XOG RASMI AH: Siciid Deni oo ka carooday qoraalkii PSF “Ama meel Qoys bay noqon ama Hay’ad dowladeed”

Sida ay u sheegeen P-TIMES saraakiil katirsan Madaxtooyadda Puntland Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aad uga carooday qoraalkii kasoo baxay Taliska Ciidanka PSF Puntland, ee looga horyimid Isbedka uu ku sameeyay Haggaanak Hay’adda PSF.

Siciid Deni ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga carooday, qeybta dambe ee qoraalka lagu daabacay Facebook (Puntland Security Force), kaas oo lagu sheegay inay Ciidanka PSF la socdaan cidda xariirka la sameysay cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland.

“Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.”

Mid kamid ah saraakiisha ku dhow Siciid Deni, ayaa sheegay in Madaxweynuhu yiri “ilma Diyaano, Aniga ayay igu tilmaameen cadowga Puntland, mana suuroobeyso in ay sii maamulaan Ciidanka PSF. Ama PSF Hay’ad qoys bay noqon oo la tirtiro sida maleeshiyo beeleedyadii, ama Ciidan dowladeed oo Dowladdu maamusho bay noqon”.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay xil ka qaadista ku sameeyay Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, isagoo u magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Aamiin Xaaji Khayr, oo ku beel ah Agaasimaha la bedelay.

Ciidammada PSF-ta Puntland ayaa waxaa taageera Dowladda Mareykanka, iyagoo qeyb ka ah mashruuca la-dagaalanka Argagixisada ee Mareykanku siiyo dalal badan oo caalamka ah. Hay’addan ayaa mudadii ay jirtay waxaa si gaar ah u maamulayay Qoyska Reer Cismaan Diyaano, oo ahaa Agaasimihii ugu horeeyay ee Hay’adda, iyadoo hoggaankeedu ahaa dhaxal ay isku wareejiyaan carruurta AUN Cismaan Diyaano.

PUNTLAND TIMES

20 Comments

  1. Deni waa ninkii puntland ay dooneysey Allah barakeeyo daa cad ah dad aaan garaneeyn waxay rabaan waxa runta wasiirka masliyada iyo amniga wadanka waa iskudaba dhacay manshlah

  2. 24 hours gudahood ha ku wareejiyaan Amarka madaxweyne DENI waa in la fuliyaa (ILMA DIANO RAJO SIYAASADEED BAANBA KA QABNEY) waa maxay waxay sameynayaan Ciidanka PSF DEG DEG HA UGU NOQDAAN MEELAHA AY SOO BANEEYEEN. CIIDANKAN HORTAAGAN “SHAATIGA SHAYDAAN KA WAA IN XIISADIISA DEG DEG LOO SOO AFJARO INTAAN USC SNM IYO ALSHAYDAAN IS HUWAN AH BUURAHA LA SOO GELIN” WAXAAN SIXRAN EE GARARKA LA BAXAY OO DEEGAAN KOODA IYO DADKANAGA LAGU SOO SIXRAY BIYAHA SIXIRKA AH LA CABSIIYEY TAXLIILIN WAXA LOOGU YEERAY”
    JOOJIYA ILMO DIYANOW 1993 WIXII DHACAY CASHAR INOOGU WADA FILAN GALKAYO IYADOO USC AMA HABAR GIDIR HOROR LA HORTAAGAN YAHAY IN SNM AMA ISAAQ MUJRIMKA HABAR GIDIR HASSAN DAAHIR AWEYS BOSSASO SOO GELIYEEN. SHAQADA AAD QABATEEN EE WANAAGSAN EE SIFEYNTA ALSHAYDAAN CIIDANKA PSF JOOJIYA SIYAASADEYNTA IYO REEREYNTA QOFKASTAA SHAQADA LAGA QAADI KARAA MARKASTA EE LOO BAAHDO.
    MADAXWEYNE SICID DENI HADA WAABA ISLA FAMILY GII WAXA UU ISKU BEDELAY EE WAXAYBA AHEYD INUU IN TALIYE LAELKASE AH AMA DHULBAHANTE AH AMA CUMAR MOHAMUD AH KU BEDELO KAASNA AMA DALACSIIYO AMA DEMOTE GAREEYO NOTHING WRONG.
    MARKII HORE WAXAAN ISLA HAA WAA INANKII XUSEEN EE LACAGTA LAGU SIIYO PROPAGANDA DA PUNTLAND EE SOMTEL IYO DHIGSHIL KU SIIYAAN AMA SNM BA ISKA DHEH YAAH WAA LA’IS OGYAHAY WAX QARSOON MA JIRAAN MAANTA QULSILIYADA UK 🇬🇧 EE HARGEYSA BAYNU OGNAHAY NAAGAHA LOO GEEYO IYO TELEPHONE NADOODA BAL ISKA DAA INAN YAR OO XOOGEY LACAG AH TELEPHONE KA LOOGU TUURAY.

  3. MARKII HORE BAY QALAD AHEYD FAMILY MONOPOLY WAAYO HADA WAXAAN DAREEMEYNAA IN LA YIRI DIID MOGADISHU FARMAAJO SOO AMRAY WAA ISAGII U TAGAY IYAANTII DHAWEYD DHUUNI QAATE MA JILAAFEYN KARO DENI WALIBA IN LA BAARO WEEYE HADEYNU U SHAQO TAGEYNAA ILMO DIYANO XIRIIRADOODA WARYAA WAX U SHEEGA IYAGAY U ROONTAHAY INAY 24 HOURS KU WAREEJIYAAN XILKA TALIYAHA CUSUB WAA HADAY CAQLI LEEYIHIIN ILMO DIYANO.

  4. Cadowgaas waaba fahmi la’ahay ee ma Iidoorbaa mase Deni ayaa argagixiso la xiriiray bay naga gadayaaniin?

    Puntland Deni ha dhowrtaan,hana ilaashtaan.
    Waa hogaamiye usoo baxay,wuxu ka qabtay intii uu hogaaminayeyna waa muuqataa,dhan kasta ciidamada,maaliyadda,jidadka,ka guuridda hanaanka beelaha ee PL wax ku dooran jirtay,inkastoo qabyo weli tahay,hadana waa hirgelyey si tijaabo ah,taas oo macneheedu yahay in guud ahaan PL doorashadaas laga qaban karo.

    Waxan ka yaabay Asad askari buy ahaa,maantana waa siyaasi hantiile ah,Halka uu ka keenay lacagtaas?
    Was caddahay hay’addan ajnebigu baxshaan qarashkeeda inuu musuqay,kana tabcaday,inkastoo Farmaajona lacag malyan iyo bar ah siiyay si uu Deni iyo PL ugula dagaalo.
    Waxa kaleeto oo yaab ah marku meesha banneeyay waxa walaalkii uu ugu dhiibay ma dhaxaltooyaa meeshu?
    Maa markaa wax laga qabto???!!

    Waa sidaas ama hay’ad dawladeed ayay noqon ama hanti ashkhaas iyo beel.
    Lkn meesha macalimiin waaweyn oo goosashada ciidanka u sameeyay,kuna gorgortamay ayaa maanta wasiiro ah sow maaha?

  5. Ninka Deni magacaabay nooga faalooda waaba na wareeriseene.
    Waa kuma?
    Aqoontiisa?
    Meelaha uu kasoo shaqeeyay?
    Beeshiisa? ma reer Qardhoodbaa?
    Nugaal?

    Bari ama Sanaag .
    Anigu waxan Deni kula talinayaa inuuba kala diro ciidankaas,oo ajnebigu danohooda u sameysteen,sidaan tuhmayona khibrad ciidanimo iyo karti toona ma dheera ciidanka kaleeto ee Puntlande.
    Kuwii Somaliya ayaad u jeedaan in loosoo xiray keliya direys ee a an tababar lasoo siinin,waaba kuwaan wiilasha isu bedelayeen taladooda.
    Ciidanka gacanta Puntland halagusoo wareejiyo,bajadka Ku baxana sidoo kale,hadii aanay ahayn waa Sudan oo kale waxa laga fishaa,waxayna isu qaadan inay ka baxsan yihiin Puntland.

  6. Warhooy Deni ma’aha cadde, farole iyo gaas oo kale ee ina diyaanow ha’is tahlukayn oo reero nabad ah looma talin waayee xafiiska alaabtaada ka guro intii hadhow labarooran lahaa. Deni ma’aha nin lagu jabhadayn karo wixii dhaqaale ahaa oo dhan ciidamaduu galiyay oo dhalinyaro cusub oo dhawrkun gaaraya baa Mudug kaliya laga qoray intaan ogahay, gobollada kalana sidoo kale saan filayo marka argagixiso ladirir baan kujeednaaye ina adeerow is fududee.

  7. M.Deni ayaa Cadawga Puntland la xariiraa waa ‘masku intusan kugu candhuufin ayaa lagu candhuufaa” ilma iyagaa Cadawga Puntland soo maalgashaday si loo burburiyo haykalka Dawladnimo lagana dhigo meel wixii la rabo laga fushado sida koonfurta Somalia.

  8. Waa ciyaala suuq qeyrul masuul ah ninka qoraalka kore daacadda iska dhigaya,lehna amnigiinaan sugaynaa,hadana ficilkiisu muujinayo wax kale,ciidankana kasoo saaray furimohoodii.
    Wallee Deni kuma khaldana xil ka qaadistaada,ciyaal suuqnimadaaduna ka war helay,adaana wxaad tahay is kashifay.

  9. wilasha il diano ceb male dakuna waa jecelyihin wiligood dhibaato puntland kama shaqeeyn maxay dhir abuure maxeey dad saacideen maxeey ceelaa qodeen mid sigaar iyo khamri caba kuma jiro ma waxaad rabtaa khamri yacbo inaad ku wareejisid kuwa adiga magacaaga ku qaraabanya ayaa daakii kadii kala daalay gardho iyo garowe.Daniyow dadku kuma dhebcaa waa laguu han weeyahay caro yeeyeen ku lateegin somalidu waa sheedaan bilaada ayeey buunbuniya talada badso meel dheer wax ka eeg waxaa laga yaaba madween somali noqotid hadaadnan tanhelin tandame ayaad helin sumcad sameeyso dhaliyaro ayaa tahay latasho rag khubra jooga Prf juurile ABwaan khaliif isimada hada arinku waa sahal.Wilwaal ayaa XIRSI AMAAN casumay waxuu samayay nooc kasta cunto oo biniaadam cuno Hirsi ayaa ka yaabe frabadida.quruxda,nidaamka diyaafada loo samayeey.Markaas ayuu yidhi xirsi “aniguna waa ini casumay haleey yimaado”.WILWAAL baa casumadii yimi mise maxaa hilib waraan maxaa nicma taala meesha.Wilwaal baa yidhi “Xirsi cuntadaan wataan kugu casumay oo kale” . Xirsi wuxu aha nin buuran xanaaq badan, madax adag,talada qaadan casumaadi wuxuu u badelay inu dilo boqol raga caloosha waran ka gelgeliyeey.Markaas Wilwaal yidhi “ma waaxaad dishay ragii kaa iga celin laha hadaan kugu soo duulo”Cakuyay caqli xumo ragi iyo xolihi israace.somali waa muslim walaal ha isdilin waxa iniku sosocada malaayiin gaajeeysan oo xabashi ah geesi waa ninkii dhiig islam ka dhowrsada kan dadka dila oo geesi u taqaantiin waa fulay axmaq dhuusawayne

  10. wilasha il diano ceb male dakuna waa jecelyihin wiligood dhibaato puntland kama shaqeeyn maxay dhir abuure maxeey dad saacideen maxeey ceelaa qodeen mid sigaar iyo khamri caba kuma jiro ma waxaad rabtaa khamri yacbo inaad ku wareejisid kuwa adiga magacaaga ku qaraabanya ayaa daakii kadii kala daalay gardho iyo garowe.Daniyow dadku kuma dhebcaa waa laguu han weeyahay caro yeeyeen ku lateegin somalidu waa sheedaan bilaada ayeey buunbuniya talada badso meel dheer wax ka eeg waxaa laga yaaba madween somali noqotid hadaadnan tanhelin tandame ayaad helin sumcad sameeyso dhaliyaro ayaa tahay latasho rag khubra jooga Prf juurile ABwaan khaliif isimada hada arinku waa sahal.Wilwaal ayaa XIRSI AMAAN casumay waxuu samayay nooc kasta cunto oo biniaadam cuno Hirsi ayaa ka yaabe frabadida.quruxda,nidaamka diyaafada loo samayeey.Markaas ayuu yidhi xirsi “aniguna waa ini casumay haleey yimaado”.WILWAAL baa casumadii yimi mise maxaa hilib waraan maxaa nicma taala meesha.Wilwaal baa yidhi “Xirsi cuntadaan wataan kugu casumay oo kale” . Xirsi wuxu aha nin buuran xanaaq badan, madax adag,talada qaadan casumaadi wuxuu u badelay inu dilo boqol raga caloosha waran ka gelgeliyeey.Markaas Wilwaal yidhi “ma waaxaad dishay ragii kaa iga celin laha hadaan kugu soo duulo”Cakuyay caqli xumo ragi iyo xolihi israace.somali waa muslim walaal ha isdilin waxa iniku sosocada malaayiin gaajeeysan oo xabashi ah geesi waa ninkii dhiig islam ka dhowrsada kan dadka dila oo geesi u taqaantiin waa fulay axmaq dhuusawayne

  11. Mr MM Ilma Dayaano lacagta ay dhirta ku beteende ama ceelasha ku qodeen ama sadaqada u bixiyeen ma aun beerya Osman Dayaano ayey ka soo baxday mase ayagaa shaqaystay? Mase waxaad noosheegisaa wiilashu in ay xadaan mushaarka askarta? Puntland waa dawlad maamul iyo kala danbayn leh. Dhici mayso ciidan reer leeyahay in ay diidaan amarka Madaxwaynaheena.

  12. Ilma Diano waxay wadaan sheekadii qoyskii la dhihi jirey “Abadendo buona sera” ee ahayd mafiyadii talyaaniga rogtay. Sheko mafia kama shaqeyso puntland.

  13. Dhacdadan hada taagan waxay xambaarsan tahay arin aad u culus. Arinku kuma eka khilaafka hoose ee u dhexerya Deni iyo Diano. Waa arin xambaarsan muhuiimad culus. Shaqo kasta iyo masuuliyad kasta ee loo hayo bulshada waxaa mulkiile ka ah bulshada. Shaqsigii masuuliyaadas lagu aaminey oo furaheeda loo dhiibey waa shaqaale bulshadeed. shaqadaasu waa ku meelgaar oo markii la daano ayaa shaqaalaha laga wareejin karaa xilka. Hadii xil wareejinta la diido waxaa meesha ka baxaya kala dameynta oo waxaa dhalan iska hor imaad iyo gacan ka hadal. Waxaa dhicin in wasiirku diido xil wareejin maareeyuhu diido xil wareejin. Ama madaweynuhu laftigiisu diido xil wareejin. Waxaa dhalan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Sheekadu kuma ekasnayso Deni iyo Diano ee waxay noqon cudur saf mar ah ee ku faafa masuuliyad kasta iyo xil kasts oo masuul kasta waxuu gaws dambeedka ku qabsan xilkii loo dhiibo oo waxuu xilku u noqon dhaxal uu awoowayaashiis ka dhaxlay. Waa muqadasa in laga hor tago foodada ay ilma Diano umada u horseedayaan. Hadii aan taas la sameyn oo ilma Diano ay psf sii maamushaan waxaanan shaki ku jirin in puntland u furmayo albaabo cusub oo aan la maareyn karin oo maaro loo waayayo oo masuul kasta uu ku dhagi doono xilka uu hayo.

  14. Wax kasta Akhriya Denina ku taageera ,balse hal arrin ah baan idiin sheegin,haddana ka xumaataan Ama ku faraxdaan waa hawl idiin taalla.
    Deni his IQ is a very low level, waayo Qofka IQ – giisu sarreeya sidaas uma bararo!! This is a Science course not fiction,but it’s truth.

  15. Puntland.
    In wax badan ay qalad yihiin shaki kuma jiro.
    Mudane Siciid Deni waa maamulihii ( Governor ) ugo liitay ee soo mara maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
    War Deni kuwa sida indhal’aanta ah u taageersan la yaab ma laha oo musumaasuqa,eexda iyo boobka hantida dadwaynaha reer Puntland lago hayo ay horumar u arkaan.
    Shacabka Puntland nidaamka beelaha ee wax lago maamul ayey ayaa sab u ah in ay haddba Puntland gacanta u gasho ninka fadhiya madaxtooyada Garowe iyo koox dulaaliin ah,oo ka taajira xulufadiisa tan iminka Deni ay gaashaanbuurta yihiin Deni waa Aaran Jaan oo doorashadiusa door ja ugo wayn ku lahayd.
    War shacabka geyiga Puntland maamul ka Deni,laga ma filan jaro in uu wax horumar ku dhisan cadaalad ka hirgaliyo Puntland.
    Deni iyo kooxda Aaran Jaan waa kuwo u soo ganacsi tagey Puntland laga ma filan karo wax wanaag ah.
    Puntland guul,midnimo iyo sharciga oo sareeya

  16. Maxamuud Salebaan cadaalad ma yaqaano,dulmiga,sadbursigana heshiis ayay Ku ahaayeen,hadana àrimo laba nin u dhaxaysa ayaa socdo.
    Curyaamin Bari weeyaan amni ahaàn awal siyaasad ahaan horeba waa u jirtaye.
    Dad yaqaan buuraleyda Bari ayay ahayd inay ciidanka hogaanshaan inta reer Qardhood loo dhiiibaayo.

  17. Reer Boqor, ar booweyaal masjidka ciyaarta ka daaya. Xilku ma aha saldanadii Keenadiid ee waa xil dawladeed. Nagana yareeya la-showrka ‘Nabad iyo Nolol’

    Cid kasta oo jecel wanaagga iyo mustaqbalka Puntland iyo hannaan federalism caadil ah waa inay taageeraan Madaxweyne Deni. Deni waa halyeey usoo baxay Puntland oo jiilalka soo socda iyo taariikhdu xusi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*