DAAWO: Feysal Waraabe “Muuse Biixi, 1994-kii ayaan Finland kalasoo hadlay, oo ku iri dalka dagaal ha galin”

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi inuu wado qorshe uu dib ugu dhigayo doorashada, kuna sameysan muddo kordhin.

Faysal Cali Waraabe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ah “WADDANI iyo UCID”, aysan marnaba aqbali doonin in dib loo dhigo doorashada Madaxtooyada, una aqoonsan doonin Muuse Bixii Madaxweyne haddii waqtigiisu dhamaado.

“Muuse waxaan leeyahay, hadaad diido inaan kula tartanno, Marka wakhtigaagu dhamaado, ma oggolaanayno inaad sii fadhido, labada xisbi ma ogolaanayaan, kamana talinaysid halka ay joogaan taageerayaashayadu”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in 1994-tii uu Muuse Biixi uga digay inuu dalka dagaal galiyo, kaddib xariir uu kala soo sameeyay dalka Finland, balse taas uu ka dhaga adeegay uuna Somaliland galiyay dagaal, isagoo intaas ku daray aysan marnaba aqbali doonin in xisbiyada uu meesha ka saaro.

“Muuse Biixi, 1994-kii ayaan Finland kalasoo hadlay, waxaan ku idhi dalka dagaal ha galin, waakii galiyay iyadoon Cigaal ogayn, ilaa laga qaaday xilkii Wasiirnimana dalku muu dagin”.

“Muuse Biixi wuxuu damcay in uu doorashada dib u dhigo, oo uu Xisbiyada meesha ka saaro, oo uu lasoo baxo laba xisbi oo uu ka guulaysan-karo”.

PUNTLAND TIMES

9 Comments

  1. Markii ay dhacday doorashadii baarlamaanka Somaliland ee ay rag badan dabbaaldagayeen, waxaan qoray waxba ha uga dabbaaldegina xildhibaanno qabiil lagu soo doortay ee aan sugno in Muuse Biixi doorasho qabto amase xilka wareejiyo haddii laga guuleysto. Waxaan iri taas ayaa caddeyn doonta haddii reer Somaliland siyaasad ahaan bislaadeen. Sidaa waxaan u iri, hadde, Muuse waa Soomaali, waana askari, waana nin qallafsan.

    Nasiibdarro, reer Sh. Isxaaq qabyaaladda dhexdooda ka jirta kama jirto qabiil kale oo Soomaali ah dhexdiisa amase xitaa iyaga iyo qolooyinka ay ugu neceb yihiin Daaroodka. Waa sababtaas tan aan mar mar u rumeysto hadallada Xasan Cabdi Caynaanshe. Hadalladiisa waxaa ka mid ahaa, ‘Anigu Dir baan ahay, Soomaali baanan kasii ahay, Soomaalida kale ayaana iiga sokeeysa qolooyinka aan isku haybta sheeganno.’ qofkii isku daya inuu Xasan Caynaanshe shakhsiyaddiisa duro (character assassination) laf cad buu toobin ku hayaa. Marar badan baan daawaday isagoo ku careynaya kuwo kasoo horjeeda inay kula doodaan meeshii ay doonaan iyo xitaa mediayaha Somaliland.

    Nin hadda aanan xusuusan magaciisa oo reer Hargeysa ah oo ay Cigaal isxigaan oo ah nin aqoonyahan ah oo reer Canada ahaan jirey ayaa isagoo ka hadlaya sababtii reer waqooyigu ugu degdegeen midowka 1960, wuxuu yiri,’Waxaydnaan sheegin oo qarisaan in sababta aad u degdegteen ay ahayd waxa idinka dhexdiinna ka jiray awgood.’

    Xasan Cabdi Caynaanshe oo arrinkaas ka hadlaya, wuxuu yiri, “Cigaal kooxdiisii wadahadalladii midowga hoggaaminayey, waxay yiraahdeen, intii qaybteenna reer waqooyi ahaan — reer hebel [?????] qaadan lahaayeen, reer koonfur ha qaateen.’ ”

    Duuliye Axmed-dheer oo ahaa ninkii diiday inuu Hargeysa duqeeyo 1988 ee Jibuuti ula baxsaday diyaaraddii, markii beri dhexdaas uu tegay Hargeysa ayaa dadka qaarkiis weyddiinayeen in berigaas amar lagu siiyey in uu duqeeyo xaafado gaar ah oo Hargeysa ka tirsan. Hadde ogoow, dadka la tuhmayo inay amarkaas bixiyeen ma aha madaxdii iyo saraakiishii Soomaalida kale ee waxay tuhmayaan saraakiil Isaaq ah.

    Dr. Gabboose wuxuu ka warramay dhibtii laga soo maray in C/Raxmaan-tuur madax ka noqdo SNM.

    Markii aad u fiirsato arrimahaas oo dhan iyo dagaalkii lagu gablamay ee afarta sano dhacay (1994-97), waxaa kuu soo baxaya in waxa ka dhexjira beelo hoosaadyada Isaaq — ay ka weyn tahay xafiiltan beeleed.

    Sida dad badan aamminsan yihiin, haddii la aqoonsado Somaliland — inta aan la gaarin cid kaleba waxay rasaastu ka bilaabanaysaa Hargeysa iyo Burco. Beelaha qarkood waxay aamminsan yihiin haddii xitaa lagu heshiiyo federalism inay noqdaan kuwo iskood u taagan oo hoostaga dowladda dhexe ee federalka ah ee Xamar laakiin aanay doonayn inay Hargeysa hoostagaan. Haddaba, in Somaliland kusoo noqoto Somalia — armay tahay danta Isaaq si iyagu u kalabadbaadaan?

    Arrin kale, duqdii Adna (Cadna) Aadan — Ingiriis-jecayl awgiis xitaa magaceeda way Ingiriiseesay (anglasized) — waxaa la sheegay inay maalin dhoweyd la hadashay idaacad Israel leedahay, una sheegtay inay Somaliland diyaar u tahay inay xiriir la sameysato Israel! Waxaan moodayey inay gabowday oo kuftay (85-sano-jir) oo meel habsatay! Illeen shaydaan ma gaboobo mana dhinto.

    • Wallaahi baan ku dhaartee waxaad sheegaysaa waa been iyo hadal ka soo baxay qalbi dumay oo caabuq iyo xasad buuxshay, taariikhd beena oo aad ka keentay dad xanuusanaya oo aad gaar u abaartay. Ninkaaga soo qaadanaya ninka Hassan la yidhaahdo oo meelaha ka nacnacleeya muxuu dhaama kuwa Falastiin ee Yuhuudda u basa asa, inkasta oo reer Shiikh Isaxaaq Somali yihiin oo is dilaan dhexdooda oo wax kala riixdaan, illeen Habil iyo Qabiil oo walaalaha ahaa oo dunida keligood ku noolaa baa is dilay, haddana tan walaalahayo Daarood ka dhaxaysa wallaanay habeen u soo marin, 17 oo majeerteen mudankiisa ah baa hadhgalay la toogtay, intaas oo boqolaal ahna xukunkii Daarood sheegto baa xasuuqay, kuwa ugu xiga ee Dhulbahante waa ku qoslayeen, wali lama hayo nin Isaaqa oo cid kale dialyse oo ummad dnami u sycbiyaan.
      ninna iska daa wax kale gaajo ugama seexan nin durriyadda ah. Ogaadeen iyo Ahmed Madoobe mu’aamarada Farmaajo u dhigay 5 tii sanno ee u dambaysay cid kale uma digin Hawiyena mamulo u samaynayey, waar Daarood wax la yidhaahdo ma jirto xataa Harti ma jirto, Wallaahi inaan dhul isaaq leeyahay sida Laascaanood maamul kale raaceen haddii dunida la rogayo, wallaahi inaan hal habeen nabad lagu seexdeen, Dhulbahante waa ka quustay ~Daarood iyo Harti. Sheeko yar oo licib saqiir baad wadaa. Midnimada Somalią waxa keenay 1954 marki Ła bixiyey Hawd iyo Reserve Area, oo Ła arkay Amxaaro inny Somali leqayso, sheeko kale ha keenin, Hassanka meelaha ka hadla xataa wuxuu waayey xildhibaan, intii Xamar tegay oo Ła yidhi afqudhmuunka nagala tag. Adeer waxba hadal siyaasi haku gadman, is dili maayaan kuwani haddaad baaba’a la jeclayd, annagu odhan mayno Dayaana iyo Deni baa is dilay, oo ibnu xalaal baan nahay waana ka xumayn oo Wallaahi ah, mana jedlin burbur Daarood iyo Puntland, Daarood ma wada necbin, kii na neceb baan neceb nahay, waliba Mareexaan iyo Leylkse, Awrtable oo banan is aqoon. Illaahay xinkaag iyo xasadkaaga iyo carabkaaga nooma qaado, guurti baan leenahay ka sarreeya siyaasiga oo Siilaanyo ku yidhi adeer Riyaale oo 80 cod kaga helay u daa oo uu yeelay. Maalin walba waxaad tidhaahdaan maantay dumayaan, inta kula mid ahi. Waar nin yahow wax kale qabso oo habaarka iska daa.

      • ASC.
        Marka hore reerka Isaaq waa dad badan oo wanaag badan lagu yaqaan.Laakiin sheekaa timid.Sheekadaas
        oo muran iyo shaki galisay jiritaankii Shiikh Isaxaaq.Isaaq waxaan u naqiin in ay yahiin Ilma Shiikh Isaxaaq.Haddase wax badalay baa yimid oo ah in la leeyahay mayee Isaaq waa Dir oo waxay walaalo yahiin Baadi-Cadde,Biyo Maal,Dagoodi,Jajeele iyo Ujuuraan.Saas markay xaajo tahay mar dambe ma aha reer Shiikh Isaxaaq ee waa Ilmo Biyo Maal.Waayo macquul ma aha Isaxaaq baa na dhalay iyo Biyo Maalna waan nahay.War meel an idiin soo raacno noo sheega.Illaa macquul ma aha qabiil labo qabiil ahe.Isla markaas tan Shiikh Isaxaaq Muran kuma jiro oo aniguba waxaan hayaa buug taariikheed oo arintaas aad uga hadashay.

  2. @ A,Arar.
    Malaha waxaa kuu qurux badan inaad Hagbada Garoowe ee qolooyinka qaar loo dacareeyey 22Sano Inaad nooga sheekeyso,
    Somalidu waa is dishaa wayna ka heshiiyaan waxa soo kala dhexgala, isaaquna umada somalida ee geeska degen uun bay ka mid tahay weliba aan kuugu daree isaaqu waa qabiilka qudha ee isqabta Dulmina isku taageerin cidna ku taageerin,
    Aan ku xasuusiyo Dhacdadii Majeerteen dhexdooda soo kala martay claahi yuusuf iyo Ninkii kale ee markii danbe magan u noqday Isaaq ceel afweyne ku noolaa, sheekadaa daarood waa kii u taagwaayey waxa arinkaa soo gabagabeeyey nabadna ka dhex dheliyey isaaq ayay ahaayeen kuna kala hagoogtay majeerteen dhexdooda inaanay isku baabi,in,
    Tusaale kale dhulbahante iyo habarjeclo way islaayaan hadana heshiiyaan.
    Tusaale kale Habaryoonis/ogaadeen way islayn jireen dad iyo duunyana way isla galaafteen hadana waa laga heshiiyaa wixii Aano ahna waa la xaqaa laguna kala baxaa,,
    Ujeedada waxaan uga socdaa Sida aad adigu u dhigtay isaaq dhexdooda waxa ka dhib iyo dhibaato badan qabiilada aan isaaqa ahayn colaada ay la geli jireen waana marqaati ma doonto ilaa xiliyadaa gumaysiga ka hor gabayada ayaa xitaa ka heleysaa,,
    Isaaqu way isdileen 1990dii sababtuna waxay ahayd iyadoo dalkii lagu soo noqonayey iyo duruufo adag oo xiligaa taagnaa iyo rag iyagu markaa si qayri masuulnimo u fakerey oo meelo kale laga soo taabtay waxayna ahay nasiib daro runtiina waa tii la daba qabtay mashalah si fiicana waa kusoo dhamaatay midhaheediina waadigaa arkaya,,
    Ararow Isaaq waxa ka weyn isdilkooda Danaha ka dhexeeya iyo Halka ay ku noolyihiin iyo cadow badan oo ay il gaara iyo feejignaan dheeriya u leeyihiin taasana saamaxaysa in waxa dhexdooda ka jira marwalba danta guud Ee reerka ama duriya laga hormariyo lana xasuusto,,
    Aan dib kuugu celiyo in lakala gob sanyahay,
    Markii Col CAARE iyo ciidankiisii iyo hubkiisii uu la baxay majeerteen si weyn ayuu usoo dhaweeyey qardho ayaa la dejiyey hub iyo lacagna waa siiseen iyagoo ku xumaynayey Somaliland ama qabiilada kale ee isaaqa, waxay markaa majeerteenku is tusiyeen in ay tani tahay fursad lagu wiiqi karo qalqalna lagu gelin karo dagaalna ay ku qaadi karaan somaliland ama isaaqa kale laascaanoid iyo maalaha kalena la hunjuumo iyadoo Caare iyo ciidankiina layska hor marinayo,halka Isaaqu ay nabad dhexdiina ka dhaliyeen idiina xasilieen taas waxay cadeynaysaa Sida lakala yahay gobanimada ay isaaqu sabeeyeena waxay kuu cadeyneysaa inaanay munaafaqiin ahayn fidbadana halkeeda lagu qabto si aanay usii fidin,,
    Aan kusoo noqdo Arintii iyo siday ku danbeysey Arinkii caare iyo sida majeerteen ugu hungoobay fidnadii ay la maaganaayeen isaaqa kale iyo isku dirkooda.
    Caare wuxuu ku adkeystay in aanu wareri doonin dadkiisa somaliland aanu dhexdooda aanu fooda isu gelin doonin keliya Dowlada inuu la dagaalami doono, arintaas oo weji gabax iyo lama filaan ku noqotay majeerteen maadama ay markii hore xisaab khaldan isku dhufteen oo ahayd Isku hebi kadibna ka faaiideeyso waana halka aan u adeegsadey Munaafaqnimo,,
    Ararow isaaqu way samayn kareen inay jabhad idinka dhex abuuraan waagii aad is dileyseen iyo hadaba laakiin isaaqu taas marnba kuma fekerin mana samayn sida idinku aad samayseen ee Ducufnimada iyo munaafaqnimada leh ee jabhad kusoo dhaweyseen Hadhcas Magaalooyinkiina,,
    Gebogebo isaaq waa ka ilbaxay in loo kala sheekeeyo waana ay ka digtoon yihiin wixii dhexdoodana sulux iyo walaal ayaa lagu dhameeyaa ogowna Aduunyada marwalba dulmi waa ka jirayaa meelwalba iyo dalwalba ILAAHAY kaliya Ayaa Cadaalad Umadiisa Gaadhsiin kara bani’aadamkuse waa nin iyo dedaalkii,, somaliland maanta 31 years ayay cagaha la geleysaa intaana walaal iyo sukux iyo isu tanaadul ayay kusoo gaadhey inshalah waana waxa ay somalida kale uga horumartay halkana kusoo gaadhay makula tahay inay sidaa u quruxbadnaan lahayd hadii qoys qoys laysu qabsan lahaa ama aad adigu jeceshahayba, jawaabtu waa maya waana ku hungoowday kuna hungoobi doontaa isku dirkaaga,,
    Maanta xaalada maheerteen maalin ay ka liidato ma jirto jifo jifo ayay u kala fadhiyaan Hagbadiina waa laysku haystaa waayo hagbadu cid gaara ayay u xidhan tahay 22years lasoo dhaafay bal iskaba iloow kuwa Aad munaafaqada iyo awrkacsiga iyo jaranjarada ka dhigataan Ee waroos/dhuloos.
    Waxa fiican qofka cidkale wax ka sheegaya bal marka hore inuu gondihiisa ama gurigiisa waxa ka socda eego, Hashu Laaca Aragtee Looga ma Ogtahay,,
    Waxaan kaga baxay ina caynaashe waxba waqti ku lumin maayo wuxu yahayna waa la yaqaan hadii adigu la dhacsan tahay nin sinjigiisaba xitaa ka cararaya oo raba inuu is dhalan roga dad iyo dal aanu lahayna sheegaya wax waxa nooca lagu tilmaami karo anigu ma garanayo waanna iska waalida Qurbaha iyo sida loogu duloobay marka xil la doonayana Xaarka la walaaqdo waana dhaqamada beryaha qurba joogta kusoo batay iyagoon waxba xeerinayn waxkastana iyo haadaan Aan hadhow la mahadina kala dhici doontaa,,
    Aduunyadana waxa ugu liita qof Gurigiisa iyo meeshii ka yimi kusoo jeesta isagoo isleh waxbaa lagu helayaa ama reer hebel iska dhaadhici waa nacasnimo weyn,,

  3. @Runsheege,
    Su’aal
    Maxaad ka dhex qabataa website-da laga leeyahay ama ka faallooda Puntland? Sababta aan su’aasha kuu weydiiyey waxaa weeye: ma jiro shaqsi reer Puntland oo ka dhex dooda amaba akhriya website-da laga leeyahay Somaliland. Xataa ma filayo in qof Puntland u dhashay danaynayo wararka Somaliland la xiriira. Iyadoo ay taasi jirto ayaa maalinkasta khaati laga taagan yahay kuwa Somaliland sheeganaya oo ka dhex caytamaya baraha lagu faaloodo ee Puntland.
    Su’aasha labaad waxaa weeye ma waxaa tahay Puntlander caashaqay Somaliland, mise Somalilander caashaqay Puntland kollay labadaas mid ayaa tahaye.
    Hana u malayn in Awlal yahay Puntlander. Waa oday Soomaaliyeed oo war derderey ama daroori.

    • Jawaabtu waxa weeye maxay websiteka Puntland laga leeyahay u soo aorta wararka Somalida kale iyo kan Somaliland ee Faysal Cali WARAABE iyo hadalladiisa, kuwaasi baa la daba socdaa, webstiteyada Yuhuudda , Ingiriiska iyo Carabta ayaa la gala, dadkuna garaadkooda waa korayaa oo wararka ayaa meelo badań laga eegaa oo Ła isu dheelli tira, haddii kale il qudha iyo Dheg qudha baad yeelanaysa, maalin walba waxaan eega; the guardian, aljazeera.com Haaretz, newyorktimes, Washington Post, maxaa kaa galay miyaa, adeer kaalay daadah dibadda soo baro, ka soo bax Puntland

  4. Kkkk 1994 wakhtigu fogaa…. war heedhe ileen ninku mujrimnimada wuu ku dhashay.

    Tan kale isaaq wey ku khasbanyihiin in ay ka walwalaan xasilooni daro ka dhex dhacda majeerteen ama guuud ahaan gayiga puntland waayo cidii majeerteen dardarta uma daahayso isaaq oo nus maalin ayey liqin. Waxay puntland iyo majeerteen u tahay puffer zone. Waana sababta ay nabada ugu seexdaan waayo dabka iyo duulaanada ka imaada koonfur masoo gaaro oo waxuu ku basbeelaa puntland.

    • Asc.
      Waa run oo puntlaan waxay soomaalilaan u tahay dhufeeys ka hor jooga sharka koonfur laga soo xawilo.Waayo koonfur waxay doonaysaa in ay soomaaliya wada gubato say u guban tahay ayadu oo kale.Haddii ay koonfur nabad rabto marka hore ayadaa is nabadayn lahayd.Qalaasaha Koonfur badan baa ku naf iyo maal waayey.Calaa kulli xaal soo ma fiicnaateen puntlaan iyo soomaalilaan oo ammaankooda wada jir uga shaqeeya?

  5. @Sitaha Libaax,

    Sidee lagu gartaa qofka Puntlander ah marka madal ‘online’ ah lagu kulmo, sida mareegtadan oo kale? Bal noosheeg.

    Midda labaad, waxaa ninkale “oday” kutilmaama, mid uu ninkaasu hooyadii qabo oo aabbihii ka dhaxalwareejistay. Sidaas ulasoco oo tilmaamaha qaar kafiirso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*