DAAWO: Mustafe Cagjar “Abiy Dowladda dhexe ayuu la macaamilaa, xitaa haduu Farmaajo tago”

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Itoobiya, xukunka Abiy Ahmed Ali iyo saameynta uu ku lee yahay Soomaaliya.

Mustafe Cagjar oo ka hadlayay Madasha Aragti-Wadaagga machadka Heritage, ayaa sheegay in cabashada siyaasiyiinta Soomaalidu ee Abiy Ahmed, ay tahay la yaab, maadama uu u arko inuu si wanaagsan ula dhaqmay, uusana faragelin ku hayn Soomaaliya, lana macaamilo dowladda dhexe oo kali ah, xitaa haddii uu tago Madaxweyne Farmaajo.

“Siyaasiyiinta Soomaalidu Abiy Axmed la yaab uun bay kaga cabanayaan, aniga waxaan u arkaa in uu si wanaagsan ula dhaqmay Soomaaliya, faragelin kuma hayo keliya dowladda dhexe ayuu la macaamilaa xataa Farmaajo hadduu tago madaxweynaha Qaranka uun buu la macaamilayaa”.

Madaxweynaha DDS ayaa intaas ku daray “Wax reer galbeed soo abaabuley ha ugu cadhoonina Abiy, Abiya hadda wuxuu hor taagan yahay kuwii Soomaali u sameeyey Federaalka haddana doonaya in ay balaayo kale u sameeyaan, waxaa makhraari iiga ah hooyada Hargeysa ka timaada ee Jigjiga tagta ee hadana Beledweyne ka soo adeegata”.

PUNTLAND TIMES

27 Comments

  1. Dowladnimada Soomaaliya:-
    Soomaaliya wa dal qaranimadiisii ay duulaan ku yihiin,Shisheeye sida Ethiopia,Kenya iyo U.A.E iyo Soomaali danaystayaal ah,oo qabyaalad ku shaqeeya.
    Qunsuliyadaha Ethiopia ee Hargeysa iyo Garowe waa faragelin qaawan oo cad oo xad gudub ku ah qaranimada Soomaaliya.
    Mudane Mustaf’s Cagjar arinto waa ka wayn tahay in qof Soomaali ah oo Hargeysa ka yimi in uu wax ka iibsado Jig-jiga ama Baladwayne yimaado.
    Waxa jira dibindaabyo wayn oo mudo dheer soo socotay oo Soomaaliya qaranimadeeda lago wiiqayo,taasina ma hirgalidoonto inta shacabka Soomaaliya ay nool yihiin.
    Dakadaha dhulka Soomaaliya iib ma aha,heshiiskaasi 19% lago siiyey Dakada Berbera waa mud sharci daro ah.
    Ethiopia iyo Eritrea waa heshiiyeen ee maxay maxay dakadaha Eritrea ee
    wax uga ii San waayey,sababta waa in Eritrea ay qaranimada ilaashanayso.
    Arinta Bada ee Soomaaliya iyo Kenya waa in Security Council ka si deg deg ah loo geeyo marka doorashado dhamaato oo dowlad cusub ka soo dhiso.
    Soomaaliya guul.

    • Qofka marka uu isku dhex dar darmo waa sidan ninka la baxay Mohamed Elmi oo kale, Dekedda Berbera yaa wax kaa weydiinaya, meesha Ilma Gareen ma joogaan, weligeedna sidaas bay ahaanaysaa, dadkii lahaa baa haysta, meeshaada iimaanso, haddii aadan meel lahayn oo dulsaar ama Dulin Somali ku tahay, markaa toos isu caddee oo Somali bila dal ah baa lagu qorayaa 5 ta Somaliyeedna sida Gibsy ga Yusuf iska dhex mushaax, haka hadlin dhul iyo dad aadan lahay , taadii baa dayacan

  2. Cagjar idinka DDS ahaan kolba kii Ethiopia priminister ka noqda ayaad u sacbisaan kabahana u qaadaan caqli iyo garasho kale ma lihidin, shalay tigree ayaad u shaqaynayseen oo dadkiina u dilayseen maantana axmaaro ayaad u adeegtaan sharaf iyo karaamo midna ma lihidin. Caqli xumadaada waad rabtaa Ethiopia inay federal system ahaato ama co federal ugasii gudubto laakiin Somaliya waxaad tiri Tigree ayaa u sameeyay federal system ka waana meel ka dhac wayn runtii umad dhan waxay samaysteen inaad ilhaanayso waase gartaayoo adigaa lixdan sano lagu gumaysanayay oo maskaxda lagaa dilay waligaana wax lagu waydiin in sanka lagaa tolo maahane marka tii laguugu samayn jiray ayaad u qaadatay in Somaliya lagu sameeyo. Waxaa kaloo dhaqan xumo ah adoo dad Somali ah la hadlaya inaad xabado English ah oo bowsi ah ku hadasho duli fooqul duli qadhmuun ah.

    • Ku: Qofka NUURAANI ku soo galay barta.

      Waa run walaalkiis in 60 gu’ dadkan la gumaysanayay. Saas oo ay tahay intaa waa dagaallamayeen, waa dadaaalayeen. Kuwa Xabashida u ah KABA-QAADKA falkoodu waa naf la caari ee ma aha siday rabeen. dan baa meesha dhigtay, ee ha ku digan.
      In Soomaaliya loo sameeyay habka FEDERAALKA, ma ahan fallaar kaaga go’aysa si fudud. WAA RUN.
      Waxaa taa markhaati ka ah, fiiri bulshooyinka ku dhaqma habka federaalka, waxay bulshooyinkoodu ka kooban yihiin dadyow kala fir, dhaqan, iyo af ah.
      Gumaysiga ad sheegayso, ma haysto Jigjiga oo kaliya. Fiiri Muqdisho, waa tii Tigreegu farta ugu yeerayay madaxda ay iyagu soo xusheen. Garoowe, Hargaysa, iyo Kismaayo iyaga warkoodaba iska daa!
      Waa la wada bahdilan yahay, ee walaal ka daa fallaartan ad ku gilgilayso dadka.

  3. Ilaahbaa runta jecel.
    Bal fiiri sida CAGJAR runta uga sheegay cidda Somaliya Federalka u sameysay iyo beenta Majerteen?!!!
    -Federal annakaa suubinnay
    -Waa nadaam soomaliya dawladeedu kusoo laaban laheed
    -Waa nadaam soomaali isagu imaan lahayd
    -Waa nadaam waa nadaam….
    Tuugo beenaalayaal ah.
    Cagjar waa Hawiye dhaha maadaama uu runta ka sheegay federaalka Somaliya cidda ka dhigtay.
    Ogaada soomaali aan adinka ahayn oo federaal Ku dheggan ma jirto,xataa Daarood weyne.
    -Mariixaan
    -OGADEN
    -HARTI
    -CALI SULAYMAN IYO REER PUDLAND INTA BADAN.
    MAXAMUUD SALAYMAN OO LA OGYAHAY TIRADIISA MARKA SOMAALI LOO FIIRSHO INTEE FEDERAAL DAAFICI KARAAN?

    • Hersi, kelitalis ayaad wadaa wixii laga dhaxlay waa burburka koone iyo koone Somali ka gaadhay, maanta Puntland waa dhisantahay miyaad ka xuntahay, mise Ilma Gareen baad la rabtay, muxuu Farmaajo hayaa 28 kun oo Ciidan aan Somali ahayn baa Villada ku waardiyeeye, Federal shaqee , burbur dambe Somali ku wada dhici makyo. Cidda Federalna ka soo horjeeda waa cid aan is bixin karin oo isku filayn, lahayn sizeable middle class or intellectual property, Human Resources waxay doonayaan in ay ku dul noolaadaan Somalida kale oo Ła bilo waana reeraha; Leylkase, Awrtable, Shiikhaal, Eelaay, Dhulbahante, Wersangeli, Mareexaan, waa reerihii dhiigga ka jaqay Somail sida kanxecada oo cunaha iskaga duubay dawladdii Siyaad Barre, Guulwadayaasha Ła baxay, ilaa Somali laga qabto oo meel lagu tiiriyo Somali hagaagji mayso, waa cashuur cunayaal, lahayn ganacsi, dekedo iyo waxgarad toona, iskana dhiga waddiniyiin been been ah

  4. Madaxdu waa mahadsanyihiin lkn besha ingiriis lama hadlayaan afqalad aqoonuna somaliduna miyo magalo ayaleeyiin mana wasda yaqaanan afka ingiriis markaa fadlan hadii aad danta somali ka hadlaysaan afsomali ku hadla si dadku dhamaan idiin wada fahmo

  5. Madaxdu waa mahadsanyihiin lkn beesha ingiriis lama hadlayaan afqalad aqoontuna ma aha somaliduna miyo magaloba wey joogaan mana wada yaqaanan afka ingiriis markaa fadlan hadii aad danta somali ka hadlaysaan afsomali ku hadla si dadku dhamaan idiin wada fahmo

  6. Doqontu hadba kii rarta ayey u sacaba tuntaa. Caqli xumadii intay ka badatay ayuu waxuu aaminsan yahay in tigreygu soo alifeen federalismka oo dunida ku faafiyeen. Kanu aamuska ayuu ku fiican yahay.

  7. To: Hirsi;
    reerka aad ku waalatay dhulkoodi bay joogan kaaga iimanso oo habarka iska dah
    Cali saleeban iyo Maxamud saleeban soo baro waxa ay isu yihiin. tan kale runta haddii lagu sheego waxaad tahay AY AY DHALAY OO CUQDADEYSA DHULKAGA IYO DEEKANKAGA UU NOQO OO UU KHUDBEH.

  8. @@@Hirsi,

    Haan maran baad murudsanaysaa oo weliba kudhex awdantahay, bal mar uun cirbadhiibso oo waaqiciga dhabta ah ee haanta dibaddeeda gadawaaran garawso. Xaalku waa kaweyn yahay oo kana qotodheer yahay halka aad wax ka xaarxaaranayso. Xaajadu ma joogto Marjeerteen iyo Maryooleey, waxay maraysaa nadba’a bedbaadinta masiirka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

    Aan aqoondarrada taariikhda Soomaaliyeed iyo Geeska Afrika kaa haysata kaa yar jaahilbixiyo. Mabda’a nidaamka dawliga furfuran ee dawlad-wadaagga kusaleysan (federaalisimka), waa mid aad u ballaaran oo noocyo dhowr ahna usii kalabaxa. Soomaalida dhexdeedana, waxaa nidaamka dawlad-wadaagga ah hindisahiisa curiyay oo fiiradheeridaasna lahaa Daaroodka reer Puntland oo ay majaraha uhayeen beelweynta Harti.

    Kaddib burburkii saldanadihii waaweynaa ee Ujuuraan iyo Cuthmaaniyadda, mandiqadda Soomaaliyeed waxaa kuhabsaday faaruq dawladeed oo billaabay in ay Soomaalidu kala daadato. Sanadihii 1896-1918 ayay reer Puntland soo hindiseen talo ahayd in ay Soomaalidu yagleelato Boqortooyo Soomaaliyeed oo kuweedii kala googgo’sanaa ka unkan oo kushaqeyneysa hab dawlad iyo talo wadaag ah – Muqdishana ay caasimad u noqoto.

    Wayna kaga dhabeeyeen oo waxaa dunida looga aqoonsaday ‘THE SOMALI BOQORATE’. Quwadihii dunida ee waagaas jiray badankoodu sidaas ayay ku aqoonsadeen. Lacag u gooni ah ayay yeelatay iyo dhammaan astaamaha dawliga ee caalamka kashaqeynayay. 1918 ayay boqortooyadaasu lahayd ciidanka Afrika uugu quwad badan ee ay kamid ahaayeen shan maraakiibta-dagaal ee ugu casrisanaa oo ay Jarmanka iyo Turkiga ka iibsatay.

    Bal taariikhdaas dib u goco: waa 1896 ilaa 1918. Waagaas Meles iyo Abiy midna dunida kama jirin. Waxay reer Puntland ufekereyeen oo kana duulayeen heer imberatooriyadeed oo ay kula tartamayeen kuwii waagaas jiray oo Ummadda Soomaaliyeedna halista xun kusoo hayay – gaar ahaanna tii Xabashida iyo kuwii reer Yurub. Heerkaas ayay reer Puntland ka dagaalamayeen oo ahaa qarni waahore tegay.

    Nasiibdarrose, reer Yurub ayaa markii ay arkeen khatarta ay Boqortooyo Soomaaliyeed ku yeelan doonto Geeska iyo Bariga Afrika – gaar ahaanna tii Xabashiyeed ee ahayd saldhigga Kristaannimo ee Afrika iyo Bariga Dhexe, iyo Kenya – waxay go’aansadeen in ay ka dhabqiyaan oo mandiqadda Soomaaliyeed gebigeedaba inta gumeystaan kala jarjaraan oo ummaddanna sidaas ku kala faquuqaan – sida haatanba weli wax u jiraan.

    Marka, malaha aad kusocoto iyo sida aad moodday xaalku ka duwan. Taariikhda sugan ayaa lagu kalabaxaa saaxiib.

    • Haddaad ka hadlayso sooyaal jira boqollaal gu’, waxaa lasoo raaciyaa tixraac. Dadku waxay is waydiinayaan qofkan hadalkiisu ma been baa oo waa cabsan yahay, mise waa run oo wuxuu ka illaaway inuu tixraac ku soo lifaaqo?

  9. @@@Hirsi,

    Daaroodku 90% waa isku raacsan yahay nidaamka federaaliga, 10% kalena taladaas guud ayay ku gawracan yihiin. Kuwiinan ka didsan ayaa sixun uga arradan macnaha iyo murtida nidaamka federaaliga oo meel cidla ah ka dudsan.

    Taariikhda Islaamka xataa dib ugu noqda: Khilaafadaha Islaamiga kuwoodii dunida uugu caansanaa ee uguna saameynta weynaa giddigoodu waxay kusaleysnaayeen nidaamka furfuran ee dawlad-wadaagga, iyada oo wilaayad kastaaba lahayd ismaamul hoosaad (Dawlad Geyiyeed) iyo Amiir gobernatoore udhigmayay oo madaxweyne ka ahaa.

    Majeerteenka iyo tolweynahooda Daarood taariikhdaas ayay qayb kasoo ahaayeen oo khibrad iyo aqoon badanna usoo lahaayeen, taas oo kayeeshay micigammaarrada Soomaalida kale uga xeeldheer baabka dawladnimada iyo siyaasadda caalamiga. Ciddii wax kusii dheer waa laga faa’iideystaa ee cadaawad loogu ma qaado.

    Damacii imberatooriyadeed ee Xabashidu waa kan soo labakacleeyay oo Abiy loo adeegsanayo, xilli ay Soomaalidu farta isku fiiqdo lama joogo ee waxaa lagu jiraa xilli ay lagama-maarmaan tahay in halistan soo cusboonaatay ummad ahaan la iskaga birdhigo. Katoosa hurdada.

  10. @Awlalow taariikhda kuma hayno boqortooyadaas aad sheegi in Ha4ti lahaayeen,xukunkeeduna gaarsiisnaa heer soomaaliyeed,kana talisay geyiga soomaaliyeed oo idil.
    Maxaa cadow layska moosaa canaasirtiisa ay soomaali yihiin,wuxu usoo xambaariyayna soomaali tastuur,iyo nadaamba uu waxaas yahay.
    Federaalka Somaliya ma aha ka la yaqaano ee dunida ka jira,waana mid u adeegaya cadowga dalka,kalana qoqobaya caqliga,cududa,fikirka,wax wada lahaanshaha umadda,keenayana inaan dal dadka mideeyaahi jirin,waadna ogtahay ee daafacid beeleed ayaa kaa indho saabi xaqiiqad.

  11. @@@Hirsi,

    Dabcan, sababta aysan taariikhdaasu Soomaalida uga warhayn waxaa weeye in – sida aan kor kuxusay – markiiba laga dhabqiyay iyada oo aan helin fursad ay ku qaangaarto. Anaa idiin bidhaaminayee, inta ‘Google’-ka gashaan, kasoo baara “The Somali Boqorate, idinka ayaa dan uga bogan doona ee.

    Midda kusaabsan federaalka Soomaaliya, waxaan macquul noqon karin in ay Majeerteenku wixii dhibaato iyo tacab ah ee la ogaa usoomareen in qarannimada Soomaaliya iyo dawladnimadeeda dib usoo nooleeyaan oo haddana intaas aad soo tibaaxday ku curyaamiyaan.

    Wax dano ah oo Majeerteenka uugu jira ma jiraan in ay Soomaaliyada ay kamidka yihiin kala daadato oo nacab xabashiyeedna u gacangeliyaan, waayo waxay lamid tahay dad doon ay saaran yihiin ubucda ka dalooliyay si ay baddu u liqdo. Maxay kadheefayaan bal noosheeg?

  12. @ALXAJI AWLAL
    DUCO
    ILAAHAY JANADII HA KU GEEYO AAMIN

    TAARIIKHDA IN LA QORO WAA MUHIIM SI JIILASHAN U BARTAAN.
    1. PUNTITE KINGDOM XILIGII FARAACIBTA MASAR JIRTAY
    2. ADALITE KINGDOM SOMAL 1508-1884
    2. AJURAN KINGDOM SOMAL 1520-1884
    3. WARSANGELI KINGDOM SOMAL 1530-1884
    4. MAJEERTEEN KINGDOM SOMAL 1530-1920

    SOMALIDU WAA DAD MUSLIM AH 1400 SANO DIINTEENA SUUBAN SOO GAARTAY TAARIIKHDA DHABTA AH DIINTA AYAYNA GAARSIIYEEN DUNIDA IYO QAARADA AFRICA OO DHAN.

    ANAKOO AH DADKA SIDAAS U FACA WEYN EE TAARIIKH DAAS LEH HADAAD DADKA SOMALIDA AH EE AQOON TA LEH LA SHEEKEYSATO WAXAY INTOODA BADAN KAAGA SOO BILAABAYAAN 1884 BERLIN “THE CURSE OF THE EUROPEANS OF AFRICA AND THE DIVISION OF SOMALIS AND THEIR LANDS”
    MARKII HOOS LOO SII DEGANA WAXAY KU XIJINAAN OO KAAGA BILAABAYAAN 1991 XITAA KAAGA BILAABIMAYAA JAMHADIHII IYO REGIME KII MILITRY GA INAAD SII WEYDIISO MOOYAANE.

    HADAAN SI KALE U DHIGO QABIILADA ISAAQ IYO HAWIYE AQOON YAHANADOODA HADAAD LA SHEEKEYSATO “WAXAYBA AAMINSAN YIHIN INAY XOROOBEEN 1991 HADAAN SI KALE IDIN FAHAMSIIYO ISAAQ IYO HABAR GIDIR WAXAYBA AAMINSANYIHIIN INAY GUMEYSI HEERYO KA HOOS BAXEEN BOQORTOOYO MAJEERTEEN IYO SAMAROON MARKAAD WEYDIISO WHAT ABOUT WARSAGELI & AJURAN KINGDOMS IYAKU WAX MA GUMEYSAN BAY KU DHIHIN. KAAGA SII DARANE XATAA WAXAY INKIRAYAAN IN GUMEYSTIHII LALA DIRIRAY OO 1.2 MILLION SOMALIS NAFTOODA U HUREEN INAAN DHAQANKOODA IN DIINTOODA LA BEDELIN SOMALI NA LA DOONSAN WAY XAQIRAYAAN.

    TAARIIKHDA UMADA SOMALIYEED EE DHABTA AH IYO SIDAY CAALAMI U TAHAY OO ADUUNKA ULA HAYSTEEN WAXAY LAHAAYEEN AMIIRO KA MASUUL AH MAGAALOOYIN, SULTANATE HOOSTAGA BOQORO KA MASUUL AH GOBOLO ILAA DOWLADII WEYNEYD EE ISLAM KA SOO GAARTAY EE CUSMANIYINTA.

    HADAAN KA SOO QABTO ILBAXNIMADAAS FACA WEYN MAJEERTEEN KINGDOM WAXAY LAHAAYEEN MARAAKIB DAGAAL OO CASRI AH WAA XAQIIQA. MARKII MOGADISHU NOQOTAY CAASIMAD SOMALIYEED DUNIDIINA CASRIYOWDAY SOMALINA DOWLAD NIMADEEDII CASRIYOWDAY BOQORTOOYO YINKII IYO SULTANATE KIINA WAXAY NOQDEEN BUDDHIGA SHACBIYADA AMA SHUCUUBTA SOMALIDA QABIILADA MADAXDOODA EE SOO JIREENKA AH ILAA HADA WALINA GAROODO UGAASYO LAGU KORDHOYEY.

    SOMALIDA QARNIGAN 21aad RAJO FIICAN BAY LEEDAHAY HADII AY KA NABAD GALAAN “GEO POLITICAL CHALLENGE” WAANA MIDA UGU DARAN SIDII LOOGA BEDBAADIN LAHAA EUROPEAN CURSE 1884 INKASTOO DUNIDAN CASRIGAA MAANTA LA’ISKU WADA BAAHAN YAHAY OO DUNIDIINA FURFURANTAY CAQLIGA IYO MASKAXDA KA SHAQEYSIIYA OO DALKA HALA HORU MARIYO CID KASTANA HA LOO FURO INAY MAAL GASHATO.

    WAA ARAGTIDEYDA AAN KU RAACSANAHAY ALXAJI AWLAL MAJEERTEENA ILAAHAY BAA KA DHIGAY ILBAX EE SOMALIYEY ISKA DAAYA CUNFIGA IYO XASADKA LA’AANTOOD MAANTA DOWLAD FURFURAN OO FEDERAL AH LAMA HELEEN MARKII HORE BAY AHEYD IN LA DHAGEYSTO SSDF KA DUCEYSTA BOQORADINA.

    BISMILLAHI RAHMANI RAHIM

  13. @@@@LA-USTAADUL KARIIM JIRAC,

    Caaqil Sare, ducadaada barakada xambaarsan Ilaahay ha ii aqbalo oo adiga, waalidiintaa, iyo qoyskaagaba iyo Jannatul Fardowsa ha idiin ku martiqaado – Aamiin.

    Caaqil Sarow, Soomaalida xaqa iyo runta Alle ha tuso oo hana garansiiyo sida aad ugu duceysay. Abaar maskaxeed ayaa dadkeennii kuhabsatay oo gorodda isku wada gelisay. Marnaan aydiyolojiyadeed ayaa ku noqotay faaruq haawanaya ee ay kadhex qoobaadeyso.

    Aad baan ugu faraxsanahay oo una soo dhoweynayaa in aad madasha naga lasoo qeybgashay muddo dheer kaddib, Caaqil. Soonoqdkaygii ayaan salaan diiran hawada kuusoo dhigay, laakiin waxaan tabay in aad ka maqnayd.

  14. Awlal.; waxba taariikh been ah hay iskugu ducaynina. Majeerteen waa Harti ; Hartina waa mijihii ugu hooseyey kablalax sidee ayuu ula facyahay Awdal kingdom???? Kula yabimayo , waayo beenta iyo faanka waa iska hida raacdeen

  15. Wagii U JUXA kasoo shaqeeyey DfS-ka waxuu soo arkay xaqiiqada dhabta ah oo aysan somali badankeed fahamsaneyn waxa uu yahay federalismku. Waxuu ogaaday in somali ay wali ku qufulantahay xukunadii kali taliska ahaa ee wadanka soo maray sida kuwii gumeystaha reer yurub iyo kii kacaanka. Waxuu ogaaday in dowr farcan ku qaadanayso somalida badankeed ka jaahil baxa waxa uu yahay federaalism. Waxuu ku taliyey in confederation lagu badalo federaalismka ee aan wakhtigaan loo bisleyn. Badanaa dadku wey la yaabanaayeen fikirka cusub ee uu soo jeediyey MR JUXA laakiin hada waxaa yeeraya guux culus oo loogu riyaaqayo fikirkiisii ahaa confederation. Hadii confederation la qaato ma jireyso cid oo cida kale u xayrnaaneysa oo qolo kasta waxay dunida ula xiriiraysaa si toos ah sida Tanganyika iyo zanzibaar, oo ah confederate states. Macnuhu waxaa wey in wadanku ahaado sidii uu waligiis ahaa oo qarannimadi sii jidho oo sii xoogeysato laakiin lakala qaraabto. Nimba caqligiis iyo xeeladiis iyo xoogiis haku shaqeysto. Cid dambe oo cid kale ku eedeyn doonta khaladka ay ayadu gashay ma jirdoonton.

  16. @@Jaylaani Mohamed,

    Dadka ilbaxda ahi, marka ay dood raddinayaan waxay usoo xigtaan daliilo iyo caddaymo sugan oo wixii ay u arkaan in aysan sax ahayn ku beeniyaan. Weligaana mowduuca laga hadlayo ayaa hadalka lala beegsadaa oo laguna koobaa. Waa iga waano intaas.

    Awdal waa degaan, Hartiguna waa bani aadam, sidee baa la iskugu mataali karaa labadaas?

    Haddiise aad ula jeedday Saldanaddii Cadal, waxa aad kahadlayso waa iska sii hubiyaa markahore, inta aadan macshar hortii isku kashifin. Saldanaddaasna, qabiil keliya ma lahayn ee Soomaalida badankeeda ayaa sikasta uga mid ahayd oo kuna baheysnayd.

    Kollay reerka aad tahay iyo meesha ku halcatay waa lagaa garan karaa, ku qanac in aadan reer Awdalka saxda ah Saldanaddaas lagu yaqaannay adigu katirsanayn oo taariikhdaasba ku xusnayn – halka Hartiga “minjaha hoose” ah qummaati loogu xusay.

  17. @@Jaylaani Mohamed,

    Dadka ilbaxda ahi, marka ay dood raddinayaan waxay usoo xigtaan daliilo iyo caddaymo sugan oo wixii ay u arkaan in aysan sax ahayn ku beeniyaan. Weligaana mowduuca laga hadlayo ayaa hadalka lala beegsadaa oo laguna koobaa. Waa iga waano intaas.

    Awdal waa degaan, Hartiguna waa bani aadam, sidee baa la iskugu mataali karaa labadaas?

    Haddiise aad ula jeedday Saldanaddii Cadal, waxa aad kahadlayso waa iska sii hubiyaa markahore, inta aadan macshar hortii isku kashifin. Saldanaddaasna, qabiil keliya ma lahayn ee Soomaalida badankeeda ayaa sikasta uga mid ahayd oo kuna baheysnayd.

    Kollay reerka aad tahay iyo meesha ku halcatay waa lagaa garan karaa, ku qanac in aadan reer Awdalka saxda ah ee Saldanaddaas lagu yaqaannay adigu katirsanayn oo taariikhdaasba ku xusnayn – halka Hartiga “minjaha hoose” ah qummaati loogu xusay.

  18. Harti Archives-ka duninada waxay ugu xusan yihiin inay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee ka horyimi dawladihii soomaalida sida tii Axmed Guray,oo ay dhantaalayeen,si cadna waa ugu xusantahay taariikhda.
    Waa nuxuus umadda lagusoo tuuray,kuna ah dulin dhiigga ka miirta siiba Majeerteen.
    Maxaa been lala wareegay iyo taariikh been ah.
    Shalay 2006 ayaa qoyan,Harti wuxu ka sameeyay Xamarna waa qorantahay,waana waxay qarniyo ka horna samayn jireen.

  19. Ninka yiri ‘Mustafe wuxuu ku hadlay dhawr eray oo English ah oo uu soo bowsaday’, taasi waa been. Mustafe waa nin aqoonyahan ah, Englishka iyo Af Soomaaligana wuu ka badiyaa nin kasta oo Soomaali ah. Waxaanse u maleynayaa sababta uu ugu hadlay Englishka inay tahay cabsi uu ka qabo in Amxaaradu ku shaabbadayso inuu Soomaalinimo aammisan yahay oo caadifad Soomaalinimo ku jirto.

    Waa amakaag in Mustafe ku hadaaqo hadalladii federalism-diidka ahaa ee ay ku hadaaqaan kuwa Somalia jooga ee doonaya in wax kasta oo Soomaali ka dhexeeya lagu koobo Xamar amase kuwa fashilmay ee waxba qabsanwaayey soddonkii sano ee burburka. Waa kuwa agoontoobay markii ay dhacday dowladdii dhexe; waa abaydin iyo macaan-jecel u bartay booli iyo inay boobaan xoolaha umadda ka dhexeeya amase u bartay in afka wax loogu guro.

    Waxaa isweyddiin leh yaa sameeyey federalismka Itoobiya? Sow Tigray ma ahayn? Marka, taas macnaheedu waa in Mustafe kasoo horjeedo hannaanka federalka Itoobiya, taas oo wafaaqsan mowqifka Amxaarada oo doonaysa inay baabi’iso hannaanka federalka Itoobiya si ay usoo celiso sandulleyntii iyo dhiigmiiradkii ay ku haysay qowmiyadaha kale ee Itoobiya. Tigray waxay naafeeyeen saamaynta Amxaaro ee Itoobiya dhan walba oo ay ugu horreeyso luqaddeeda afjaaqeenka ah ee fooshaxun iyo farteeda u eg raadka calaamberiga. Mustafe maanta ayuu iskashifay oo — sidii lagu tuhunsanaaba — caddeeyey inuu yahay midiidin Amxaaro.

    Mustafe wuxuu kalaqaybin iyo aargudasho ka wadaa Ogaadeen dhexdiisa; wuxuu jagadiisa u adeegsadaa inuu la dagaallamo Reer Cabdille isagoo ka urinaya Cabdi Iley. Dhanka kale, haddii uu Mustafe aamminsan yahay in federalismku wiiqayo Somalia amase aamminsan yahay Somalia mideysan oo awood leh, muxuu maalin kasta u tagaa Hargeysa oo ula macaamilaa xukuumadda SNM? Booqashadiisa miyuu fasax uga qaataa xukuumadda dhexe ee federalka illeen Somaliland sharciyan waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay qayb ka mid ah Somalia. Taagereyaasha SNM sidii ay doonaan dhalanteed waa ugu hadaaqi karaan laakiin xaqiidu waa sidaas. Lagama yaabo inuu la xiriiro ama yimaado Puntland iyo Jubbaland sababtoo ah wuxuu ka baqayaa in Farmaajo ku dacweeyo Abiy Ahmed.

  20. walaalaha waxaa wanaagsan in aysan caadifad reereed qaadin qaasatan walaalka AWLAL ah.
    Sheekooyinka dhalo dhuceeyda la isku qufulo ee uu JUXA la wareego waxaan faquuq iyo cadaawad ah ma abuurayaan. Markaa in sheekooyinka gacan ku rimiska ah ee JUXAHA maseersan habeen walbaa ku qarwo ummada lala horyimaadaa waa daciifnimo iyo liidis tii ugu darneyd.

  21. Soomaalideena maanta nool caqliga nagu jiraa waa mid la haraya dadka dhalan doona 80ka gu’ ee soo socda. Shalay waxaan arkay qoraal ka soo baxay warbaahinta KOOFURTA SUUDAAN (South Sudan).
    Waxay ka murugaysnaayeen warbixin ay soo saareen urur tiro-koob ku sameeya musuq-maasuqa ka jira dalalka kala duwn. Dalka Koofurta Suudan waxay liiska musuq-maasuqa ka galeen kaalinta labaad ee ugu hoosaysa ama ugu xun. Waxaa ka hooseeyay, oo kaliya dalka Soomaalida. South Sudan, waxay ka gubanayeen in magacooda lagu ag qoray kan Soomaalida.
    AAAAAH, yaraantaydii meeshaan isla joogi jiray, iyo maanta oo an ciraystay mahaan aal, waa kala labo!
    YAA-SE DAREENKAA ILA QABA?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*