DAAWO: Somaliland oo u hanjabtay Puntland “Ha joojiso dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Buuhoodle”

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland inay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ay ka waddo magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn, ayna ciidammo cusub keentay Buuhoodle, kuwaas oo abuuri kara xaalad nabad-gelyo darro.

Taliyaha Ciidanka Somaliland ee Aagga Buuhoodle Siciid Maxamed Cali, ayaa sheegay inay masuuliyiin kamid ah Puntland, oo ka kicitimay magaaladda Garoowe, inay khalkhal ka wadaan magaaladda Buuhoodle.

Waxaa uu sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan dad uu sheegay inay xasilooni darro wadaan, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan u sacabtumkooda.

Hadalka Sarkaalkan u hadlay Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan ay Puntland ciidammo Boolis ah geysay magaaladda Buuhoodle, kuwaas oo ay galbinayeen Xildhibaano kamid ah Puntland.

PUNTLAND TIMES                 

4 Comments

  1. Pintiland horaa Garaad jaamac ugu bixiyay maamulkaas,xasaradna ma daayaan,tamarna ma hayaan hadday dagaal tagto.
    PL xaqdhowr ma taqaanno ee ha laga qaado tillaabo,
    Hal subax inta ciidanka amar la siiyo Sanaag bari
    guutooyin bandow ka dhiga lagu dhaafo ciidanka qaranku way u jeesan karaan Bosaso,Qardho,Hakka guutooyin kalena Garoowe ku ruqaansan karaan.
    Pintiland markaas ayay ciyaarta deyn doontaa.

  2. Maxaa loogu dhimanaya kolley waa la ogyahay NO recognition no ictiriaaf. Meelahaas ha ka qayliyeen dhawrka dhulkmahante ee biiriqaataha ah. Berri iga oo Buuhoodle iska soo dhiibay dhawra

  3. @@@ Edbiye
    Waa sidaa hadhow ayay odhan waa geeljire
    iyo reer miyi marka lasoo qabqabto kkkkkkkkkkkkk, iyagoo macal Kkimistii ay siteen xitaa ka yaacay sidii dhacday dagaalkii tukaraq ciidanka Qaranka ayaana ku quraacday kimistii ay ka yaaceen fulayada Dhabayaco,,
    Tuuladaa Xun ee Sumaysan ee boodhka weyn buuhoodle xerada Geeljiraha waa in Shaqo laga qabtaa shaarubaha dhulka loogu xidhaa, waayo nabadii loo daayey iyo in la qaxiyo ayaa looga tudhayey waxase muuqata inay kibir ka qaadeen maadama dhabayacada fulayada ah ay rabaan inay xabada isaga dhigaan oo xaabo ka dhigtaan Geeljiraha buuhoodle,,

  4. @Runsheege
    Maya maya Sxb
    Weligaa sawirka weyn ayaa la fiiriyaa,weligeenna cadow inaynaan ka dhigan somalilander,dalku innaga dhexeeyo.
    Waxa muhiim ah in cidda xasaradda ka wadda dhulkeena aan tallaabo ka qaadnaa ee dadka muwaadiniinta ah khaldaya.
    Meesha aynu abaaraynaa waa halkaas,Majeerteenia hadday inna deyn weydona gurigooda ayaynu dagaalka geyn,waxaynuna beegsanaynaa magaalo ganacsiyoodkooda ugu muhiimsan ee jiritaankoodu Ku xidhanyahay.
    Buuhoodle waa Somaliland,dadkeeduna waa Somalilander,waxa magacooda wasakheynayaana waa ashkhaas Puntland u shaqeeya,mana aha bulshadii magaaladaas ee waa maliishiyo yar iyo kuwo maamulka Puntland usoo magacawday.
    Cidda duulaanka Ku ah dhulkeena ayaa istaahila xabad,faro-gelin arimohooda gudaha,marnaba kuma dagmeyno inaynu dilno dad muwaadiniin ah,innagoo ka baydhayna cadowgii dhabta ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*