Mahad Cawad oo mar kale loo doortay xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mahad Cabdalle Cawad, ayaa mar kale ku guuledystay kursiga xildhibaanimo ee summadiisu tahay HOP#104, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Mahad Cabdalle Cawad ayaa helay 84 cod, halka musharraxa la tartameysay oo aheyd Haweeney lagu magacaabay Shugri Cali Faarax ay heshay 17 cod.

Doorashada ayaa aheyd mid aan xiiso badan sameynay maadama la iska ogaa cida kusoo baxaysa, loona xiray Mahad Cawad, oo beeshiisu si weyn u diidaneyd.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*