DEG-DEG+DAAWO: Midowga Musharixiinta oo hanjabaad soo saaray “Waxaan dhisaynaa Dowlad kale”

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay siday ay ku socdaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka BJFS, iyagoo ku hanjabay inay dhisi doonaan dowlad kale.

Af-hayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle, ayaa warbaahinta u Akhriyay War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID GEELLE IYO MIDOWGA MUSHARIXIINTA. 

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Midow Musharaxiin ma ahan waa Midowga Mooryaanta Qaawan iyo Tuugada u adeega Cadowga Shacabka Soomaaliyeed.
    Doorasho ma doonayaan waa xaqiiqada dhabta ah, waxaay doonayaan qas iyo Fowdo dagaaleed Qabyaaladeysan.
    Waayo Doorasho iney ku guuleystaan rajo kama qabaan,waayo horey bay ugu soo fashilmeen Siyaasadda Soomaaliya.
    Dowladnimada waxaay u fahansan yihiin iney tahay wax lagu ilaashado Hanti la dhacay,la boobay, kufsi iyo dad nool oo la bililiqaystey intaas bay Dowladnimada u fahansan yihiin.
    Waxaay cabsi ka qabaan haddii waddanka Soomaaliya Nadaamka Dowladnimada oo leh Rule of law micnaha sarreynta sharciga iney wax ay si qaldan ku heleen ay weydoonaan waayo waa shaqsiyaad si qaldan ku noqday Siyaasi, si qaldan Hanti ku sameeyey kagana macaashay dhiigga Shacabka Soomaaliyeed in ka badan 30 Sano.

  2. Daahir Nuur Jaamac:

    Magaaladan dhawr sano ka hor ayaan afareeydan ka tiriyey.

    Caasimad ma aha meesha Tani Ciidda kala Roone!
    Carrigaa in meel laga daydaan Caynka ka arkaaye!
    Haddii kale Callaal baan u noqon Duul na cunayaaye!

    Cuqdad Duul Qabiyo waxa fadhiyo Caro aan suuleyne!
    Cid waliba Ciddii aay dishay Bay ku dul Casheeysaaye!
    Cariish aay dhaceen baa uga mudan Calanki weynaaye!

    Cirrooliyo ma lahan Caaqil iyo Sheekh ka Celiyaaye!
    War Cowro Soomaaliyeey Caasha noo surane!
    Caradii Ilaah bay qabaan Carun ha quuteene!…..

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*