Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyip Erdogan muxuu ka qabanayaa Dalka Turkmenistan

ASHGABAT(P-TIMES) –

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii maanta booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Turkmenistan ee Ashgabat.

Diyaarada uu la socday Madaxweynaha Turkiga ayaa soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Ashgabat saacada markii ay aheyd 13:50 xiliga gudaha dalka Turkiga, sida uu sheegay wariyaha Wakaalada Anatolia.

Erdogan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkmen Chari Glushov, Safiirka Turkiga u fadhiya Ashgabat Tugan Ural iyo mas’uuliyiin kale.

Erdogan waxaa booqashadiisa ku weheliya Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah Fatih Donmez, Wasiirka Difaaca Hulusi Akar, Wasiirka Waxbarashada Mahmud Ozer, Wasiirka Beeraha iyo Dhirta Bekir Demirli, Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Adil Kara Ismailoglu iyo Wasiirka Ganacsiga Mehmet Muş.

Wafdiga Turkiga waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxa Waaxda Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga Fahrettin Altun, iyo Afhayeenka Madaxweynaha Ibrahim Kalin.

Kulamada uu la yeelanayo dhinaca Turkmenistan ka dib, waxaa la filayaa inay sidoo kale ka qeybgalaan shir madaxeedka 15-aad ee madaxda ururka iskaashiga dhaqaalaha, kaas oo maalinta Axadda ah furmaya, Waxaana shir guddoomin doono madaxweynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhamedov, ayadoona shirka halku-dhiggiisu yahay “
Wadajirka dhanka iskaashiga mustaqbalka.”

Erdogaan ayaa la filayaa in kalfadhiga soo socda uu ku wareejiyo dhiggiisa Berdy Mammadov, asigoona sidoo kale kulamo xiriir ah la qaadan doono madaxda dalalka xubnaha ka ah shirkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*