Doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa maanta Dhuusamareeb, Ogow cida kusoo bixin?

Doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa maanta bilaabaneysa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyadoo la qabanayo doorashada labadii kursi ee ugu horeysay.

Labada kursi oo kala ah HOP#26 oo ay horay ugu fadhiday Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge, ayaa la filayaa inuu u tartamo, kuna soo baxo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey), halka kursiga labaad oo ah HOP#104 la filayo inuu kusoo noqdo Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo horay ugu fadhiyay.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*