal gal ah. …

    – KU DAYO PUNTLAND
    – KU DAYO SIDA MASHRUUCYADA U DHISTO

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  3. ASC.
    Maasha Allaah oo waa ku dayasho qaymo gal ah.Haddaan saas oo kale wadooyinka loo dayac tirin way wada bur-burayaan.Markaasna waxaa xumaanaya isu socodka dalka.Isu socodkoo xumaadana waxaa ka dhasha shilal badan iyo dhaqaalaha oo uu gaabis ku yimaado.

  4. SALAAMU CALEEKUM

    Waxaan u digayaa dhamaan dhalinyarada IIDOOR iyo HAWIYE.. Halkaan waa guri boqortooyo. Qof shakhsi ah, wax kasta ha ahaato, laguma caayi karo.

    Akhrista HAWIYE ama IIDOOR waxaa lagaa rabaa in aad noqoto marti edeb leh. Dhiibo fikirkaaga xusmadi ku dheehantahy..

    It is a warning, guidance. Please be respectful and we shall respect you. Bring your valuable comments and sound criticism, but not an aggressive one. If it is otherwise, you will be blocked at your face.

    We wish all readers a happy and successful follow.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*