DEG-DEG+AKHRISO: Natiijada doorashadii Agaasimaha KMG ah ee NISA oo la hakiyay, & Dacwad laga gudbiyay

Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka BJFS ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga #HOP067, kaas oo doorashadiisu ka dhacday khamiistii magaalada Dhuusamareeb, uuna ku guuleystay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Waraaq Guddigu u diray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayuu ku sheegay in dacwad laga soo gudbiyay doorashada kursigan, iyagoo ka dalbaday hakinta ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee #HOP067

“Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa GuddigaHirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay Kursi HOP#067.”

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*