Baarlamaanka UK oo ka dooday Aqoonsiga Somaliland

Baarlamaanka Dowladda Ingariiska ayaa caawa dood ka yeeshay Aqoonsiga Somaliland, oo sheegtay sanadkii 1991-dii inay ka go’day Soomaaliya, kaddib soo jeedin ka timid Xildhibaan Gavin Williamson.

30 Xildhibaan oo kamid ah 650 Mudane oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka UK, ayaa ka qeybgalay, kuwaas oo dood dhinacyo badan taabanaysa ka yeeshay Aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaan Vicky Ford ahna Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegtay in ay tahay go’aan u yaala DFS iyo Somaliland.

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay tiri Vicky Ford.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka UK dooda la xariirta Aqoonsiga Somaliland, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey Xildhibaan Gavin Williamson oo Baarlamaanka horgeeyay doodan.

PUNTLAND TIMES 

15 Comments

  1. vicky ford waaanu uga mahad celinayna garab istaaga ay garab tagan tahay Somaliland. waanad ku mahadsantahay inaad qoraalkaga ku cadeysay inay somalia iyo Somaliland laba kala duwan yihin oo simam

  2. @@@Ustaad A.Arar,

    Ustaad, kkkk waxaan hadda ‘notification’-nada jawaabaha bogagga aan afkaarta kadhiibto iiga soodhaca ku arkay raddin aad ‘magacyada-badane’ bog ugu dhaaftay oo ay kujirtay jumladdii ” I wish haddii aan…sidiisa…” (iska garo oo).

    Yaa ustaad, astaqfirullaah baan taas ka iri oo waanan kaaga cudurdaaranayaa in aanan Af-Haneedka luqadaha English-ka iyo Soomaaligaba adiga kugu gaarayn abid. Istilixaadka English-ka ee waaxaha goshiyeed laga adeegsado ayaan marar badan arkay adiga oo faallooyinkaaga usooxiganaya – waxayna marag buuxda u noqonaysa in aynu inteenan kale cindigaaga dugsileey ka nahay!

    Mabruuk Alf Marrah!

  3. Riyo ku nool haddii aay xitaa ABAARSO-LANDNIMO aqbashay xaalku waa, Faanoole fari kama qodna iyo Villa Wardhiigleey ma hurto!! Kkkk

    • While there is a will there is a way, Rome was not built in a day, a 1000 km journey starts in one step. We will never give it up, there is no way back, we have democracy and peace, our destiny is in our hands, let the dogs park and the Cravan will continue. Thanks God Farrago + Fahad Yasin will not be my rulers, I feel sorry for the Somali people who are under these tugs, mafia and Alshabaab. We will never rest and give up our hard earning freedom, NEVER NEVER NEVER AGAIN.

  4. @@Guulwadeyaasha SNM,

    Waynu idiin ka tacsiyaynaynaa in ay gaalo xun af huuro leh maanta kaga munaaqashootay aayaha geyiga Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo aysanna waxba idiin soo kordhin – aan ihaano iyo jeesjees ka ahayn.

    Ku bishaaraystase in ay Soomaalida walaalihiin ah marnaba idin dayacayn oo mar uun idin kasoo xerayn doonto musaska gaaleed ee aydun go’doonka ku noqoteen.

    Haybad iyo mustaqbalka waxaydun ku leedihiin dhulkiinna hooyo iyo dadkiina Soomaaliyeed. Gaalo buuryaqab ah ee ay baaradu kutaallo waxba idiin mahayaan gacaleyaal. Karaama-beel 30 sanadood idiin kufilan.

    • While there is a will there is a way, Rome was not built in a day, a 1000 km journey starts in one step. We will never give it up, there is no way back, we have democracy and peace, our destiny is in our hands, let the dogs park and the Cravan will continue. Thanks God Farrago + Fahad Yasin will not be my rulers, I feel sorry for the Somali people who are under these tugs, mafia and Alshabaab. We will never rest and give up our hard earning freedom, NEVER NEVER NEVER AGAIN.

    • @ Awlal
      Adiguba Saboo
      l baa Tahee Siiso Ubadkaaga,
      Haybada iyo mustaqbalka aad sheegayso adigay kaa muuqan lahayd runtiina u baahan maadama Dalkiinii iyo dadkiiniiba Baylah yahay mudo Years ku dhaw,,
      Nin gumaysi ku jira oo waxba gacanta ugu jirin oo qaawan dhinacwalbana ka Aradan baa ku leh waxbaan cid tarayaa kkkkkkkkkkkkk,
      War ilayn Af Aadan Lahayn Maqabatid,,
      Riyo haday dib leeyihiin Dabadeeda ayay ku qarsan lahayd miskiin,,
      Awlalow Ninka maanta hawl baaxad leh u taalo waa idinka anagu Waanu isku dabaridanay waxayagii ilaah mooye cidna uma baahnin,

  5. Xubna Baarlaman-ka UK & wasiirka dawlada UK waxay wada qireen:

    1. In UK & Somaliland xidhiidh taariikha ka dhaxeeyo, xidhiidh-kaana dib loo soo celiyo.

    2. in aan mustaq-balka Somaliland ku jirin gacanta dawlada Soomaaliya.

    3. Waxay qireen in Somaaliland tahay “unique case” oo ku nool nabad iyo dimuqraadi-yad lana deris ah mandiqad dagaal ku habsaday.

    4. Waxay qireen inay balaadhinta Dekeda Berbera & wadada isku xidhaysa Itoobiya ay maal gelinayaan.

    5. Waxay kaloo isla garteen in Somaliland sii wado dadaalkeeda ku aadan gooni, isu taageed.

    6. Inay Somaliland si toosa u siinayaan taageerada ciidamada amaanka Somaliland.

  6. @Mustafa Hassan,

    What if an Isaaq becomes the head of state of the Federal Republic of Somalia? What then? Because, that is precisely what Puntlanders are planning to make a reality soon.

    Will you lot then recover from the anti-Marehan flu that is making you cough this awfully?
    ………………………………………………………………………………………………….
    “4. Waxay qireen inay balaadhinta Dekeda Berbera & wadada isku xidhaysa Itoobiya ay maal gelinayaan.”

    Waa dawlad uu gabbal-baas u dhacay oo la kardhanaysa in ay jabka dhaqaale ee BREXIT ka raacay ku daddo “heshiisyo ganacsiyeed” oo bug ah ee waddmada sab’oolka ah la gashay.

    Berbera haddii laxaraashayna dad baa “horumar” u arka, mana oga in ay noqonayso hal irmaanan oo la iska maalanayo ee aanu reerkii lahaana dhibic ka kabban doonin.

    It’s called cut-throat extractive capitalism, and it confers no favours whatsoever in its brutal pursuit of profits and maximum exploitation.

    I have nothing but utter sympathy for any fool who falls for the vacuous and patronizing platitudes of the treacherous and hypocritical Brits.

  7. haku daalina dhamaantiin mid taabacsan iyo mid mucaarad somaliland ku ahoow… arin idinka idiin taala maaha, gaalna ha is qariyee halkuu u socdo wuu og yahey nin isaga danka lihina halkuu u socdo wuu og yahey. period. talo waxey ku soo dhaman laba isku baahan alow yaa isku beega weysku baahan yihiine.

  8. Arrintani waxay ahayd guulihii ugu weynaa ee Somaliland u soo hoyday muddadii ay jirtay.
    In xoghayihii wasaarada arrimaha dibeda ee hadda xilka hayaa uu toos Twitterka ugu sheego inuu ugu taageero qadiyada Somaliland, Baarlamaanku na xilligan oo England mashquul badan ku jirto uu wakhti intaas leeg siiyo dood dhab ah oo gambadhada la isagu fadhiistay ayaa guul ah.
    Tirada xildhibaanada ee taageersan qadiyada Somaliland aad bay u badan yihiin, dawladaa laftirkeeduna way taageersan tahay laakiin waxa jirta cabsi weyn oo ay ka qabaan in koonfurtu sii kala daadato. Hadii Soomaaliyeed ay xasilooni haysan lahayd way ku dhiiran lahaayeen laakiin hadda khatarta ka dhalan karta Ictiraafka Somaliland ayaa kaga weyn xaqqa ay u leedahay Ictiraafka.
    Dhamaan siyaasiyiinta caalamku way rabaan in la aqoonsado xitaa danjirayaasha Soomaaliyeed loo Soo magacaabo sida safiiradi hore ee Mareykanka, Ingiriiska, madaxadii hore ee Mareykanka afrika u qaabilsanaa iwm.
    Tusaale, waxa aynu ognahay in gabadhii madoobayd ee Afrika Geeska u qaabilsnayd Jendaya Frazer, Odaygii Trump u qaabilsanaa Igor Tibor, safiirkii hore Maraykanka dhamaantood hadda waxay si firfircoon ugu doodaan aqoonsiga Somaliland.
    Midowga Afrikana already waa kii 2005 guddi u soo diray Somaliland baadha xaqqa Somaliland u leedahay xornimo kuwaas oo reportkoodii ku sheegay inay u qalanto.
    Weynu ku guulaystay iibinta qadiyada laakiin arrinta hor taagan Ictiraafka waa cabsida laga qabo waxa koonfuri ku dambeyn doonto hadii Somaliland la sii daayo.
    Mida kale, waxa jira siyaasad ah ” hadii aanu shaygu jabnayn ha toosin”, ” if it ain’t broke, don’t fix it”.
    Somaliland siday tahay bay ku shaqeynaysaa sidaas awgeed cidini ma jecla in meel aan dhibi ka jirin la faro-geliyo..
    Xaqiiqdu waxa weeye waddamada caalamka we KU adagtahay inay Somaliland aqoonsadaan ilaa Soomaaliyeed iyo Somaliland heshiis gaadhaan waayo cidina ma rabto inay qaadato masuuliyada hadii Koonfurtu burburto marka Somaliland la ictiraafo

  9. I don’t recognize Somaaliland, Farmaajo and Boqorka.
    I only know Dawlad Gobaleedka gardarada badan ee Soomaaliline-Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
    Sidaas iyo maalin wacan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*