DAAWO: Hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland oo eedeymo u jeediyay Madaxweyne Biixi, kana digay muddo kororsi

Musharax Madaxweyne Xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inuu jidkii burburka lugaha u galiyay Somaliland, kaddib markii uu ku tuntay dastuurka iyo sharciga.

Cabdiraxmaan Cirro oo fagaare kula hadlay kumanaan kamid ah shacabka magaalada Burco, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu deegaanada Somaliland u hurseeday muran, iyo buuq, duulaana uu kusoo qaaday xisbiyadda mucaaradka ah, si uu u sameysto muddo kordhin.

Shacabka Somaliland ayuu ugu baaqay in aysan aqbalin sharci darro, ay u istaagaan inay badbaadiyaan dalkooda, waxaana uu intaas ku daray in aysan aqbaleyn muddo kordhin, ayna doonayaan doorashada Madaxweynaha la qabto 13 bisha November.

Madaxtooyada Somaliland ayaa dabada ka riixaysa xeer la doonayo in loogu furo axsaabta siyaasadda, taas oo si weyn khilaaf uga dhex abuurtay Baarlamaanka Somaliland, ayna si adag uga horyimaadeen xisbiyadda mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Ma Cirro-faqashbaa meesha maraya?!

    In badanna waan sheegay, aniga oo ah “madaxweynaha mandaqadda SSC”, haddana waan ku celinayaa bal in aad wax fahamtaan. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, ee min Lawyacaddo illaa Libooye-Somalia, waxa isku diraya ee ay tiiha ugu jirtaa waa wixii ay ku duntay. Waalidda ayaa waxaa lagu qeexaa “wax isku mid ah oo aad mar walba ku soo celceliso, adiga oo ka rajaynaya in ay kaaga soo baxdo natiijo tii hore ka duwan.

    Wixii ina burburiyey ee tiiha innagu riday baynu weli dabada haynaa, oo aynaan ka leexan, isla mar ahaantaana waxa aan rabnaa in aynu dawlad noqonno oo aynu ka soo kacno halkii aynu ku dhacnay, sidee marka suurtagal ku noqon kartaa? Saw marka qaaciddadaasi innaguma bannaana?

    Haddaan sii jilciyo, jamhuuriyaddii waxa burburisay waa nadaam xumo, hoggaamin xumo & maamul xumo. Bal kawarrama haddaynu maanta weli dabada hayno tii aynu ku jabnay oo 4 jibbaaran? Waxa jamhuuriyadda ka socda waxa lagu sifayn karaa “waalidaa la soo qeexay”.

    Haddaan mawduuca u soo noqdo, cirro waxa uu ka hadlayo waxbaa ka jira. Waxa ay u muuqataa in kornaylku uu dhagax laba shinbirood ku dilayo. Furitaanka ururada 2 ujeeddo oo waaweyn buu ka leeyahay sida dad badani u arkaan, oo qolodanina ka gadoodday. Waata koowaade, dee, shaki kuma jiro in ay doorasho-xaafadeedkii ay dib u dhacaso. Waayo mashruuca ururradaa lagu mashquulayaa, bay dadka qaar qabaan.

    Waa ta labaade, caad ma saarna in xisbiga “waddani” ay ugu yaraan awooddiisu wiiqmaso. Waayo dad badan oo xisbiga macne u leh baa ka baxaya oo ururro furanaya; durtabana way bilaabatay.

    Intaa waxaa dheer, dhowaan waxaa golaha baarlamaanka geli waayey xildhibaanadii Kulmiye. Tallaabadii 2aad ee ay qaadeenna waxa ay ahayd in arrin baarlamaanka dhexyaalla ay u laalaan maxkamadda!!! Waxa ay u geli waayeen waxa ay ahayd in laga cod badan yahay; oo cod in lagu kala baxo saw maaha waxa baarlamaanka loo samaystay?!

    Waxaa haddaba nasiib darra ahayd, in maalintii danbe golihii la is dhexfadhiistay; oo saw adigii shalay ka baxay maaha maxaa maanta ku keenay lama orane waa loo oggolaaday.

    Gunaanadkii, xisbiyada Waddani & UCID hal su’aal baa hortaalla. Haddii, abtiyaal, idinka oo baarlamaankii aqlabiyad ku leh oo guddoonkiina haysta sidii la doono la idinka yeelay, sidee baad doorasho madaxweyne ku soo dhacsan kartaan??? Maxaase arrin baarlamaanka u yaallay, maxaa maxkamadda u geeyey? Meesha kornayladu idinkala ciyaarayaan ka ciyaara ama siyaasadda ka baxa oo raggeeda ku wareejiya, yaqaanna luuqadda ay kornayladu ku hadlaan.

    • Waa wax laga xumaado , in ninkii Baarlamaanka haystey 11 sano ee aan waxba ka qaban horuumarka sharciga iyo Demoqraadiyada, ayaa “maanta leh dadow kaca”. Lacaktii ay Qatar soo Bixisey ee uu la qabsadey Faisal -waal, bal hala weydiiyo Ciro sidey u qaybsadeen.????😋😋😋😛

  2. Annagu haddii aynu Soomaali nahay, waa xaqiiq in aynu dunida kale uga tirsannahay cawaan aan abidkood caalamka kale lajaanqaadi karin oo iyaguna israaci doonin. Runtiina, zamankan aynu kusugannahay waa mid aad uga duwan kii casrigii uu dagaalkii qaboobaa dunida hareeyay – siyaasad, dhaqaale, iyo cimilad ahaan intaba.

    Waddamo ay mandiqadda Soomaaliyeed katirsantahay oo waagaas 50% yaabis ahaa, maanta 90% saxre ayay isu beddeleen. Bacrimidda ciiddooda iyo waxsoosaarkooda dabiiciga iyana 90% ayay isdhimeen oo quudka iyo waraabka ayaa diiqad xun ka geli doona mustaqbalka dhow. Quwadihii waxsoosaarka iskaga filnaana maanta kheyraadka caalamka sookoraya ayay u wada baahdeen oo usoo wada qamaamayaan.

    Geeska Afrika iyo Afrikada guudba marka loofiirsado, waxaa kahirgalaya isxulufeysi dib la iskugu shaandheynayo qowmiyaduhu sida ay cadwadaag iyo caqiido-wadaag u yihiin iyo inta ay dhul iyo kheyraad hanan karaan.

    Dadka iqtisaadka wax ka og, way garanayaan in dad iyo dalkiisuba caalamka cadkooda dhaqaale kaga goosan karaan oo keliya haddii ay caddad iyo ciid ahaanba qummaati iskugu filan yihiin. Marka ay dhaqaalaha dunida noqotona, bahalba kan uu kasii weyn yahay ayuu dudduub uliqaa oo la isuma miliqsado.

    Soomaali-kala-maqanna, waxaa looyaabaa marka iyada oo weli cawaannimadan iyo iskala qoqobkan reereed ku jirta ay hareereeyaan qowmiyado iyada 20 jibbaar kasii ballaaran oo dhul keeda kasii bacrinsanna oo kasii baaxadsanna isku kala fidiyay.

    Haddii aysan danaheeda garanin oo sha’nigeeda, siyaasaddeeda, qaddiyaddeeda, iyo mandiqaddeeda inta goori goor tahay heer qowmiyadeed iskugu dubbaridanin, shaki kuma jiro in ay toos u tafiirgo’ayso aakhirka dambe.

    Duul dadka ugu dulleysan oo haddana islaqabweyn adduunyada Soomaali baa laga hayaa. Waaba inta la isu jiffa-jiffeeyo, qaran iyo axzaab qaran ha la iskugu faano!

  3. @Awlal
    Bal is qabadsiiyoo waxan oo khatar ah ee sidaad qabto Ku gadaaman soomaalia waxa uga xidhan Somaliland?
    Jabuuti bal ka dhaadhici soomaali khatar baa kusoo waajahan.
    Waxay kuugu jawaabi annaga Jabuuti ayaa Lana dhahaa,belona ma ogin,Somaliland-na sidaa uun bay Ku odhan.
    Hadii Somaliya aad ka hadlayso maaha inàad kuladoo galgalato soomaali,kana dhigto sha’ani soomaaliyeed ee Ku ekee arrin Somalia.
    Midda kale maxaan samato bixinta cadowgayga ka faaiidayaa?
    No thing.
    Hayaay cadow baa innagu soo maqan
    Hayaay
    Sheeko khayaal
    Cadow aan soomaali isku ahayn miyaaba jira?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*