AKHRISO: Wasiirka Amniga XFS oo amar dul-dhigay Taliyayaasha Booliska DFS & Banaadir, Bannaanbaxa

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa fasaxay bannaanbax nabadeed oo la filayo inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalka uu ka dhaco.

Waraaq kasoo baxday Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa lagu amray Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Gen. Cabdi Xasan Xijaar iyo Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Banaadir, inay sugaan Amniga bannaan-baxayaasha, isagoo sidoo kale faray Guddiga qaban-qaabada bannaanbaxa inay ka fogaadaan rabshado.

Halkaan hoose ka Akhriso waraaqda Wasiirka Amniga XFS.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Bannaan baxan magaciisu Waxaa la yiraahdaan, (AR AA BOOBAA AMA AA BENNEDAA), Farmaajo meel baa la saaraye cidda loogu duur xulayana waa, Deni oo la ogaaday in uu Kursiga Villa Wardhiigleey Damac kaga jiro! Kkk

    Xog aan hayo waxaay leedahay, Musharixiinta halka beel ahi Waxaa u soo baxay in aay Deni iyo Farmaajo yihiin nimanka fagaaraha isku arki doono, Waxaana u qorsheeysan in aay bennedaan Doorashada oo meeshana lagu kala tago intii uu midkood Madaxweyne noqon lahaa!!!! Kkk

    Aa boobaa ama aa bennedaa!!kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*