AKHRISO: Aragtida sharci iyo Dilka lagu fuliyay AUN Marxuum Sahal Xasan!

Shan  Maalin ka dib waa la dilay⁉️⁉️

Taariikhdu markay ahayd 4-January-2022, Maxkamamada Degmada Burtinle waxay Xukun Dil ah ku riday Marxuunka Sahal Xassan Ina Salaado Cawad 56 Sano jir ah,  kaasoo Xafiiska Xeerilaalinta Guud ee Dowlada Puntland kusoo Eedeeyay inuu dilay Marxuun Bishaar Jaamac Faarax.

Marxuun Sahal Xassan Gureey sida aan kasoo Xigtay Ehelkiisa, Wariyayaal iyo Bulsho-Weynta Reer Burtinle waxay ka Marqaati kacayn inuu Ahaa Marxuunka Aabbe biila in ka badan Toban Caruur ah oo uu dhalay, wuxuuna ku shaqaysan jiray Xirfadda KABO-TOLLIDA, Burtinle ayuu ku dhashay Kuna barbaaray, sido kalana horaantiisi ahaa Macallin school, balse arintaasi marki ay u socon wayday oo uu caqabado Kala kulmay ayuu xirfadan kale oo uu Burtinle caanka kaga ahaa u wareegsaday. Marxuumka Reer Burtinle waxay isla qireen in uu ahaa Nin, af gaaban, Cibaado badan, naxariis badan afkiisa iyo Adinkiisana laga nabad galo balse Arintaan Qadarta Rabbi ku dhacday islamarkaasna Sabab saday Gacantiisa Marxuunka inay ahayd mid ku dhacday Nooca Labaad ee dilka (( Qatlul-Shuhbul-Camdi)).

HadabaIn Maxkamad Degmo  Ikhtisaas/Awood  Qaanuuneed u leedahay inay rido Xukun Ciqaabtiisu tahay Dil ah,  matahay mid waafaqsan Xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaaliya kasoo sheegayo ‘’Maxkamadda Degmadu inay ikhtisaas u leedahay danbiyadda ciqaabtooda ugu badani tahay sadex sano oo xadhig ah ama ganaax ilaa iyo Sh.So. 3,000, ama labadaba’’. Hadaba Suaashaasu jawaabtayda waxaan si kooban uga baxayaa in lala Fiiriro Nidaamka iyo Qaab-dhismeedka Maxkamadaha Dowlada Puntland, waxaana Xusid Mudan in dhamaan Xeerarku ubaahan yihiin Dib u eegis iyo iswaafajin.

Aragtida Sharci ee Kiiskaan

XUQUUQDA EEDEYSANAHA
• Eedaysanaha waa inuu helaa Qareen ka hormatala Maxkamada Horteeda siwaaafaqsan Qodobka 14aad XHCS.
• Eedeysanaha hadii uuusan Awoodin inuu qabsado Qareen, waa in Maxkamada uqabataa Qareen siwaafaqsan Qodobka 14aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaaliya.
• Eedeysanaha wuxuu Xaq uleeyahay inuu Racfaan ka qaato Xukunka Maxkamada Darejada Koowaad siwaafaqsan Qodobka qodobka 209 XHCS.
• Eedeysanaha wuxuu Xaq uleeyahay in 30 casho gudahood ku qaato Racfaan taasoo  ka bilaabanaysa maalintii xukunkaa lagu dhawaaqay siwaafaqsan Qodobka qodobka 214XHCS.

Afartaas Xuquuq ee aan sare ku sheegay waa Afarta Xuquuq ee ugu waa weyn kuwaasoo Eedeysanuhu leeyahahy intuu Garmaqalka socda iyo kadib ku dhawaaqista Xukunka.
Hadaba waa Su’aal maxay tahay Sababtuu uheli waayay  Marxuun Salah Xasan Xuquuqahaas

DASTUURKA DOWLADA SOOMAAALIYA IYO XUQUUQDA EEDEYSANAHA:-

Qof kastoo wuxuu xaq Dastuuri ah uleeyahay inuu qabsado Qareen difaaco, hadii uusan awoodina waa in Maxkamada uqabataa Qareen, sida ku Cad Qodobka  35 farqadiisa 6aad ee Dastuurka Soomaliya.

DASTUURKA DOWLADA PUNTLAND XUQUUQDA EEDEYSANAHA:-

Sida ku cad dastuurka Dowlada Puntland waxay Eedeysanaha iyo Xukumanaha siinaysaa Xuquuq dastuuri kuwasoo lama taabtaan ah sida:-
1. In Qareen Qabsado haduusan awoodina Maxkamadu uqabato Q:25(3) Ee Dastuurka.
2. Sido kale in Xukumanaha xaq u leeyahay inuu qaato Racfaan Q:28(5) Ee Dastuurka PL.
Hdaba  Eedeysanaha ma helay Xuquuqdaas.

GOORMUU XUKUNKA DHAQAN-GAL NOQDAA

Xukunku waa Amar Go’aaneed kaaso ah mid kama dhambays ah kana soo baxa Maxkamada awood qaanuuni u leh inay Gal-dacwadeedkaas dhagaysato.
Xukunka wuxuu Dhaqan gal ku noqdaa ilaa Labbo Habood:-
1. Waa inuu dhamaado Muddada Racfaan qaadashada ee 30 Barri ah sida ku cad Qodobka 214XHCS islamarkaasna Eedeysanaha ama Wakiilkiisa sharci aysan qaadan Racfaan.
2. Wuxuu sido kale Dhaqan gal Xukunka ku noqdaa inay Maxkamada Sare kasoo saarto Gal-dacdwadeedkaas Xukun kama dambays ah.

Labadaas Hab ee sare ku xusan waa Labada Hab ee Xukunka ku noqdo mid dhaqan-gal ah, Hadaba waa Su’aal maxay tahay Sababta loo sugi waayay intuu Xukunka Maxkamada Degmada Burtinle ka noqonayo Mid dhaqan-gal ah.

FULINTA XUKUNKA DILKA AH:-

Hababa intaan la gaarin in Maxkamada Sare soo saarto Amarka  Fulinta Xukunka Dilka ah,  Majirkaa Maxkamada Sare oo haysata Mandate ama Sharciyad  ay ku shaqeeso, Maadaama waqtigeeda sharciga  ku ekaa 15August2021 siwaafaqsan qodobka 19aad ee Xeerka gudiga Sare ee Garsoorka Puntland.

Sido kale Muxuu Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed ka leeyahay Fullinta Xukunka Dilka ah siwaafaqsan Qodobka 248aad.
1. Marka xukunka Dilka ahi noqdo kama danbays, Xeer-Ilaaliyaha guud, wuxuu si deg dega ah u wargelinayaa Maxkamada Sare iyo Wasiirka cadaalada.

2. Maxkamada Sare markay hesho galka/macluumaadka dacwadaas, waxay amraysaa fulinta iyadoo cayimaysa, maalinta, waqtiga iyo goobta, waxayna amarkaas u diraysaa Xeer-Ilaaliyaha guud.

3. Xukunka Dilka waxaa loo samynayaa toogasho, waxaana samaynaya xubnaha ciidanka Asluubta, xukun dil ah fagaare laguma fulin karo, haddii aan Wasiirka cadaaladu si kale amar ku bixin.

4. Fulinta xukunka Dilka waxaa goob-joog ka noqonaya wakiilada Xeer-Ilaaliyaha guud, sarkaal caafimaad oo uu isagu magacaabo iyo Wasiirka diinta oo korka ka ilaalinaya haddii qofka xukumani sidaa dalbado.

HABADA WAXAAN KUSOO GABA-GABAYNAAA IN LOO HOGAANSAMO XEERARKA IYO SHURUUCDA  DAGSAN LOONA DABAQO SI’AAN XEERARKAAS SI TOOS AH, LAGANA FOGAADO XEER-BEEGTI IYO QANCINTA.

Tixraac.

=Xeerka Nidaanka Garsoorka Somalia 1962
=Xeerka Gudiga Sare Garsoorka Puntland Q:19aad
=Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed Q:14, 209, 214.
=Dastuurka Soomaaliya Qodobkiisa 35aad
=Dastuurka Puntland Qodobada 25aad iyo 27aad.

W/Q:- Qareen Faaruuq M. Cartan.

PUNTLAND TIMES 

19 Comments

    • Qisaasta yaa muran ka keenay ninkan goobtiisa shaqada ayaa ninka uu diley ugu yimid kabo uu u tolay,lacagtina waa loo diiday waliba garaacis iyo feer loogu daray ilaa ilkaha laga rido markii intaas ku dhacdayna waxuu xaq u yeeshay is difaac oo mindi ayuu isku difaacay dhawacii ayuu ninka reer aadan u dhintay hadaba maxkamadu intaas ma qiimayn oo dilkaan odaygu geestsay ku talo gal ma ahayn oo ninka uu dilay ma raadsan goorta uu imaanayo ma ogayn maxkamadu waxay ahayd inay ku qiimayso dil aan ku talo gal ahayn sida dadka xabaduhu ka fakadaan

    • Waxaa dadka qaar sheegayaan in marxuumka wax dilay lasoo handaday! Qof naftiisa iyo maalkiisa difaacaya qisaas maahan. Labaduba hada waa naga hooseeyaan ilaahay baa kala xaqsooraya!

  1. Arrinta ninkan wax badan kama ogi, laakiin waa sharci uu Islaamka qabo haddii uu qof qof kale si kas ahi u dilo in loo qisaaso, haddii aaysan qoyskii dhibbanaha Mag ku qancin ama aaysan Cafin gacan ku dhiiglaha!

    Diinta Islaamkana ma taqaan, dad la hayb sooco ayuu ahaa iyo nasab buu ahaa. Oo dilkii si ula kac ahi u dhaco, abaalkiisu waa, QISAAS ama DIYO iyo CAFIS, haddii 2da dambe middood laga helo qoyskii xaqa lahaa!

    Waxaan kale ee uu ninkan meesha ku xar xariiqday waa, xeer jabjab Gaalo oo la jiifiyana bannaan ah iyo codkarnimo Looyar in lagu kala adkaado ku xiran!!!!

    • Waar Illaahay ka baq oo qabyaaladi yey aakhiradaada ku dhaafin, ninka is difaacayey ee meheraddiisii loogu yimid ee lagu dhex dilay ee ilkaha laga dadaadiyey ee la garaacay ee cadho iyo naf-la-caari mindi iskaga furfuray ee aan ahayn dil uu soo qorsheeyey oo ku talo-gal ahaa( well planned well excuted) arrinku uuse si kedis ah u dhacay diinta iyo xeertoona dili maayo, diintu dilka ay ka hadashay waakan ku talogalka ah ” Camdan” Xade waa tuug qabyaalad dishay, Allah camalkaaga hakuu raaco, oo waxaad mudan tahay hakaa siiyo ummadda

  2. Haddii qofka daafacayo
    1-Naftiisa
    2-Maalkiisa
    3-Sharafkiisa
    Lama qisaasi karo ee diyo ayaa waajibaysa.
    Haddii diyo laga qaato sidoo kale
    Haddii la cafiyo sidoo kale.
    Qisaasta marxuumku dhib ma leh balse waasiinta xuquuqaha qareenku ka hadlayo waa arrin calool xumo ah.
    Waxay u egtahay in tuulo dad isku judo hoose ah degganyihiin,ka maxkamadda u fadhiya,ka ciidanka ah,ka xeer ilaalinta ah ay heleen odaygaas,sidaana u fushadeen dilka.

  3. Soomaalida waxaay tiraahdaa, hadduu dhib yimaado, Dhabaqo meel beeshay!
    Wax kasta oo dilka ka horreeyey xaqooda goonida ah ayaay leeyihiin, laakiin haddii uu meesha dil yimaado, isaga ayaa noqonaya Dulmiga ugu weyn ee meeshaa ka dhacay!

    Waxaad qaarkiin leedihiin ninkan naftiisa ayuu difaacayey oo meeshiisa ayaa loogu yimid iyo Ilkaha ayaa feer looga daadiyey, lacag uu shaqeystayna waa loo diiday.
    Laakiin mar haddii uu nimanku muran hantiyeed dhex maray, meeshuna aay meherad tahay oo aanan kan wax dilay gurigiisa loogu tagin, sideey ku noqotay “difaacul Nafsi” nimanku muran hantiyeed baa dhex maray baadba leedihiine!
    Kan la dilayse soow isaguba wax ma dili karin markii uu ama lacag lagu lahaa diidayey in uu bixiyo ama uu feertamayey?!

    Waxaay ahaataba, meesha feer waay dhaaftay oo dil baa yimid, isaga ayaana ah dambiga ugu weyn ee uu Aadane ka galo mid kale!

  4. Intii aan anigu ku doodayay uun baa maantana la igu waafaqay. Runta iyo xaqa sheegsheeggoodana Soomaalidu ma jecla oo qisaas ayaaba la isugu qaadaa!

    Haddii nidaamka dawliga ee Puntland caddaaladi ka jirto oo ruuxii ruux kale kas iyo maag iyo xaqdarro iyo sabab la’aanba u dila looqisaaayo, maxaa loogu qisaasi waayay:

    (i) Raggii Siciid Dani amarkiisa loogu dilay baarlamaanka hortiisa?

    (ii) Dadkii maalmo dhowaa Boosaaso loogu laayay isla amar kasoo baxay Sicii Dani?

    Dadkaasu miyaanay lahayn xuquuq lasiman dadka kale ee dilkooda looqisaasay? Miyaan laga xaqdarnayn?

    Kuwa aynu reer Puntland islanahay ee masaakiinta laqisaasay iyaga oo aan xuquudooda gardhaha qummaati loomarsiin dadka kahadla kusoo qamaamaya, maxay uga indhaqarsanayaan kuwaas kale ee madaxweynaha amarkiisa iyo aawadiisa lagu dilay ee aan laga dabahadlin?

    Puntland waxaa nacab dhab ah u ah kuwa madaxda iskaga guulwadeeya oo nusqaamaheeda iyo dhaliilaheedana jecel in ay dadaan oo is’inkirsiiyaan. Waxaana gacal dhab ah u ah kuwa sidayda waxa qaldan nalka ku ifiya oo toosna unaqdiya – waana habka lagu gaaro dawlad-wanaag dhab iyo taam ah.

  5. AA.XADE

    Anigoo qaymeynaya qoraalka waafaqsan diinta shareecada islaamka … waxaan meesha ka muuqata in ninka wax dilay uusan helin xauuq dheeli tiran oo ay xaquuq la’aantaasu gundhig u tahay dhaqanka hayb soca ah ee somali nusqaamiyey.

    Waxaa ayana meesha ka maqneyn dhaqanka la caadeystey ee ka dhigaya shaqsi kasta ee qur-gooyo ku kaca in uu yahay qaatil ka furtay rabigiis iyo rasuulkiis.

    Walaahu yaclamu– laakiin sida ay dadka qaarkood ka sharqaminayaan— odayga wax dilay waxuu ahaa shaqasi muumin ah oo caruur fara badan korsanaya. Will dhalinyaro ah ayaa goobtiisii shaqada kusoo weeraray oo jir dil ku sameeyey. Oof kasta oo la kulma marxaladaas oo kale waxuu ku kaci karaa fal kasta ee uu isku difaaci karo.

    Gacma maran isksmuusan difaaci karin wiilka barbaarka ah ee ka xooga badnaa. Waxa kaliya ee ka ag dhawaa waxuu ahaa bilaawaha. Shaydaan’na meesha kama mar’reyn.

    Dhacdadaan oo kale kuma cusba puntland oo marar badan ayey dhacday in shaqsiyaal lasoo weeraray oo isdifaacayey loo qisaasay dil ay geeysteen.

    Suaasha u baahan jawaab xaqsooran waxay tahay…

    “Hadii Shaqsi lasoo weeraray dil geesto Alle hortiis shaqsigaasu ma qaatil’baa mise waa mujaahid?????”

    Awal qisaasta noocaan ah waxaa xukumi jirey qoysaska ay khuseeyso ayagoo isticmaalaaya xeer somaliga ka jirey gayiga.
    Hadase waxaa xukunka lagu riday maxkamad dowladeed oo xeerkii ay dowladu xulatay wax laguma xukumin oo waa la baal maray. Xeer jajab iyo xukun dowladeed ayaa la isku jacburay oo la fuliyey xukun qiireysan oo aan laga fiirsan oo salka ku haya haybsooc.

    Maadaama aan naf baxday lasoo celin karin waxay Dowlada puntland ku xukumantahay in ay bixiso toban magood oo ay siiso tobankii ilmood ee uu marxuumku ka tagay.

    Aleysallahu Bi’axkamil Xaakimiin

  6. Mustaf:

    Ilaah aan ka wada cabsano dhammaateen waa xaq uu nagu leeyahaye!

    Marka aan taa ka gudbo, waxaad tiri Ninka wax dilay meherediisa ayaa loogu yimid oo naftiisa ayuu difaacayey. Iyo Aniga oo aad igu eedeeysay in aan ahay qabyaaladiiste!
    Marka hore qofkii meherad furtay wuxuu furtay meel uu dadweynaha ugu yimaado oo uu kula macaamilo! Dadweynahaa oo qof xun iyo qof fiicanba leh!
    Sidaa darteed, meeshu gurigaagii waay ka duwantahay oo muran xoolo aad kala iibsateen ka dhashay oo gacan qaad isu beddelay intaad qof caloosha ka soo riddo nafteeyda ayaa difaacayey kaa saari meeyso!
    Ee Waxaa kuu furan in aad dulmiilahan lacagta aad ku leedahay kuu diiday ee dhibkana kuu geystay dacweeyso, kuna dacweeyso sharciga meesha ka jira ee aay dadku ku kala nabad galaan!

    Tan labaad, waxaad igu sheegtay in aan ahay, tuug qabyaaladiiste ah!!
    Marka hore, kan la dilay iyo kan wax dilay midna ma garanayo. Oo Majeerteen, Harti iyo Madhibaan midna ma ahi, Puntlandna kama soo jeedo! Sidaa darteed, ma garanayo sabab aan u qabyaaladeeyo maskiinkaa Madhibaan ee mar kiisa horeba Soomaalida guud ku dhex dulman!

    Laakiin Waxaan sheegay qofkii qof kale si kas ahi u dilo 3da arrimood ee uu middood ka filan karo dadkii uu wax ka dilay, mid kamid ah un bayna sameeyeen!
    Adiguse marka aan lahjedaada fiiriyey Iidoor baad tahaye, ma adiga oo aay Xaafadda Daami la yiraahdo Hargeeysa ku taalo oo uu xitaa Taxigii aad I gee tiraahdo ku diidayo in uu ku geeyo ayaa maanta xaquuq Madhibaan u doodaya?! Kkkk
    Dulmiga aad Madhibaan ku haaysaan ma jiro gayi kale oo aay Soomaali degto oo aay kala kulmaan ee taas iska meyr!!!!

  7. Awlal

    Arin kaanu siyaasad shuqul kuma laha ee siyaasada ka saar.

    Hadii aad doonayso in aad Deni duqeyso u furo bog kale.

    Arinka lagu qisaasay marxuimka waa arin ka facweyn Deni iyo Puntland iyo qaranimada somaliyeed ee curatay 1960.

    Beelaha somaaliyeed ee la haybsooco waa kuwa somali ugu quruxda badan waana kuwa ugu farsamada badan ee ugu mu’alifsan. Waa injineeradii wadanka. Waa mutacalimiintii iyo takhaatiirtii wadanka. Waana muuminiin ilaahood ku xiran.

    War sidee buu ninka saas oo kale ah u noqday nin la haybsooco oo kii ka foolxumaa oo ka jaahil sanaa oo ka fusuqsanaa u noqday gob la qadiriyo. Waa duni daba rogan.

  8. Shareecada Islaamka iyo xeerka wadciga ah ee gaaladu dejisay waxaan filayaa in aanay isku si wax u qiimeyn. Ninka la qisaasay haddii loo diiday lacagtii khidmada amase wixii laga gatay waxaa u furnayd inuu dacwoodo amase iska samro. Tan kale, mar haddii aan mindi lagu weerarin muxuu mindida u adeegsaday? Way dhici kartaa in ninka kale ka dhallinyaraa oo ka xoog badnaa laakiin mar haddii labo qof isfeeraan mid uun baa raynaya. Haddii qof kasta oo laga feer-badiyo uu adeegsado mindi amase rasaas, maalin kasta boqollaal baa la aasi lahaa. Labadan nin uma horreeyn labo isfeera oo midkood hub adeegsado oo dil geysto kadibna la qisaaso.

    Magaalo dhan oo dad badan oo waxgarad iyo culumo ah ay joogaan ma habboona in la tuhmo, mana jirto cid og sida wax u dhaceen iyo waxa lagu saleeyey xukunka qisaasta. Marxuumka la qisaasay sawirkiisa marka uu maxkamadda fadhiyo uma eka nin dhaawacyo ka muuqdaan amase ilko laga daadiyey inkastoo aan sawirka laga arki karin ilkihiisa. Tan kale, 54-jir waa nin weli xoog ah, marxuumkuna uma eka nin tabaryari ka muuqato.

    Waxaan filayaa kiiskan wuxuu ahaa kiis dil oo cad, waxaana lagu saleeyey Shareecada, sidaa awgeed, waxay ila tahay inaan loo baahnayn in loo sii gudbo maxkamad sare amase amar laga sugo xeer-ilaaliye. Waxaa kale oo dhici karta in qisaasta loo dedejiyey si looga hortago aano iyo aargoosi galaafan kara dad kale oo aan waxba galabsan.

  9. Anigu waxaan qabaa in Daarood xoreeyn karo muwadiniinta somaliyeed ee la dulmay ee haybsooca iska dhaxlayey ilaa iyo wagii lays uumay.

    Waana masuuliyad Daarood saaran madaama ay Daarod yihiin kuwii awalba haybsoocay beelahaas.

    Alle ka sokow Daarood ayaa beelahaas dulman xoreyn kara oo sandule uga dhigi kara somali inteeda kale in ay aqbalaan xoriyada cusub ee beelahaas u soo hoyatay.

  10. Araar
    Xisaabta waxaa ku dartaa in ninka wax dilay uu ka dhashay beelaha la haybsooco. Waa in aad tix galisaa in ninkaanu kusoo dhameystey noloshiisa haybsooc iyo bah dilid iyo quursi. Waa iska garan kadhaa heerka maskaxiyeed ee odaygaasu ku jiray marka uu geystey dilka. Anigu waxaan dhihi karaa in maankiisu la mid aha nin maan guuray oo waalan oo caro gaamuurtay ka tan badisay markii uu nin dhalinyaro ah uu ku bahdilay meel fagaara ah… si haybsoocnimo ah.

    Kiiskaanu ma aha kiisaska maalin walba ka dhaca arlada. Waa kiis ay kaliftay caro gaamuurtay oo odayga ka tan badisey… isagoo xaataa xasuusan waay caruurta badan ee uu korinayey. Waxay ahayd in makmada lagu xeeriyo noloshii adkayd ee odaygu soo maray oo maankiisa madobeesey oo dilka ku kaliftay.

    Markii ay xigasho noqoto waxaa aniga i xiga oo xigaalo ii ah ninka uu odaygu dilay. Laakiin gar Alle ayaa xaqa u garabsiinayaa odayga. Ma lihi odaygu dambi ma leh oo diig ma galin, laakiin waxaa jira daruuf aan laga leexan karin oo indhaha laga qarsan karin ee ay sabab u tahay haybsooca ay ku dhaqanto bulshaweynta somaaliyeed. Sababtaas oo gundhiga u ah diiga daatay.

    Arinkaanu ma aha arin Reer Burtinle gaar ku ah, ee waa dhacdo markasta ka dhacda gayiga somaaliyeed inkastoo aan loo shaacin ama loo tixgalin sida puntland oo kale.

  11. @@@Qardafui,

    Puntland iyo dhammaan maamullada Soomaaliya ka jira midna ma aha Dawlad Islaami ah oo Shareecada ku dul qotonta. Giddigoodu waa maamullo askari oo cilmaani ah oo weliba kudhaqmaya nidaamkii milatariga ee Dawladdii Kacaanka. Xataa dastuurradoodu waa isla kii kacaanka oo lagu yara qurxiyay xeerar ay Qaramada Midoobay kulaazimtay.

    Sidaas aawadeed, shuruudaha kudhaqanka Hannaanka Islaamiga waxaa gundhig u ah in Shareecada 100% la wadaqaato oo la isku dhaqo ama la iska wada daayo. Diintu ma oggola in Shareecada inna laga qaato oo inteeda kalena la inkiro, haddii ay bulshadu 100% muslim tahay. Waana sababta aan Soomaalida ugu dhaliilo in ay iskaga fadwooto arrimo aanay cilmigeeda qummaati usoo dhuuxin.

    In aanay Puntland iyo maamullada kale Hannaan Islaami ah ku dul dhisnayn oo keliya ayaa kufilan in xukunnada maxkamadahoodu iyo kuwa wax xukumayaaba yihiin baadhil iyo wax Shareecada ka baxsan. Soomaalidana iyo caddaaladdana waxay isujiraan mashriq iyo maqrib sidoodaba.

    Waana sababta aan habeen iyo dharaar halkan ugu eedaamayo in Hannaanka Islaamka la haybsado oo Puntlandna lagu saleeyo.

  12. Waar Awlaloow ninyohow ha doqomoobin (: (: (: Anagaa kuu sheegeynee wax naga dhagayso…. odagaa Arar ah aduu kaa hinaasayoo waa bestii kkkkkk. Intii aanad xaafadan madheedheen soo dagin asagaa diig ka ahaayoo ka atoorayn jiray. Timidaaba waa kan jiq is galayoo meeshaba ka gaabsaday. Anugu intaa waan u fiirsanaayay caynkuu u dhaqmaayo. Waxaa kaloo lagugu nacay adugu duriyadda sheekh isaxaaq ma caydid dhabayacada halkan ku xanuunsan sidooda…..waxaad dhaliishaa un mujahidiinta snm oo lagaa raacay taasna waa siyaasadoo waa caadi.

    Waryaan lagu cowryinee meesha ka dhaqaaq nacas fooqal nacas waaxid!!!kkkkkkk….Faqashtaad ka dhalatay waa kuwaa kaa hinaasayee meesha ka huleelo anagaa kuu naxayne. Dhabayaco dhabar macaan… kooda wax dheer xitaa ma cafinayaan…..waar wuxu gunsanaa!

  13. Mu.SNM

    Kkkkk saad mooday arinku ma aha. Ragu marka ay lagdamayaan waxay u muuqdaan cadow is jabinaya. Saxiib meeshaan dhib ma jidho qofba waxuu dhiibtaa aragtidiisa ku saleysan dunida uu ku noolyahay hadba sidii ay ugu muuqato. Ha u qaadan aragti dhiibashada kala duwan in ay tahay meel lagu jabay oo lagu kala tagay. Yaaba halkaan imaan laha hadii dadkoo dhan yihiin isku aragti oo ay hal il wax ku arkaan.

    Awlal

    Waan ku faxsanahay in aad si nin weyn iigu caqli celisey markii aan sida caruurnimada ah kuu duray. Mahadsanid saaxiib.

  14. Soomaali maryooleey waligeed waxay hadashaa markay xeero iyo fandhaal kala dhacaan ama markuu wax kasta dhaco.
    Allaah ku quraankiisa wuxuu ku yiri “wa idal moow uu dadi su’Ilad’ bi ayyi dambin qutilad”
    Qofka xaqdarrada lagu dilo waa la waydiin si uu u marqaati furu.
    Malaga yaabaa in uu dhimirka la aa? Ka maa amuu ahaa dilka?
    Walaahi dadkeena somaliyeed waa dad qabriga si sahlan i sugu diro.

  15. Anugu gobolkaasaan ku dhashay, labada qolo ee ugu badan magaalada Burtinle yaa i dhalay. Aabahay iyo odayaasha reerkayaga ayaan maqli jiray iyagoo ku sheekaysanaya siday maxkamada talyaani garsoore ka ahaa ugu dhaarteen oo kitaab ku wada mareen marag-fur been ah, oo ay ku duudsiyayeen gabar xigtadooda ah, qaybtii ay ka heli lahayd dhaxalkii aabeheed. Sidaa ayaa geelii odagu ka dhintay loogu wada xukumay wiil ay walaalo ahaayeen gabadha la dhaxal wareejiyay.
    Anugu marka an maqlayo sheekadaa waxaan dhiganayay dugsiga hoose, waa se an garanayay culayska gabood-falka ay odayaashu ku faanayaan. Odayaashaa waxaa naynaasta magacooda loo raacin jiray, intooda badani waxay ahayd SHIIKH hebe iyo SHIIKH hebel.
    Tan iyo 1991dii, Soomaalidu waxay isu dilaysay iyadoo dadkii qaadi kari waayay culayska gabood-fallada lagula kacayay. Guryahayagii baannu kasoo wada cararray. Sida muuqata, burburkii dhacay cashar laga baran.
    Alshabaab iyo kuwo lamid ah oo cusub ayaa lagu salladi doonaa, oo u diidi doona inay guryahooda nabad ugu hoydaan.
    Fiiri sida ninkaa looga duudsiyay inuu habka garsoorka u maro sida bulshada inteeda kale. Maalinta la xukumay iyo maalinta la dilay fiiri inta saacadood ee u dhexaysa? Maskax daggan oo wax garsoori kartaa kama muuqato meesha. Dhallinyarada Burtinle, oo qaarkood alshabaaboobaan, oo idinku noqota quruurux kabaha idiin gala, yaan qayladiinna maqalkeeda sugaynaa!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*