WAR DEG DEG AH+AKHRISO: Madaxweyne Deni oo magacaabay Agaasimaha cusub ee Ciidanka PSF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu goor-dhaweyd soo saaray ku magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda PSF Puntland, isagoona xilkii ka qaaday Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Diyaano.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MADAXWEYNE DENI.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*