DAAWO: ilaa 10 ruux oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho, & cida lala beegsaday

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeryooday, tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay wadada 21, October ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa dad ku geeryooday ay isugu jireen Askar kamid ah ciidanka DFS, iyo dad shacab ah oo wadada marayay.

Sidoo kale, Gaadiid isugu jira xamuul, nooca raaxada iyo bajaaj badan, ayaa ku burburay qaraxan, iyo sidoo kale ay dumeen goobo ganacsi oo meesha qaruxu ka dhacay ku dhowaa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo xustay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen dad cadaan ah, oo aysan sheegin meesha ay ka tirsan yihiin.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Al shabaab waa urur argagixiso ah,ciddii aan magaceeda ugo yeerin,waa warbaahin qaadan,.
    Caasimada online.
    AllBanaadir.
    Puntland times,
    Jowhar.com.
    Hiiraan online.
    War website dan Soomaalida war war magaca runta ah ee kooxda sheega.
    Qaar la wada ogyahay baa xayeysiin u sameeya,argagixisada wuxuushta ah.kuwo kale oo badana waa jiraan,kuwani waa tusaale.
    Dhiiga Soomaalida ay banaysteen iyo hantida dadka Soomaaliyeed,xaqiiqada waa taasi ee war dhab ah sheega.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*