DEG-DEG+SAWIRRO: Somaliland oo Mushaarka u kordhisay Ciidamadeeda, Imasa loogu daray?

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Oddoraska Miisaaniyadda sanadeedka 2022 ee Somaliland, taas oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan  boqol siddeed iyo soddon shilin.

Miisaaniyadda oo Golaha Wasiirada ay u gudbisay Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa miisaaniyad sannadkeedka hore ee 2021, ka badan 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban). Waxaana Somaliland ay sheegtay in sannadkan ciidamadeeda ay u kordhisey 20% mushahaarooyinkooda.

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in Oddoros miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka uu muhiimadda koowaad saari doono arrimo ay kamid yihiin, Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, Xakamaynta sicir-bararka, Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland, Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka, Xoojinta amniga iyo Xoojinta ictiraaf raadinta.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay xil iska saareen inay Somaliland u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee deegaanka, ayna si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Kkkkkk bahsha naga baandheeya, lacagtu ma doollarbaa mise waa itoobiyaan bir, (3 tirilyan) iyo wa maasaadda waa qiyaalidii oo aad u korodhay kkkkkkkkk tumashada iyo hoteelada habeenkii lagu soojeedo ee khamrida iyo biirkana hargaysa waa ku soobateen kkkkk ha socoto liilaloowda hargaysa.

    • Ali, waa shilling. Inta bugta ayaad ka tirsantahay. Marka kasta oo xasid iyo ku hadaaqdaanba Ilahayna nimcada ayuu u kordhiyaa Somaliland.

      Somaliland Gool iyo Gobanimo ; somaliyana sidoo kale.

    • Somali xaasid baa qeyrkeeda ka reebay, warka xun bay jecel yihiin, iyo xabbad, kufsi dhac iyo dil, warka qudha ee wanaagsan ee maal ka soo baxa waa ka xumaanayaan, umana haystaan inay dembi ku jiraan iyo cunfi iyo xaasid, waxayna ku leeyihiin Somali waa walaalo iyo ha midowdo, adeer qalbigii baa Soomaali kala guuray,

  2. Kkkk anaka hadaa Puntiland nahay dani uusbuur calool weeyne baa raba in doowlad nimadii iyo amar kii iyo kaladanbayntii baabasho Oo Puntiland ka dhigo foodo iyo kala orod.

    Somaliland na ciidakeeda mushaaraad u kordhisay kalamaan. Allah noo maqan!

  3. Mashalah mashalah somaliland si wanaagsan ayay isu tashaday Ilaahow noo siyaadi Aamiin,

    @@ Ali
    Xagee ku cuncuntay ma waxaad ka mid tahay kuwa markay magac somaliland arkaan isku xaara waar somaliland xuduudeeda idiin soo dhaafi mayso jooji dhaqdhaqda,
    Hadaad cid tumasho ku sheegayso hoygaaga ka eeg yaa xayawaan bal xamar waxa ka socda soo eeg iyo garoowe,
    Xasidnimada iyo xinka dumaarka kala bax meesha Naagyshoow Saynta leh.

    Waar tii Pintiland sowtan goroda iskula jirta sidii dhoocilihii waa dhibkii iyo munaafaqadii ay Somalia dalkooda ku hayeen oo gundahooda ka dhalatay,
    Koley kuma faraxsanin inay islaayaan berigii horeba somaliland ayaa usoo gurmatay oo kala dhexgashay,
    Dhabayaco is daaya dhibkiina ma rabnee oo heshiiya, dhibkiinu waa markaad xaafad yar oo reer dego dowlad ku sheegteen,

  4. Aad iyo aad ayey umahadsanyihiin, Madaxda Somaliland inay shilling koodii miisaaniyada kusoo gudbiyeen taasi waxay kutusinaynàsaa meeshay kagaareen muwaadin nimada. Guul iyo gobanimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*