SAWIRRO: Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda XFS oo xilkii la wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cabdi Siciid Muuse Cali, ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi M. Gulaid, iyo masuuliyiin kale.

Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa  soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”

Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Kuwan musharixinta halka
    Boys ah oo lah dagaal
    Baanridaynaa 1991 miyay
    Uqabaan somali in aay jogto
    Maanta aduunka waa, digital
    Lima bahama nin qabiilaysan
    Hadana musharax shaganaayo
    Dorasho dadban adinkaa ogolaateen waana mida aad
    Diidantihiin hada ceebtiina
    Masha kaka carara

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*