DAAWO: Juxa “Farmaajo iyo Kheyre, dadka Soomaaliyeed cafis ha weydiistaan, Magdhowna ha bixiyaan”

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha XFS, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ay meesha ka saartay go’aankii 2017kii, ay Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in go’aankaas iyo dhiibistii Qalbi-dhagax ay aheyd nasiib darro weyn, iyo khiyaano Qaran, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre inay dadka Soomaaliyeed cafis weydiistaan, sidoo kale magdhow bixiyaan.

PUNTLAND TIMES

18 Comments

  1. 𝐌𝐈𝐃𝐊𝐀𝐀𝐍 𝐌𝐀 𝐃𝐎𝐂 𝐊𝐀𝐘𝐄𝐄𝐑 𝐁𝐀𝐀? 𝙈𝙄𝙎𝙀 𝙃𝘼𝘿𝙐𝙐 𝙎𝙊𝙊 𝘽𝙐𝙍𝘼𝘼𝙍𝙐𝙂𝘼𝙔 ?

  2. juxaa waa raga fara ku triska reer puntland.Isaga Juurile iyo Deni waa taageera meel fog bay wax ka eegaan waa ninka yiri puntland waxba laynima ogola ee tashada qaadano co-federation caymaleha waa xariir boowe

  3. @@@Darwiish

    Juxa waad aragtaa mowqifkiisa iyo sida uu uga soo horjeeday dhiibistii Qalbidhagax, waxaanan filayaa inay ahayd sababtii markii dambe uu xilka ku waayey.

    Dhiibista saraakiisha ONLF waxay ka dhacday geyiga Soomaalidu degto oo dhan — min Jibuuti ilaa Xamar, waxayna ahayd calaamad muujinaysa sida Soomaalidu u gumowday markii ay ku dhacday dowlad la’aan iyo tafaraaruq.

    Caddaani Hirmooge warbintiisa wuxuu ku sheegay tiradii xubnihii iyo sarkaakiishii ONLF iyo meelihii laga dhiibay:

    •Muqdisho: dhawr sarkaal
    •Puntland: 30
    •Galmudug: 31
    •Jibuut: 74
    •Somaliland 250 (dumar ayaa ku jiray)

    Sababta Xamar ugu yar tahay waxaa ahayd in aan cid gaar ah Xamar oo dhan ka talin jirin oo qofku u baxsan karay xaafado uu ku dhuuman karo. Xamar waxaa ONLF iyo wadaaddada ka qaban jiray qabqableyaashii dagaalka oo lacag dhaafsan jiray.

  4. Juxoow, buuggii “anshax xumada ahaa” ee aad qodhay raalligelin ummadda maka siisay?!

    Haddaan arrinta Qalbi u soo noqdo, adeerkaa Faroole ayuu ahaa ninkii yidhi, “Ogaadeenku waa laa jiyiin.” Mase isweydiisay sababta Qalbi looga dhiibi waayey Baraxley, oo ahayd meesha lagu qabtay, ee Muqdisha dib loogu soo celiyey? Ma waxa aad rabtaa in aan ku ciyaarno muusiga ay hadda garaacayaan isla reer “Baraxlaydii” ninkan Gaalkacyo ka soo qabsaday markii sii horeba? Ma intaas baa ololihii doorashada idiin kaga hadhay?

    Intaas waxaa dheer, anigu Juxa hadalkiisa wax ka soo qaadi maayo, laakiin waxa aan dhegaystay hadal uu jeediyey Qalbi, oo ay wax iga raaceen. Waxa uu yiri, “madaxweynaha waxa u tagay xildhibaano kala hadlayey arrinkayga ka dib dhiibistaydii, oo Farmaajo uu ku yiri ninkaas aniga ayaa dhiibaye igala hadla magtiisii.”

    Haddaba, Umalayn maayo in xildhibaanada uu sidaa ku yidhi madaxweynuhu, odhanna maayo Qalbi been buu sheegay, waayo laba dhacdo ayaa jirtay. Midda hore, madaxweynuhu waxa uu ayiday go’aanlii baarlamaanka ee la xiriiray kiiskan, mar BBC-du Addis-ababa wax kaga weydiisay kiiskanna waxa uu yiri waxa aan aamminsanahay go’aankii baarlamaanka. Midda labaad waa dhacdadii Cabdi-Xaashi ka markhaati kacay in kiiska uu atoore ka ahaa “Sanbalooshe” oo ku magacawnaa sirdoonka qaranka.

    Marka aad haddaba labadaas dhacdo eegto, majirto sabab uu madaxweynuhu u yidhaahdo aniga ayaa dhiibay Qalbi. Tan kaliya ee laga fahmi karaa waa in uu masuuliyadda kuwa ka hooseeyey faleen dusha u rito oo uusan cidna farta ku fiiqin (sidii kiiskii Shariifka ee badda) oo sidaa eedda dusha u saarto maaddaama uu usagu waddanka madaxweyne ka yahay. Sidaas baa aniga iiga soo dhex baxday, aniga oo aan difaacayn Farmaajo, waayo labada nin waxaa dhalasho ahaan iyo deegaan ahaanba i xiga Cabdi-kariin Muuse. Markaa marrabo in aan duudsiiyo xaq uu Qalbi leeyahay, laakiin waxa aan rabaa in arrintu sida ay tahay looga dhiijiyo, waayo wax badan baa mugdi ku jiraa oo isdul saaran waana in la iftiimiyaa oo la kala hufaa.

    Gunaanadkii, waa run oo masuuliyadda waddanka waxa ugu horreeya ee dusha u ridanaya ama ay taabanaysaa waa madaxweynaha, oo kama gilgilan karo; laakiin, waa kiisas u baahan in aan lagu degdegin oo olole doorasho laga dhigan ee loo dad badsado.

  5. SALAAMU ALEEKUM

    JUXA is the most nationalist of all great SOMALIA. He is one of the pioneers in the political affairs of PUNTLAND.

    ONLY DR. Mariam and Juxa are the only ones who have refused this predicament which the hero of Qalbi-dhagax faced. OMAAR was a puppet who was barking under the feet of XAAR FARMAAJO.

    DR. MARRIAM whenever she talks about the reality, she loses her job. I remember one time, she visited PUNTLAND. She was the Ministry of Education under the reign of GARUURTE. When toured the development of the PUNTLAND Education Sector, the school buildings and over-reviewed the curriculum syllabus, then when she went back to MUQDISHU. She made press conferences, congratulating PUNTLAND on the level of Education they have achieved and urged all other states to take PUNTLAND as PILOT for education progress and development.

    However, instead of praising, DR MARIAM lost her job. why, because she praised PUNTLAND progress, development and peace.

    GUULEEEEEEEEEEEEEEEEEEESTA

  6. Somali state Itoobiya iyo dadka Ku nool inay asal ahaan soomaali yihiin,balse dalkooda yahay Itoobiyo cid diidan miyaa jira?
    Wax raali-gelin laga dhiibo ma arko,sababta oo ah dadka la dhiibay dalkooda loo dhiibay.
    Juxa iyo beeshiisa raali-gelin ma ka dhiibeen xansuuqii koonfor iyo Xamar ka dhacay ee ciidanka Itoobiya geysteen,ayadoo Yey adeegsanaayo?
    Yey ayaa wariye BBC su’aalay:dadka soomaaliyeed cafis ma ka dalban intu noolaay?
    Wuu iska diiday asagoo si jees jees ah u yiri: Marka la helo dambi aan falay!!!

    Farmaajo wax qaran dhaawacaya ma samayn,ONLF-na dalkooda waa Itoobiya.
    Somaliya hadii muwaadin soomaali American amaba British dawladahaas soo dalbadaan waa loo dhiibaa,ta ONLF waa lamid

  7. Juxaa Soo midkii buugga qoray oo SSDF markii uu ahaa ka sheekeeyey in Habar Amxaaro ah hoosta u leefi jiray maa ahayn?nacalla zinjigaaga ku yaal.

  8. Haday cidi magdhoow laga rabo iyo cafis ba. Madaxwayne yaashii soo Marat Puntland oo Faroole ka mid ahaa Juxoow, bay tahay inay bixiyaan mag. 300k oo ugaadeen ah bay intay soo jirdilaan u gayn jireen TPLF. Reer Kilin ka 5aad yaa ma iloo bayaan abid

  9. @Hillaac, Jubbalander, Ally m,
    Haddii Juxaa naag dhabay “so what”

    Ninkii neceb iyo kii iska niiclaynayaa ha iska hadleen oo waxay doonaan ha sheegaan laakiin juxaa waa halyey qaran oo farku tiris tahay isaga oo kale waxaana taas caddeeyey Qalbi-Dhagax laftiisa oo sheegay inuu xilkiisa ku waayey xarigga Qalbi-Dhagax awgiis.
    Tankale kuwa sida Hillaac maalinkasta marka Juxaa hadlo yiraahda naag Itaabiyaanuu la seexday waxaan oran lahaa raggoo dhan ayaa naagaha la seexda xalaal iyo xaaraan kay noqotaba. Ninkii liishaan toosanna taas waa og yahay kiise waaya wax uu naag la aado ayaa meelahaas ka yiraahda hebel ayaa beri naag la seexday illaa isagu waxba iskuma hayee.
    Waar orda daawooyin qaata haddii uu idiin shaqaynwaayey, ragga wax isku hayaa nin wax dhabay kama daba quuqleeyaane.

  10. Libaax Mukulaal,
    Juxa isagaa banaanka soo dhigay Howla hiisa gaar ah,xaq ayaa u leenahay in aan ka falcelino si fadeexadaha ay u noqon wax bushada dhexdeeda caadi ah.
    Hadii sharci iyo kala danbayn jiri lahayd gudiyada anshaxa islamka ayaa la horkeeni lahaa.

  11. A lot of these people who are leaving comments on this page seem like people who are getting paid by the Farmajo Propaganda machine. I think the best thing Puntland should do is leave the fake federal system and request the international community to take Somalia back to TFG status. Mogadishu is not ready for Federalism. They want centralism and the people that are getting elected in Mogadishu as President are Anti-federalism. Puntland needs to stop this craziness and get out of this mess before it is too late.

    • Afka hooyo ee wax ku qorijirtay suuq kuu yeelanwaa marka afka khalaad ayaa la soo baxday soow mahan? What a windbag!

  12. Afka hooyo ee wax ku qorijirtay suuq kuu yeelanwaa marka afka khalaad ayaa la soo baxday soow mahan? What a windbag!

  13. Ally m,
    Libaaxu waa “cat family” ama farac ka qabiilka mukulaasha. Mukulaasha ayaana ah midda libaaxu ka soo tafiirmay.
    Aniguna ma kala jecli libaax ama mukulaal.
    Denbiga Juxaa galay waxaa ka xun kaad adigu ka gelaysid. Hadduu Juxaa sinaystay, sinadu waxay u baahantahay inuu alle uga towbad keeno oo keliya, allena waa qafuuru raxiim. Laakiin adigu dembiga aad Juxaa ka gelaysid ee ah xanta iyo ceebaynta wada socda waa mid u baahan in aad Juxaa u tagto oo cafis weydiisato, si kale looma cafiyo waxayna taasi ku xusantahay diinteenna wanaagsan. Waana dembiga alle yiri: ma doonaysaa inaad cunto hilibka walaalkaa oo dhintay.
    Juxaa waxaa ka xun oo ka dembi badan kuwa maalinkasta faallada beenta iyo mala awaaka ku salaysan shakhsi ama qabiil ka qoraya.
    Tan xagga rag iska celiska, waxaan anigu oran lahaa ninkii Soomaaliya ee kufsada gaalad Amxaaro ama Tigree ah waa ku saxan yahay waayo qaniinyo ayaa qaniinyo ka fujisa, ayaguba maalinkasta waxay kufsadaan maxajabad Soomaaliyeed ee maxaa diidaya in kuwooda si le’eg la yeelo. Marka dagaalku socdana waaba mubaaaaaax kuwoodu.
    Waar ordoo duulka ka fara qabsada meesha ceebi ma taaleh (waa gaalo cadow ah).

  14. Libaax ina Mukulaal ayunbaa ka waday ee waxkale ma aha.Diinta khalad ha ka galin. Waa khatar. Juxa isagaa sheegay wixiisa aniga waa un kuceliyay waayo waa nin layaqaan.Waxa ugu wayn isagaa book ku qoray micneheeda aad ayuu uga fikiray go,aan ku gaaray qoro, bulshada u soo bandhigo.
    Arinta nuucaa ah waad garan waxay diinta ka qabto. Dacwadaha waxaa ugu fudud midda eedaysanah qirto bilaa qasab.Hada xitaa dad kale ayuu eedaynaa sow maha?
    Markay arimaha halkaan garaan waa laga firiistaa la dhuuntaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*