AKHRISO: QM oo sheegtay in 8.7 Milyan oo Reer Afghanistan oo wajahaya macluul daran

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay  ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.

Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in  la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu  yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen  inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul.

Beesha caalamku waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibadda iyagoo sidoo kale joojisay taageeradii dhaqaale, iyo in ay la shaqeeyaan Taliban.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Afghanistaan, sida waddamo badan oo ahlul-tawxiid ah, waxaa qallad ku noqday cawaan Islaamnimada lajibbaysan oo haddana sixun uga jaahilsan – sida Taalibaan, Shabaab, Dacish iwm. Cadow kuwan Islaamka iyo muslimiinta uga xun majiraan xaqiiqdii.

    Waxaan sixun ufajacay mar sanadkii hore ay BBC-du warbixin kasoo diyaarisay dalka Mozambique oo xasuuqyo ba’an loogu geystay shacab masaakiin ah oo beer-falato u badan, mujrimiintaasna lagu magacaabay “Al-Shabaab”.

    Masiibaduse waa mid muddo ilaa 70 sanadood ah ay Sahyuuniyiintu Caalamka Islaamka si qarsoon oo sireysan ugasoo hirgelinayeen, iyaga oo culimadii iyo mufakiriintii labeenta u ahaa si dawaali ah iyo si dadbanba usoo khaarajinayay.

    Xamaasaddii Islaamnimo weli way nooshahay, laakiin Tawradda Islaamigu ma aha mid laga agdhoweeyo dhammaan shucuurta laablakaca ah ee sida xamaasadda iyo caadifadda. Waa tawrad lagaga dhabeeyo oo keliya cilmi miid ah, xikmad baahsan, sabar badan, fariidnimo foojigaysan, fiiradheeri fog, iyo khibrad dheer oo dagaalka maskaxeed lagu duuliyo.

    Macal-Asaf.

Comments are closed.