UPDATE: Doorashada 4 kursi oo ka dhacaysa Baydhabo & Dhuusamareeb, Maxaan ka ognahay?

Doorashada 3 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed. Kuraasta doorashadoodu dhaceyso ayaa kala ah #HOP182, #HOP170 iyo #HOP171.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa afartii sanno ee lasoo dhaafay waxaa ku kala fadhiyay #HOP182 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, HOP#170 oo uu ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo #HOP171 oo ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Sidoo kale, Doorashada kursiga #HOP054 ayaa maanta ka dhacaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*