DAAWO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay dhaqaale XFS ugu talagashay Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Roble, oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ganacstada Soomaaliyeed ayaa iyaguna dhankooda ku yaboohay 2 Milyan oo Doollar oo deg deg wax lagaga qabanayo abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*