XOG+SAWIRRO: Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Garoowe yimid, casuumaada DENI, Muxuu kala hadlin?

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
 
Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir.
 
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa casuumay Madaxweyne Deni, isagoo kala hadli doona Arrimaha Doorashooyinka DFS, iyo xaalada gobalka Gedo.
 
Socdaalka Maxamuud Sayid ee Garoowe ayaa kusoo aadaya xilli todobaadkii hore uu magaalada Garoowe isaga dhoofay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaas oo maalmo badan ku sugnaa caasimadda Puntland.
 
PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Maxaa Deni ka quseeya Doorashada Jubbaland, gaar ahaanna Doorashada ka dhici doonta Garbahaareey???
    Waxaa la yiri qofka waalan waxaa lagu gartaa wuxuu sameeyaa wax aysan sameyn dadka kale!
    Deni Puntland buu maamuli la yahay haddii loogu daro Jubbaland ma maamuli karaa?
    Deni wuxuu ku fekerayaa inuu Boosaaso aan doorasho lagu qaban,islamarkaana Caqligiisu wuxuu istusiyey ineysan Doorasho ka dhicin Gobolka Gedo, sida Kenya iyo Emirates uga dhaadhiciyeen Axmed Kenyatta iyo Deni- Aaranjaan!!
    Arrintaan waxaay soo fududeyneysaa sidii Axmed Kenyatta looga ceyrin lahaa Jubbaland.

  2. Kkkkk DENI DHUUSO WAYNE WUXUU DHUUSO MOODAAYAY AYAA XAAR KU NOQDAY . MALAHA NINKAAN MAREEXAAN AYUU MACIIN BIDAY .

  3. Daahir adigaa waalan oo fadhi ku dirir ah oo intaa wax qorayo aan macno sameynaynin shacab baad tahay ee ku ekow

Comments are closed.