XOG: RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo maanta shiraya, & go’aanada dhinacyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS, ayaa lagu wadaa inay kulan xasaasi ah maanta ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay P-TIMES, kulanka oo ka dhacaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadli doonaa Doorashooyinka dalka, gaar ahaan khilaafaadka hareeyay Doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta sabtidii ayay ku sheegeen in aysan aqbaleyn doorashada boobka ah ee ka socota dalka, iyagoo horey ugu hanjabay inay dhisi doonaan Dowlad KMG ah.

Sidoo kale, Midowga Musharixiinta ayaa la sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha hordhigi doonaan go’aano adag oo kasoo baxay kulamo maalmihii tagay ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka maanta dhexmaraya Ra’iisul Wasaare iyo Midowga Musharixiinta, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaruhu uu xalay sheegay dhankiisa inaan la aqbali karin in Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad-gobaleed ay ku milmaan siyaasadda Madaxweynaha Maamul-gobaleedyada.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Ini firgaajo haduu doorashada boobe xagee ku maamulaya xukunka uu boobay? Waxa kaliya oo ku filan in la yiraahdo ma aqoonsanin mana aqbalayo natiija kasta oo soo baxda. Geela ini Farmaajo dhacayo xagee ku maalidoonaa ma Gedo iyo Garbahaaray? Hadaan doorasho lagu wada qanacsanyahay oo xalaal waxa kasoo bixi karaa waa cadahay waana fowdo iyo dowlad la aan khilaaf iyo kala tag iyo in nin wslbaa uu goofkiisa joogo. Ini Farmaajo haloosheego dhakac dhakac hore dhabanahays baa ka danbayndoonta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*