Askari kamid ah Ciidanka DFS oo dil toogasho ah lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xulun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilka wadaha Bajaajta ayaa ka dhex dhacay Saldhiga degmada luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo kamid ahaa Ciidamada Booliska degmada luuq gacanta ku dhigay Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu sibareer ah ugu dilay Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3/3/2021 Saldhiga degmada luuq oo katirsan Gobolka Gedo.

Toogashada Askariga dilka geystay ayaa ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, waxaana ku sugnaa Ehellada laba Qoys iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. “وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ”
    Ma u maleynaysaa in qisaasta askarigaas loo buunbuuninayo sida ninkii Madhibaan ee lagu qisaasay Burtinle? Jawaabtu waa maya. Waa inaan ogaannaa in Madhibaanka amase beelaha kale ee la haybsooco ay yihiin baniaadam iyo Soomaali oo ay wax dulmin karaan lana dulmin karo. Ujeeddada arrinka loo buunbuuninayo waa maxaa mag loo qaadanwaayey. Reer Puntlandka kale ee isku beesha kasoo jeedaa ayaa marar badan diida magta oo qisaas dalbada. Sababta dilku markii horeba u dhacay iyo ujeeddadiisa iyo sida qofka loo dilay ayaa keenta in xigtadiisu diidaan mag. Waxaan xusuustaa in horraanta 1990s magaalada Qardho lagu qisaasay 7 nin oo dhalasho ahaan aad isugu dhowaa oo ku lug lahaa dilka nin isagana ay isku reer ahaayeen. Sidoo kale Madaxweyne Axmed-madoobe wuxuu Kismaayo ku toogtay 7 nin oo Ogaadeen ah oo lagu eedeeyey dilka nin Shiikhaal ah.

    Intaan anigu ogahay dadka Madhibaanka iyo kuwa kale ee la haybsooco ee ku nool Puntland, gaar ahaan waqooyiga Mudug, Nugaal, iyo Bari — marka laga reebo faquuqa xagga guurka oo ah nasiibdarro ay Soomaalida la wadaagaan — majirto wax takoor, xumaan, ama ihaano oo ay la kulmaan, waana dad dhiirran oo qab leh oo sida dadka aan lagu xadgudbi karin. Intaa waxaa dheer miyi iyo magaaloba dadku waa isdhexdegaan oo ma kala laha xaafado, halka magaalooyinka sida Hargeysa iyo Burco ay beelaha la haybsooco ku nool yihiin xaafado (ghettos) cooshado iyo iskuraran ah, isla markaana dadkaas badankood qabtaan meherado hoose.

    Waxaan daawaday gabar Madhibaan ah oo reer Burco ah oo Youtuber ah oo intay Maraykan ka tagtay damacday inay timajare ka furto xaafad ka tirsan Burco laakiin loo diiday, laguna yiri ‘Ma doonayno Midgaanta timajaraheeda’. Waxaas iyo wax la mid ah weligeedna kama dhicin Puntland kamana dhici doonaan.

    Ninka la yiraahdo Guruuje (naanaystiisaaba qallafsanaan ka muuqataa) ee ku baaqay in la taageero nin la qisaasay carruurtiisa, dhib maleh haddii agoon la caawinayo, waxaanse hubaa in ujeeddadiisu tahay xin uu u qabo Puntland oo doonayo inuu ku buunbuuniyo arrinka qisaasta. Haddii uu cid waxtarayo waxaa uga baahan kumannaanka masaakiinta iyo fuqarada ah ee ku nool Hargeysa, iyo kumannaanka beelaha la haybsooco ee ku nool xaafadaha cooshadaha (slums) Hargeysa. Sadaqadu gurigaaga ayey ka bilaabataa.

  2. Asc
    XAAJO TUUR LEH BAA NIN LA TOOSAN.
    Mr A.ARAR
    SAAXIIB WAAN KU SALAAMAY. SALAAN DABADEED
    WAXAA KAA MUUQATA CUQDAD IYO COLAAD AAD DAD GAAR AH U QABTO . WAXAAD RABTAA IN AAD MUXAADIRO QAYIM AH NASIISO OO AAD NOO SHEEGTO IN DAD AY DAD KALE DULMEEN , XUMEEYEEN , XAQIREEN , CAAYEEN.INTIINA IN LA MID AH AMA KA BADAN KU SAMAYNAYA OO DAD SOMALIYEED KU OO MUSLIM AH SHEEKH IYO SHARIIFBA LEH KU XADGUBAYA IN KA BADAN INTII AY SAMEEYE KUWA AAD DULINAYSO. MARKA ILAAHAY KA BAQ OO CAADIFADA IYO REER JECLAYSUGU YAANU KULA TALAX TEGIN .OGOOW ADIGA IYO ANIGA IYO DADKA OO DHAN AKHIRO WAX BADAN BAA LAYNA WEYDIINAYAA.WAXAAN TALO KUGU SIIN LAHAA DULMIGU ADUUNKA OO DHAN BUU JIRA WELI DHULKEENA AYUU AAD UGU BADAN YAHAY.WAXAAN TALO KUGU SIIN LAHAA SAAXIIB ISA SOO DAAHIR INTA AANAD DADKA U SHEEGIN MUXAADARO QALBI DHIIGAYA KA TIMID.
    WA BILAAHI TOWFIIQ

  3. @Tahir Geel

    Haddii qofku soo daliishado Aayad amase Xadiith, ujeeddadu ma ah inuu muxaadaraynayo. Anigu reer uma socon laakiin, nasiibdarro, hadalkayga ayaa u tallaabay. Aniga ujeeddadaydu waxay ahayd ninka lagu sheegay xildhibaanka Somaliland iyo rag kale oo halkaan marar hadallo isku dhaafsanno oo markii ay shalay maqleen nin lagu qisaasay Burtinle — ay dad degaan dhan dusha ka saareen dhaleecayn oo ay ku eedeeyeen caddaaladarro. Marka, haddii aad tahay nin qalbi fiican, taas maxaad u arkiweyday oo uga hadliweyday?

  4. A.ARAR
    WAAD KU MAHADSAN TAHAY IN AAD HADALKAAGII SAXID KU SAMAYSAY NINKA XILDHIBAANKA AH HADAAD FEKERKIISIISA TOOS U WEERARTO OO AAD DIIDO WUXUU KA HADLAYO MA DIIDIN LAAKIIN WAXAAN DIIDAY DADKA BURCO IYO HARGEYSA DEGAN OO DHAN IN AAD WAR XUN KA SHEEGTO WAAYO WAA DAD SOMALIYEED ANIGU TAHAR GEEL AHAAN KAMA SOO HORJEEDO NINKAN LA QISAASAY WAAYO QOF BUU DILAY ISNA IN LA DILAA WAA WAAJIB ILAAHAY JIDEEYEY OO BANAAN. HADAD IS TIRAAHDO QOF KASTAOO HALKAN WAX KU SOO QORA U JAWAAB DHIB IYO DENBI WAXAAN AHAYN KALA KULMI MAYSID WAAYO MEESHAN QOF KASTAA SOO GALA MID WALAAN .MID WAX CABAY .MID GAAL AH IYO KUWO KALE OO QARIBAN . ANIGU ADIGA KUMA AQAANO LAAKIIN HA ISKU DEYIN IN AAD REERKIINA AMA GOBOLKAAGA DADKA KA DIFAACO WAXAY KULA GELI MEEL QATAR AH OO DHIB BADAN
    WA BILAAHI TOOFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*