Doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland, kuwaas oo kamid ah 43-ka kursi ee Jubbaland ku matala Golaha Shacabka.
Kuraasta doorashadoodu ka dhacayso HOP#126, HOP#127, iyo HOP#118, iyadoo madasha doorashada ay goobjoog ahaayeen xubno kamid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka dalka.
Saddexda kursi ayaa waxaa ku soo kala baxay:
- HOP#126: Xasan Xuseen Maxamed, ayaa ku guuleeystay kursigan, isagoo helay codad gaaraya 74 cod.
- HOP#127: Dr. Axmed Aadan Axmed, ayaa ku guuleystay kursigan, isagoo helay 84 cod.
- HOP#118: Yuusuf Maxamed Ismaaiil, ayaa ku guuleeystay kursigan, kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartamayay, ayna cod gacan taag ah ay u qaadeen ergadii kursigaa ka codeeneysay.



PUNTLAND TIMES
ππΈβπππ βπβπΌ ππΈβ πππ π»βπΈπΈπ½ ππΈπΈβππ» πππ π»πΈβπΈππΈπ πΈππΈπΈ ππΈπππππ π πΈβ πππππ βπΈπ»πΈ ππΈππΈπ ππΈβπΌπππΈπΈ πΉπΈππ»βπΈπΉπ ππΈπππ ππΈπππ πππππΈπΈππ π ππΈπππ πππππ ππΈππΈπΈβπ π»ππβπΈπβπ ππΈ,πΈβπΈβ πΌπΌ βπππΈπΈβππΈ βπΈπΎπΈ π»πΈπΈππΈ .
War maxaa marka horaba keenaya nin Manxiis ah,oo wa xoogaa lacag ah ka soo siiyey,war Soomaaliyey arimahaasi ma aha wax doorasho daban oo hufan la oran karo.
Axmed Madoobe iyo xulufadiisa oo ah Kuwo ku yimi markii horaba taageero da Kenya iyo kuwa reer Gaarisa ah oo hab beeleed ku taageera Madoobe.
Way iska dhamaan,oo kuwa boobka iyo taageero da Kenya shaki kuma jiro in laga guulaysanayo ka danbow na ay sado doonaan,Gaarisa ,Afmadow iyo Soomaali galbeed.
Cadaalad Laβaani waa nabad laβaan.
Axmed Madoobe iyo xulufadiisa waxa u danbayn guuldaro wayn.
Soomaaliya guul iyo horumar.
Kaagan magaca Elmi Abdullaahi wata, qoraalladaada dib ma u akhrisaa intaadan sootebinin kahore? Bal waxa aad kuhadashay dib u daalaco.
Soomaalida NFD iyo Kililka Shanaad qaab dabiici iyo ootomaatik ah ayay Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya uga yihiin muwaaddiniin dhab ah ee aanu shaki kujirin habayaraatee.
Guusha iyo horumarka Soomaaliya waa isla guusha NFD, Kililka Shanaad, iyo Jabuuti. Haddii aad qof saaxi ah tahay kistaas yar waad dhaadi lahayd.
In uu Axmed Madoobe beeshiisa taageero kahelay goormay ceeb iyo dambi gaar ah isaga ku noqotay? Ma siyaasi aan beeshiisa taageero buuxda kahaysanin baa Soomaaliya ka jira?
Waa in laladagaalanaa xildhibaankii taageersan farmaajo