DEG-DEG+AKHRISO: Muuse Biixi oo hanjabaad u diray Dadka Reer Somaliland ee jooga Muqdisho, “Waa khiyaano Qaran”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mamnuucay Dadka kasoo deegaanka Somaliland ka qeyb-qaadashada siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waraaq uu soo saaray Madaxweyne Biixi ayuu ku sheegay inay tahay khiyaano Qaran, oo lid ku ah Qaranimada iyo Madax-banaanida ay sheegato Somaliland, in dadka kasoo jeeda Somaliland ka qeyb-qaataan siyaasadda Soomaaliya. Sidoo kale Muuse Biixi ayaa amray laamaha Ammaanka Somaliland inay Maxkamad horkeenan cid walba oo lagu helo ka qeyb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso go’aanada kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Absolutely right decision,,

    Nimankii shilimaadka doontay marka lasoo eryana somaliland ayuu ku wardinaya soo noqon jirey bal waakaa xagay ciirsan,
    Imisaa lalahaa waar ka jooga meeshaa iyo dal aydaan lahayn hunguri ayay la ordayeen waayo dal iyo dadtoona gacan kuma hayaan mana matalaan oo suuqa ayaa laga soo qabqabta kadibna sidii xoolihii ayaa lakala iibsadaa,
    Maanta ninka somaliland u dhashay waa ninka ugu sharafta, karaamada badan inta AFKA SOMALIGA ku hadla waxa ilaahay siiyey hibooyin badan oo ay somalida kale dheeryihiin soda , hibada, aqoonta, maalqabeenada, nabadgelyada, xoriyada, doorashooyinka, isu tanaasulka, ismaqalka, isqadarinta, aftahanimada, suugaanta, murtida, guurti lawada maqlo markay qadhaadhaatana loo noqda,iyo so so so……
    Bal nina intaas oo dhan ilaahay siiyey ee ku Cararay Xero maafiyo boobka, xatooyada, musuqa, 10 dolar laysku qaarajiyo, maatada oo lagu tunto dalkoodii oo ajaanib u maamulaan dalka noocaas ah ee dal lagu sheegi karin qofka waxka raadsadey qof caadiya maaha mqofka halkaa

  2. Buur madow ha lagu rido God Madow, dadka halkaa jooga sida Mehdi (amxaar) waa dadka ay Somalia ka degi ladahay oo hunguri meel walba u gala damiir waddaniyad lahayn illeen koodii bay joogi lahaayeen, koonfurtu waxay moodaysa dad ugu yimid qiiro iyo Somali jaceyl, waase jeebkooda iyo hungurigooda,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*