DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2022, Imisa dhan tahay ?

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay odoras Miisaaniyad-sanadeedka 2022, kaas oo dhowaan ay u gudbisay Golaha Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda Somaliland.

Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa cadadkeedu dhan yahay 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan  boqol siddeed iyo soddon  shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban).

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay doodo adag ka lahaa Miisaaniyaddan, iyagoo su’aalo weydiiyay Madaxda Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda Somaliland.

Kalfadhigii saaka oo ay fadhiyeen  67 Xildhibaan,  ayaa 57 mudane oo kamid ah ay u codeeyeen meelmarinta Miisaaniyadda, halka ay diideen 6 mudane, waxaana ka aamusay 3 Xildhibaan.

PUNTLAND TIMES

22 Comments

  1. Masha Allah Masha Allah.

    Alloow nimcda & barwaaqada noo kordhi Amen.

    Waliba waxaad raaciyaasaa Suxufi warbixintaada in mushahaaraadka cidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland loo kordhiyay 10℅

    ∆¶×÷√•¥£¢™©®

    guul Somaliland Repuplic …*KAA NAARAN SHAYDAANKU KAA NAARAN*

  2. Maansha allaah
    Alxamdulillaah
    Ilaah baa mahad iska leg inna solansiiyay innana makansiiyay qaranimo,dawladnimo,nabad iyo barwaaqo.
    Horaa loo soconayaa
    Guul Jamhuuriyadda Somaliland.

  3. “3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin”

    – oo ah lacag aan rasmi ahayn oo bah-lacageedka caalamkana katirsanayn oo lagana aqoon.

    – oo ah lacag aan sarrifka caalamiga laga aqoonsanayn.

    – oo ah lacag lagu nisbeeyo dal aan isaguba dunidaba ka jirin oo lagana aqoonsanayn.

    – oo ah lacag aan kusaleysnayn waxsoosaar rasmi ah latabcaday oo dibedahana loo dhoofiyo.

    Sadaqooyin iyo deeqo gaargaar bina-aadamnino ahaan lagugu siiyay miisaaniyad lagu matilmaami karo – sida rasmiga ah.

    Adduunyadana waxaa ugu liita dad gacmahoorsiga iyo iskudhiska caadeystay oo sharaf iyo xaragana moodaya – sida Soomaalida.

    Dunida waxaa ugu gunsan duul heeryada gumeysigii dulleeyay sii dugsanaya (meel kasta oo ay adduunyada kaga sugan yihiin)

    Waxaa lagu faanaa, qayrkaa lagula tartamaa, oo laguna tanaadaa waxaad adigu tabcatay iyo talo aad adigu leedahay oo tafiirtaada tilmaamaysa. Wax lagaa leeyahay adigu malihid. Geyiyada Soomaaliweynna waa wada SOMALI LAND oo qolo inay gaar iskugu shaabbadayso xaq ulihi majirto.

    • Nin weyn baan ku moodayey laakiin inan yaroo cadiifadaysan baad tahay.
      Doodahaaga gebigooduba waxay la mid yihiin kuwa shaydaanka ee ah ” hadaan anigu wax waayey, dadkuna waa inay wax waayaan”
      Immika idinku markii haayadihii caalamku idiin iman waayeen ee aad dhulkiina dhul la isku haysto ka dhigteen ayaad ka xuntahay waxa ragga kale helay.

      Adduunyada waxa u daran qoom aan dantooda garan oo mustaqbalka caruurtoodana ka talin.
      Maanta tuulooyinkiinii goraygaa ka hadaafay sidaad marba dhinac ugu yaacayseen.
      Reerku miyaanu xitaa rag u taliya ama u sahan taga lahayn.
      Garoowe oo shalay boodhku ka boodayey oo magaalooyinkaagu ka weynaayaan ayaa maanta New York la tartamaysa. Waxa lagu dhisayna waa lacagta magacaaga lagu soo qaato iyo cashuurta Badhan iyo Hadaaftimo ay ka qaadaan, adigana afkaa dabaysha, boodhka iyo dukhsigu kaa galayaa.

      Arrinta waxaad ka taqaan Iidoorka KU xumee, iska dhici iwm.
      Iidoorka iyo MJ midkoodna Dan kaama leh.
      Waad ogtahay MJ inaanu soddon sanno wax kuu qaban inuu buuraha KU rarto, marna rasaasta cadowgiisa iskaga kaa dhigo, iyo inuu lacag it xildhibaan magacaaga KU qaato ma ahee!
      Idoorkuna waxaabu ilaahay ugu mahadiyaa inaad maqantahay waayo waxaaga aad cunni weyday waa laguu cunni. Tiisii oo tu kale loogu daray mashalah.
      Adigu halkaas iska fadhi ilaa inta qiyaamuhu ka soo baxayo.

      Well ma u fiirsatay sida hadda aanay Somaliland wax dedaal ahba u gelin gobolkiina, waxay fahmeen inay sidan ugu badiso.
      Lacagtaa dawladaa lagu dhisan, hadhowna adigoo oo maati ah oo gaajaysan uun baad meesha lagaa saari. Immikaba was kuwaa MJ bilaabay inay maatadii Sool meesha ka saaraan oo Nugaal meesha ka dhigaan.
      At the end of the day adigu waxaad noqanaysaa raqdii waraabayaashu cuneen, markii dambana uu libaaxii meesha yimi ee looga cararay.
      Immika Puntland ha KU sii durdurido, hadhowna Somaliland uun baa iman oo sidoodii bay ilaa Garoowe yaaci

  4. Mashalah mashalah
    Guul iyo horumar diwlada Barakaysan somaliland HORAA LOO SOCONAYA,,

    @@ Awlal,
    Sxb salaan, waxkasta horta maxaad horta negative uga bixisaa gaar ahaan somaliland oo ah Dalkeena qofkasta oo somaliyeedna dalkiisa u ah,
    Ma magaca somaliland ayaa DACARTA kugu kiciya?
    Ma Qabiil gaara oo duriyada ah ayaad lagaa CUUDIYAA sida Duufkeyaasha Looma Aayanka ah BARRE iyo XADE XAARWEYNE?
    waxaa quruxbadan in wixii umad somaliyeed ay horumar ay sameeyaan loogu hanbalyeeyo laakiin maaha in marwalba wax la naqdiyo, waayo niyad ahaan qalbiyada kaaga iyo ka dadksba uma wanaagsana,,

  5. @@Runsheege,

    Waad salaamantahay adigana saaxiib.

    Waad ogtahay oo anna waan ogahay in aad ogtahay in aanan naqdimayhayga kusaabsan masala ‘Somaliland’ marna qabiil iyo qabyaalad toona kusaleysiin e aan kusaleeyo Soomaalinimada, Islaamnimada, iyo waaqiciga guud ee qaaradda iyo dunidaba ka jira.

    Adigu uun ha uweecsanin oo hoosna ha inooguridin hawraarta jilicsan ee fadhi-ku-dirirka. Qoraalkayga dib ugu noqo oo ku akhriso indho aanu saarnayn caadifadda caadkeedu.

    ‘Somali Land’ waa magac katarjumaya dhammaan geyiyada ay Soomaalidu degantahay, waadna ogtahay in aanu nin ay waddaniyaddiisa Soomaalinimo ku weyntahay magaca dhulkiisa ka dacaroon karin – weligaa hawraarta jilicsan ee fadhi-ku-dirirka ka digtoonow marka aad doodaha goshiyeed ragga kulawadaagayso. Waa iga talo.

  6. Walhy ninkii hadlayaaba hayske hadlee somalilayn waa indhaha soomaliweyn maantay.

    In lys xqiro ma fiiicna. Nabadgalyada iyo harimarka ale haydiin ilaasho.

  7. @Man

    Kkkk walahay intii odhon lahaaba adigaa dhameeyay loona noqon maayo.

    IShaad kariday , Congratulations Hambalyo!

  8. @@Man aka Wacays aka Ahmed Shiine aka…,

    In aad magacaagii aad caanka ku ahayd si raganimo lagu dheehay doodaha iyo ragga iskaga dhicisaa ayay sharaftu kuug jirtay.

    Aniga oo og in aad Ahmed Shiine tahay ayaan haddana magacyadan kale ee aad qummmaati uga dhex muuqato kuugu jawaabaa, aniga oo adiga kuu adeegsada madal aan maanka kaga baraarujinayo Isaaqa waxgaradka ah ee waaqiciga dhabta ah kusugan.

    Maalin dhowaydna, dood qiimaleh oo aad inoo billawday ayaad islamarkiiba digaagad sideeda ku digatay sidaadii, iyada oo ararka inoo maraysay.

    Liidnimada kulahadhay waxaa weeye, Shiinow, in aad qaddiyaddaada SNM xataa si raganimo iyo aqoon lagu suntay qummaati u duulisan karin oo aad hawraar jilicsan iyo tirsiga dhoocileed udhurato markasta oo doodaha lagugu alweeyo.

    Macal-Asaf.

    • @ Awlal,

      Niyow horta waxa la yidhi ” Tuugu intaanad Tuug ku odhan buu tuug ku yidhaahdaa”
      Ragaa aad sheegayso iyo anigu ismaba naqaano laakiin waa adiga ninka magacyada badani.
      Maxaaba se kalifaya in magaca laguu soo bedesho maadigaaba dood hagaagsan meesha la yimaada.
      Nin waalan baa yidhi, ” inaan waalanahay waxaan ku gartaa dadkoo dhan baa isoo eegaaya”
      Bal adiga maxaa dadkoo dhami ay ula yaabaan doodahaaga maalayacniga ah.
      Qof kasta adiguu kuu jawaabaa waayo hadal guracan baad meesha la timaadaa, hadhowna markaasaad ku waalataa hebel ii soo bedeshay iyo heblaa ii soo bedelatay.
      Maxaa lagaaga soo bedeshaa magaca miskiin wareersan baad tahee.

  9. @@Shiine,

    “Waad ogtahay MJ inaanu soddon sanno wax kuu qaban inuu buuraha KU rarto”.

    Horta yaad ii taqaan, si baad iigu khafiiftay e?

    Aan kuu caqliyeeye, inkasta oo aan dhabarka awoowahay Maxamed kasoo go’ay, waa in aad maankaaga dawakhan gelisaa in Maxamed iyo Maxamuud Harti yihiin labo nuday qur ah ka beermay oo aan sina loo kala sooci karin.

    In aad ukala-abtiriskooda cimrigaaga ku dayacdo, adiga ayay jab weyn kugu tahay oo ictiraafna kumaheli doontid abidkaa.

    Armay caafimaadkaaga dhimirka u fiicantahay in aad ku qanacdo xaqiiqada ah in aad Soomaalida iyo Soomaaliyaba katirsantahay oo meelna uga soconin inta aad magacaas huwantahay?

    • @ Awlal,

      Saaxiib Ictiraafka already waaban haystaa isagoo maldahane oo caalamkoo dhan baa laga yaqaanaa faraqa u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya’e, adigu miyaanay masuuliyadi kaa saarnayn mustaqbalka ubadkaaga iyo aayo ka talintoodu. Ummadii ilaahay nin waliba caruurtiisii mustaqbalkooda wuu meeleeyay, maxaa adiga baylahda kaa dhigay

  10. Boqorada Harti,
    Gob gobi dhashaad tahay alxaqiiqa. Boqorad & dheeraadna waad u qalantaa inaabti.
    Allaa yacizak.

  11. @@Ahmed Shiine aka Wacays aka Man aka…,

    Maankii fadhi-ku-dirirka ee aad weligaaba kuxeeldheerayd ayaad udhuratay, aniguse dagaal-maskaxeed ayaan halkan usoo galaa.

    Kuwa aniga iga boodsanna waa uun guulwadeyaasha maanka ka curyaaman ee runta iyo xaqa ka xajiimooda, in ceebaha madaxda ay isku ku abtirsadaan lafagfago oo lafaaqiidona ka gubta; marna looga jimcin maayose.

    Soomaali dhammaanteed ayuu dhashii aaya-beel xun ku wada habsaday oo dal iyo dibadba ku dulleysan, sidaas oo ay tahayna waxaa ugu daran kuwa badweynta iyo saxraha ka doorbiday jaxiimada ‘Somaliland’ loogu magacdarsaday.

    Ictiraafkuna ama waa mid rasmi u jira, amase majiro; wax ictiraaf “maldahan” looyaqaanno dunida kamajiro oo waana hadaaq aan nin weyn laga filahayn. HAATUU BURHAANAKUM INKUNTUM SAADIQIIN.

    • @ Awlal,

      Habaarku waa xaaraan ninyahowe ma sidii ciyaalkaan barnaamijkii maaweelada caruurta kaa dhegaysanaa mise sidii dad waaweyn baan u wada hadalnaa.

      Horta Somaliland hadaad ” Jaxiima” ku sheegtay, tolow Soomaaliyana maxaad ku sifayn?!
      Adjectiveska ama sifeeyayaasha ha iska dhamayn si aanad hadhow waxaad ugu sifeyso u waayin.
      Tahriibka waxa gala nin hami leh oo lacag kuu tahriibana heli kara.
      Adiga hadii aan tuuladaada laga tahriibin kolay lacag aad xadka Wajaale ku gaadhaba ma hayside sidaad Europe iyo America ku gaadhi?!
      Dan ayaanad uba tahriibi karin.
      Waxa la yidhi, ” waxaad heli karin waxaanad doonahayn baa laga dhigaa”

      Mida kale, dadka tahriibaa dadka gaajadu haysaba ma aha ee waa bulshada kuwa wax haysta ama cid wax ka bixinaysa meel ku og.
      Dadka tahriibayaana waa qaar dhamaan adduunyada oo dhan ka tahriibaya.
      Turkish, indian, African,Arab iwm.

      Arrinta Ictiraafka, wuu jiraa saaxiib Ictiraafka dadbani oo waa ka Taiwanba reer galbeedka ka haysato. Reer galbeedku isagoo afka ka sheega inaanu Taiwan aqoonsanayn ayuu hadana ula dhaqmaa sidii wadan jirra ilaa heer uu doyaar u yahay inuu xorriyada Taiwan difaaco u galo dagaalkii 3aad ee adduunka ee Nukliyeerka ah.
      Somalilandna sidaas oo kale waa ka safaaradaha uga wada furan yihiin.
      England, Turkey, Ethiopia, UAE, Jabuuti, Taiwan, Kenya iyo Amerika oo hadda qorshaheedii la waddo.
      Dhamaan safaaradahas ama xafiisyadaasi waa qaar aan wax ogolaansha ah ka haysan dawlada federaalka waana qaar baasaboorka Somaliland wax ku bixiya, sharciga Somalilandna ku dhaqma.
      Waxa kale oo aad ogtahay mashaariicda maalgashiga ah ee dawlada Soomaaliya diiday sida aanay cidi dhag jalaq ugu siin ee Somaliland ogolaanshaheeda ay ugu hirgeleen. Waxa ka mid ah: kuwii Berbera, Kuwii shidaalka sahaminayey, kuwii macdanta… Waad ogtahay macdan baadhista sanaag iyo dagaaladii Shidan ee beeshiina iyo Sacad Yoonis.

      Yaanu waagu kugu beryin ninyahow wake up.
      Google bal ku dhufo Somaliland oo eeg new articleska laga qoray iyo sida loogu loolamayo

  12. @@Ahmed Shiine aka Man aka…,

    Runtu habaar ma aha e waa run. Bal harta aynu isla fahanno darafyada aynu labadeennu amuurahan Soomaaliyeed ka kala taagannahay, si aynu isu afgaranno.

    Anigu si dhab ah oo rasmi ah ayaan lug iyo gacanba ugu leeyahay diraasaadka ay hay’adaha iyo dawladaha European Union-ku kasameeyaan Soomaaliya iyo Soomaaliba. Xeryaha qaxootiga ee Giriigga, Talyaaniga, Isbaanya (Spain), iyo Faraansiiska ayaan booqashooyin ukuurgalid iyo oddorosayn kusaleysan kutegay oo aan dhaayo iyo dhegaba kaga soo bogtay xaaladda ba’an ee ay dhaliinyarada Soomaaliyeed kusugan yihiin.

    Warbaanno iyo waxbixinno rasmi ah oo labada luqadood ee Af-Soomaaliga iyo Englishka ku qoran ayaan qalinka ku duugay. Waxaa kale oo aan wadashaqeyn iyo iskaashi goshiyeed lasoo wadaagay dawladaha waddamda Yurubta – kuwo guud iyo kuwo hooseba – oo aan kalasoo darsaday xaaladda ay kusugan yihiin qoysaska Soomaaliyeed iyo dhallaankoodaba.

    Tirakoob ahaan:

    1. Xabsiyada UK iyo Sweden da’yarta ku xiran aqlibaddoodu waa Soomaali.

    2. Qoysaska soogaleetiga ah ee ay carruurtu kasaaqiddo waa Soomaali.

    3. Dhaliinyarada Soomaaliyeed ee tahriibta, kuwooda ugu badan ee badweynta iyo saxrahaba kulee’day oo xeryaha Yurubtana dhooban waa reer ‘Somaliland’.

    Adiguse, waxaagu waa iska hawraar aad fadhi-ku-dirirka kasoo dhegadhegeysay iyo asaraarid aan khajilaad lahayn. Waxaydinna caado kadhigateen in marka runta iyo xaqa la idin ku dakhro aydin doodaha uweecisaan “Isaaq baad necebtihiin” iyo hadal-nacaseed aan loo joogin.

    • Mr Awlal,

      Xiligii aad wax iska odhodhan jirtay baa la gaadhay aan wax point ah lahayn sidaas awgeed, hadalku waa kugu khasaare wixii intii ka dambeeya.
      Bal horta marka hore dood adag soo dhiso oo micno leh, dabadeedna isku keen keen aan doodnee

  13. Mr Man,

    Waak u salaamay marka hore.

    Ma aqaan inaad hore u taqaanay qofkan wata magaca awlal sida uu uga “doodo” makhaayadaa fadhi ku dirirka ah. Laakiin waxaan anigu ku siinayaa keliya daraasad aan kaga sameeyay ku dhawaad 2 sano oo aan Puntland Times soo galo.
    Awlal;

    1. Waa qof reer-koodu tacliin u direen, kuna tacab khasaareen.

    2. Waa qof aad uga hela in magaca uu sito la soo qaado ama loo jawaabo, ka dibna qoraal dheer oo bilaa nuxura soo dhiga mareegto ama maqaaxiyaa fadhi ku dirirka.

    3. Waa qof laba wajiila ah oo mar Puntland si dadban u caaya/ amaana, mara Farmaajo dabada u ruxa.

    4. Waa qof hadii Somaliland, Eeba-heena, Ilaaheena Waaxidka ah, albaaba-da Janada ka furo odhan kara cadaabta ayaan sugayaa.

    Colaada intaa leeg waxa ku kelifayna isaga uun ayaa og.

    Gunaanad & Geba gebo,

    Mr Man ; qoraal iyo wakhti ha iskaga khasaarayn sitaha magaca Awlal.

  14. Durba ma cararteen? Allow Alle!

    Dood cilmiyeysan ayaan boggan soo dhigay, waana lawaayay in uu midkiinna qodob-ka-qodob uraddiyo oo caddaymo iyo dalillo cad ku beeniyo qodobbadaas aan soo tiraabay.

    Farqiyada inoo dhexeeyana waxaa kamid ah:

    (i) In aanan anigu runta iyo xaqa ka beensheegin oo eex qabiil iyo casabanimo aawadoodna wax u dadin. Dadka ilbaxnimada iyo xadaaradda usaaxiibka ah ayaana astaantaas lagu amaanaa – diiniyan iyo sikastaba.

    (ii) In dadka astaantaas lagu garto ay dalkooda, degelkooda, mise dadkooda waxa ka qaldan si caqliyeysan oo cilmiyeysan unaqdiyaan oo nalkana ugu ifiyaan si loo ogaado oo la iskagana saxo.

    Waana dhaqanka ay bulshadaha caalamka uugu hormarsan ku hanteen mansabkaas sarreeya iyo dawlad-wanaagga ay kucaanamaaleen.

    Naqdimahayga Puntland ku aaddanna, waa kuwo aan ka dhiibtay websitekan Puntlandeyska ah oo waxaan ahay nin daartiisa kadhex caweynaya oo arrimaha aqalkiisana qoyskiisa kala xaajoodanaya. Idinka weeye – iiddoorow – kuwa dadka kale muusaskooda dhanfadhiga ku noqday oo xaafado aan lagu casuumin dadkii lahaa kudhex caayaya – illayn caado ceeb ma aha e.

    Haddii aan Puntland kanaqdin lahaa websiteyo kale, markaa aniga ayaa noqon lahaa doofaar aan damiir lahayn oo ay ceebi kudhantahay – haddase maya! Waan ogahay oo maryooleey dhib weyn baa nakalahaysta, sababtuna ay tahay in aan dhaqankeeda gurracan kudhex dhalan oo kudhex barbaarin – nasiibwanaag – balse aan aadmiga kale lasoo dhaqmay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*