SAWIRRO: Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland & Mustafe Cagjar?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), kaas oo shalay gaaray magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Somaliland iyo DDS, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga, maadama labada deegaan ay leeyihiin xuduud, ay kamid tahay degmadda Wajaale.

Mustafe Cagjar ayaa saxaafadda u sheegay in booqashadiisa Somaliland ay la xiriirto xoojinta iskaashiga labada dhinac. Isagoo sidoo kale xusay inuu u gudbinayo Madaxweynaha Somaliland dhambaal uu ka sido Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Socdaalka Madaxweynaha DDS ee Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dagaal culus, uu ka socdo dalka Itoobiya, kaas oo si weyn u sii fidaya.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Cagjar maxaa u diiday in uu Itoobiyadan ay u dhamaatay ee dagaalka ku jirta uu ka faaiidaysto oo dawlada dimoqradiga ah deegaanka Somalida ku dhawaaqo dawlad xor ah, isagii hadii uu hurdo umadii kale ma noomal KAHF ayey galeen waar deegaanka Somalida miyaanay ogayn jabkii Somali ka gaadhay 1977kii markii Soviet Union kii burburay Yemen ilaa Cuba usoo hiiliyeen oo ciidamdii Somalida ee ilaa Diredawa gaadhalay la soo jabiyey maanta cidla ayey taalaa in ay ka faaiidaystaan ayey ahayd Amxar iyo Tigre ilaa Oromo isma dhaamaan waa isku mid maxaa u diiday in ay isxoreeyaan. Beesha Ogadeen ayaa deegaanka Somalida ugu badnayd dhinaca halganka generalo kornaylo badan ayey ciidamdii Somalia ku lahaayeen waxay soo sameeyeen jabhado ay ONLF ugu dambaysay dadkii generaladii admiraladii xagay ka dhaceen mise waxay sugayaan in deegaanku dumaal noqdo oo kolba ka soo badiyaa taladeeda la wareego mid u shaqeeyana ay keenaan waar isxoreeya Tigray kama liidataan dhul istraatiijiya ayaa haysataan.

  2. SOMALILAYN waxaad moodaa inay tacsidii MELES hada xoogaa ka bugsatay oo lasoo qabsanayso nolosha cusub ee geeska Africa kaasoo ah Somalia mida, laakiin cidda weli tacsida u fadhidaa waa PUTLAYN,.

    Xagay soo socdaan ciidamadii Ina Gaas soo diray??

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*