AKHIRSO: Soomaaliya oo bixin weyday lacagta qaaraanka ah ee QM

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay liiska dalalka aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee Miisaaniyadda golaha guud Qaramada Midoobay, waxaana dalalka la soo saaray kujira dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in dalalka aan bixin lacagaha qaaraanka ah ay weeynayaan xubinimada Qaramada Midoobay hadii aysan jirin duruuf gaar ah oo heeysata, maadaama aysan bixin lacagta deynta ah oo dhan 14 milyan, sida lagu soo bandhigay shaxda wadamada aan bixin oo ay Soomaaliya ku jirto.

“Xubin ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu leeyahay dayn bixinta tabarucaadkeeda maaliyadeed ee Ururka wax cod ah kuma yeelan karo Golaha Guud haddii inta ay le’eg tahay ama ka badan tahay qaddarka qaaraanka ee ka soo baxay
labada hore oo buuxa, “ayaa lagu yiri
qoraalka Qaraamada Midoobay.

Sidoo kale warbixinta ayaa intaasi kusii
dareysa wuxuu u ogolaan karaa xubintaasi inuu codeeyo haddii uu ku qanco in bixin la’aanta inay
sabab u tahay shuruudo ka baxsan
xakamaynta xubinta.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo ayaa habeeno kahor khudbad uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya fagaarayaasha Caalamka meel wanaagsan ka gaartay balse saacado kadib uu soo baxay Qoraalka Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkii
2020-kii loo doortay inay ka mid noqoto
21-ka Madaxweyne ku xigeen ee fadhigga
75-aad ee golaha guud ee Qaramada
Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu
dambeysay sanadka marka uu ahaa 1979-
kii.

PUNTLAND TIMES

7 Comments

  1. Micnaha, beeso maa nalaka rabaa?!

    Dhib malaha, lacagtii Imaaraatiga laga taabsaday hallagu bixiyo! Mise Rooble & saaxiibadiis baa taas u gaatamaya?

    Waar “mooryaanta midoowday” inta warkooda Naga dhaaftaan, malxiisayntii maka bilaabantay Puntlayn?

    Haddaan meel kale innala aado, waxa aan ka codsanayaa in “Boqor Burhaan & isimadii kale ee bayaanka soo saaray ay go’aamadooda ku soo daraan in kuraasta SSC loogu malxiiseeyo Boosaaso. Waxa kale oo aan ina Faroole u sheegayaa in uu caasimadda Puntlayn ku soo wareejiyo Boosaaso.

    Suurtagal maaha in malayshiyaad ka yimiday Garoowe & Gaalkacyo ay Boosaaso ku duulaan oo dadkeeda qixiyaan oo madaafiic la dhacaan.

    Sidaa daraadeed, Faroole & Gaas haku noqdaan degaamadii ay ka yimaaddeen oo qaska hakala dhex baxaan degmada Boosaaso.

    Qolo waliba deegaamadeeda maamul ha u samaysato mar haddii Putlayntii la wada dhistay laga dhigtay meel dano gaar ah lagu fushado, iyada oo deegaamo gaar ah loogu adeegayo.

    Ma annagii hagbadda ahayn baa iskula soo noqonnay ruwaayaddii aynu dadka kale u dhigaynay?! Putlayn Waa in ay “federaal” noqotaa; MAYA dawlad dhexe oo wax walba gaysata caasimadda maamulka ee Garoowe. Waa go’aamadii masiiriga ahaa ee ay gaareen wax garadka & isimada gobolka Bari.

    Gunaanadkii, haddaan mawduuca u soo noqdo, marka aad eegto sida talo innooga filiqsantahay & heerka aynu maanta taaganahay (villada AMISOM halla kala dhexdhigo) jamhuuriyaddii Soomaaliya dabkay saarantahay.

  2. Soomaaliya qaamo iyo deymo badan baa u keydsan oo kusoofurmi doona marka ay lugaheeda qummaati iskugu taagto. Haddase, waa waddan aanay qarannimadiisu weli dhammaystirnayn oo aysan qaban karin shuruucda iyo xeerarka gudashada waajibaadka caalamiga.

    In Golaha Sare ee Qaramada Midoobay lagu darayna macne weyn masameynayso waayo codadka ay sahyuuniyiintu dan gaar ah kaleeyihiin ayaa loogu camiranayaa oo laguna maqaarsaaranayaa.

    Farmaajona haddii ay dhibic khajilaad ahi laabtiisa ka qoyantahay oo nuday caqli ahi maskaxdiisa kujiro, faankaa maran macsharka islama sootaageen, sababtuna ay tahay in uu “madaxweyne” u yahay waddan uusan cagafkoo xataa kusoo kordhin – iska daa in uu manhaj dhaqaale iyo waxsoosaar ah udhisay oo ku dabbaqay e.

    Khudbadihiisana, waxay qiimo yeelan lahaayeen haddii uu jeedin lahaa isaga oo kawaawe (yaambad) gacanta kuhaya oo beer ay Soomaaliya leedahay dhextaagan. In uu afka khaliga ah naga qarsado wax u dhaama majiraan.

  3. Waxba yaan lagu qaldamin, qolyihii innaga dhiibi jirey baa haddana innaga bixin. Illaa maalintaan dhahnay waan maddax banaan nahay waa nayla quudin jirney.

Comments are closed.