DEG-DEG+AKHRISO: Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyayaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo wareegto soo saaray ayaa magacaabay Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska gobalka Cayn.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MADAXWEYNE DENI.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 46 ee November 25, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda
Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn

2. Waxaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*