DEG-DEG+AKHRISO: Siciid Deni oo saraakiil kale xilkii ka qaaday, magacaabayna kuwo cusub

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den, oo wareegto soo saaray goor-dhaweyd ayaa magacaabay Taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari, isagoo xilkii ka qaaday Taliye kuxigeenaddii hore ee Booliska labada gobal.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA SICIID DENI.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

2. Waxaa G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Bari

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*