DEG-DEG+AKHRISO: Koonfur Galbeed oo ku gacan seyrtay go’aankii Guddiga FEIT, qabanaysan doorashada HOP103

Guddiga Doorashooyinka heer Koonfur Galbeed ayaa ku gacan seyray go’aankii Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, ay ku hakiyeen doorashada kursiga #HOP103, oo uu ku fadhiyo Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waraaq kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka KGS ayaa lagu sheegay in berri ay dhaceyso doorashada 4 kursi, oo uu ugu horeeyo #HOP103, ayna kamid yihiin #HOP189, #HOP041 #HOP042.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Kkkkk mar hadii aqalka sare lagu soo xushey midkaan keen midkaan reeb oo maxaa diidaaya in la maro wadadii hore ee madaxda waddanka iyo maamul gobaleedyada ay ku xeshiyeen beesha caalamka kana ay soo dhaweeyeen, waa heesti HOREY YAA LOO SOCONAYAA LOO SOCONAYAA . KKKKKK EE ALLAHA NAGAARSIYO DOORASHO QOF IYO COD AH 2026 KKKKK

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*