DEG-DEG+AKHRISO: Dagaalada ka socda Itoobiya, & go’aamo lagu kordhiyay xaalada deg-dega ah

Xaalada dagaal ee dalka Itoobiya ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo jiidaha dagaalka uu gaaray arbacadii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali oo sheegay inuu hoggaamin doono dagaalka.

Dagaalka ayaa intiisa badan ka soconaya xuduudaha Tigray la wadaago Canfarta iyo Amxaarada, kuwaas labada dhinacba ay ka sheeganayaan guulo. Wallow aysan jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqaysa in la joojiyo dagaalka, waxaana sii kordhaya digniinaha dalalka Reer galbeedka ee ku aadan in muwaadiniintooda ay ka baxaan dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Guddiga xaalada deg-dega ah ee dalka Itoobiya oo kulan yeeshay ayaa ku dhawaaqay go’aano cusub oo la kooban 4 qodob, kuwaas oo lagu adkeynayo xaalada deg-dega ah.

HOOS KA AKHRISO GO’AANADA KASOO BAXAY GUDDIGA XAALADA DEG-DEGA AH EE ITOOBIYA.

1. Dirayska gaarka ah waxa ay leeyihiin xeer lagu labbisto oo iyaga u gaar ah.
Xidhashada ama ku-labbisashada direeska sida ka baxsan sharciga iyo nidaamkan cid kasta oo ugu labbista ayaa carqalad ku ah hawlgalka.

Haddaba, xaalad kasta, goob iyo waqti kasta ciidamada difaaca, booliska Federaalka; Waxaa mamnuuc ah in la xidho direeska ciidammada gaarka ah ee dowladda iyo kuwa booliska caadiga ah iyo sida oo kale ciidammada gaarka ah.

Ciidammada ammaanka ayaa lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan ciddii lagu arko iyaga oo xidhan direeska, kaas oo aan wadan aqoonsi aan la cusboonayay.

2. Ol’olaha badbaadada dalkeena maanta waa in si adag loogu dhaqmaa si taxadar lehna loogu hoggaansamaa. Sidaa darteed waa mamnuuc in la qeybiyo ama lagu faafiyo dhaq-dhaqaaqa kasta oo ciidan, hawlgallada dagaalka iyo natiijada ka soo baxda war-baahin kasta, marka laga reebo kuwa uu oggol yahay bayaanka xaaladda deg-degga ah.

Hoggaamiyayaasha rayidka iyo kuwa militariga ee labada dhinacba waxaa ka mamnuuc ah in ay sheegaan wax hadal ah oo ku saabsan howlgallada militari, howlgallada dagaalka iyo natiijooyinka aan ka ahayn cidda howlgallada loo xil-saaray.

Ciidammada ammaanka ayaa lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan dadkii falkaasi iyaga oo ku kacaya lagu arko.

3. Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa iska kaashanaya sidii loo soo celin lahaa jiritaanka dalkeenna, weerarka lagu soo qaadayna lagaga qaado tillaabo waqtigeeda ku habboon.

Iyada oo laga faa’ideysanayo xaaladda, ayaa waxaa lagu amray ciidammada ammaanka in ay tallaabo ka qaadaan dadka doonaya in ay dhistaan ​​dowlad KMG ah ama dowlad kale oo sharci-darro ah, taasi oo ka hor imaanaysa nidaamka dastuuriga ah.

4. Sida la wada ogsoon yahay ajandaha ugu weyn ee dalkeena Itoobiya maanta waa badbaadinta dalka. Fikir kasta iyo ficil kastaa waa in aanu fashilin hadafkan Itoobiya.

Haddaba, iyada oo la adeegsanayo war-baahinta kala duwan laguna marmarsiiyoonayo xorriyada haddalka guddiga xaaladda deg-degga ah wuxuu uga digayaa cid kasta oo si toos ah ama si dadban u taageerta kooxda argagixisada kuwaas oo raba in ay carqaladeeyaan hawlgallada badbaadada dalka.

Laamaha ammaanka ayaa la faray in ay tallaabo ku habboon ka qaadaan ciddii jabisa digniintan.

Bayaanka Xaaladda Deg-degga ah.

November 16, 2014

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Xabash yuusan soo dhaafin xuduudaha somaaliyeed. Hadii hal mid ah soo gudbo waxaa ku xigin malaayin xabashi ah . Biyo kaa badan iyo dad kaa badan wey ku harqiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*