DAAWO: Madaxweynaha Somaliland oo dhowaan u safraya dalka Mareykanka, Muxuu yahay ujeedka safarkiisa?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u socdaalaya dhowaan dalka Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Somaliland.

Wasiir Dr. Ciise Keyd Maxamuud, oo maanta la hadlayay Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku mashquulsan tahay safar uu bisha Maarso, Madaxweyne Muuse Biixi ku tegi doono dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa ka warbixiyay safari uu ku tagay dalalka Mareykanka, Canada iyo UK, waxaana uu sheegay inuu kala hadlay hormarka dilmuquraadiyadeed iyo dhulka Istiraatiijiga ah ee Somaliland ay dhacdo.

PUNTLAND TIMES

23 Comments

  1. Maanta, walaalaheenna qaddiyadda Somaliland kumintidsan ayaan ku baraarujinayaa sababaha aasaasiga ah ee aanay qaddiyaddan udhaboobi karin.

    1. Qaddiyaddu waa mid qowmiyadda Soomaaliyeed oo weliba 100% muslim ah iyo mandiqaddeedaba qummaati faash uladhacaysa oo kaladhambalaysa; lidna ku ah oo jebinaysa amarka Rabbi (SWT) iyo Rasuulkiisa (SCW) ee muqaddaska ah ee faraya midnimada iyo wadajirka Ummadda Islaamka.

    2. Qaddiyaddu waa mid Soomaalinimadeenna faash la dhacaysa oo siwalbana udhaawacaysa; sixunna u curyaaminaysa cuduuddeenna qowminimo xilli ay nagu hareereysan yihiin, naga ag yoomayaan oo dibna usoo labakacleynayaan qowmiyado nacab soojireena inoo ahaa oo u dhaarsan in ay ina tafiirgooyaan oo mandiqaddeennana dhaxalwareejistaan.

    3. Waa qaddiyad aanay aaminsanayn 99% beelaha dega geyigaas taariikhda Soomaaliyeed iyo tan Islaamkaba qiimaha iyo qaayaha weyn kuleh ee aynu aadka ugu faanno oo difaac adagna usoo galnay muddo aan 7 qarni kayarayn.

    4. Waa qaddiyad aan dhaboobi karin marka lagu saleeyo hannaanka iqtisaaddiga iyo dawliga ee caalamka ka shaqeynaya, maadaama Somalilandta 70,000lm2 oo keliya ah aysan oofin karin shuruudaha adag ee aqoonsiga dal cusub oo dunida kusoo biira.

    5. Waa qaddiyad Soomaaliyada kala qaybsantay dhulka la geli doonta maadaama ay Soomaalidu sideedaba ka ciilantahay curiyeyaasha iyo kaabayaasha dhaqaale kuwooda uugu muhiimsan ee sida:

    (i) caddadkeeda iyo tayada taranka oo ay sixun ugu liidato.

    (ii) cilmiga oo ay aad ugu liidato oo aysanna qowmiyadaha iyo waddamada kuhareereysan kula tartami karin.

    (iii) in aysan lahayn kheyraadka qeyralcaadiga (macduunka) ee qaaliga ah.

    (iv) in dhulkeedu 70% yahay yaabis aan waxsoosaarka beereed kufiicnayn.

    (v) in isbeddelka cimileed sii galaafan doono tayada ciiddeeda iyo biyaheeda oo aysan iskufilnaansho taam ah ka gaari doonin nolosha aasaasiga ah.

    6. Waa qaddiyad qowmiyadaha Soomaalida kasii jibbaaran ee baabba’eedana damacsan guddoonsiinaysa fursadihii ay qummaati ugu ciribtiri lahaayeen maadaama ay sikasta uga tiro iyo tayo sarreeyaan Soomaali xataa iskudduuban oo qaran qur ah wadaagta.

    Sababahaas gundhigga ah iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi karin ayaa qaddiyaddan Somaliland kayeelaya mid istraatiji ahaan qaldan oo aan yeelan doonin manjo ay isku dul taagto oo kuna dhaqaaqdo. Waa qaddiyad Soomaalinimada iyo Soomaaliba wadnaha katooganaysa ee lagu wada khasaari doono.

    • @ Awlal,

      Horta waxaan rajeynayaa inaad nin weyn oo mutacalim ah aad tahay markaan u fiirsaday sida aad wax u qorto.
      Adiga iyo ninka Arar la yidhaahdo isku qaab baad wax u qortaanoo waxaabu shaki iga galaa inaad hal qof oo laba qof iska dhigaya aad tihiin.

      Si kastaba ha ahaatee, marka aynu isku nimaadno waaqaca, cid waliba way ogtahay in midnimadu ka fiican tahay kala go’a laakiin suaashu waxay tahay, kala go’a ma duruuf baa keentay mise damac?
      Waxaad ogtahay- ka reer waqooyi ahaan anoo kuula hadlaya- inaanay reer Soomaaliya sidii aynu ugu lisnay inoogu hanbaynin markii la midoobay, ilaa iyo maantadaas oo waqooyigii sababtaas awgood uga go’ay ay weli aaminsan yihiin in xukunka dalka ay iyagu iska leeyihiin oo iyagu isku dhiibdhiibaan.
      Iyadii oo markii horaba la isku khilaafsanaa sidii wax loogu qaybsan lahaa waqooyi iyo koonfur ayey hadana iyagii 5 dawladood iska sii dhigen bilaa tashi, reer Waqooyigigiina ay farta ugu yeedhayaan in gobol iyaga ka mid ah sida Galmudug ay la mid noqdaan qasab.
      Taas micnaheedu yahay reer waqooyi oo dhan ha ka qaateen dhamaan dhaqaalaha, xilalka iyo wax kastoo kalaba inta Galmudug ka qaadato.
      Gaaladu tan waxay ka yidhaahdaan, ” Adding insult to injury” oo ah ” Dhawaacii hore laguu gaystay oo laguu darro cay iyo quudhsi”
      Tani waxay noqotay ” the last straw that broke the camel’s back” ama ( Awrkii rarka laga badiyey, shaygii ugu dambeeyay ee la saaray ee dhabarka ka jebiyey.
      Rajjo wixii midnimo laga qabay taas ayaa dhabarka ka sii jebisay.
      Isweydii maanta Puntlandta aad ka tirsantahay ma ogoshay inay dawladnimadeeda ka tanaasusho, xamar ku biirto oo dabadeed Waqooyi iyo Koonfur wax loo qaybsado? Waa maya.
      The only way ay Puntland Soomaaliya kaga sii mid ahaanayso waa iyadoo Federaalku jirro, the only way Somaliland lagula negotiate gareyn kari lahaana waa in khaladkii 60 kii la saxo.
      Markaa hadii aynu si waaqici ah u wada hadalno,yaa diiday oo dilay midnimadii oo hadana afka ka raba?
      Maahmaah suuqi ah ayaa tidhaahdo ” Hebli in la waxeeyana way rabtaa, jidkeediina ma hayso”

      Arrin kale oo muhim ah ayaa jirra, dadka ku nool Sool iyo Sanaag bari iyaga laftiigoodu waxay rabaan midnimo ku dhisan Waqooyi iyo Koonfur ee ma rabaan wax intaas ka hoosaysa. Markaa dan baa tidhi arrinkee damac muu odhan

    • Marka ugu horreysa Awlal waan u mahadnaqayaa aniga oo ah dadka aaminsan goonni isu-taagga Somaliland, waxyaalaha aad ka hadashay qaar waa kugu raacsanahay
      1- In Somalidu isku mid tahay, kala qaybintooduna dhib badan tahay oo dhulka wada leedahay. 2. In cadow badan qowmiyadda Somalidu leedahay iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin in midnimadu cudud tahay waase hadday midnimo caddaalad iyo sinnaan ah tahay.
      Haddaba horta ta aad leedahay waa dal yar, haddii la aqoonsado waxaa Somaliland ka weynaan doonto ugu yaraan 10 dal oo dunida maanta ka jira sida: Vatican City, Republic of San Marino, 3- Republic of Nauru 4- Republic of Marshal Islands 5- Republic of Maldives 6- Malta, xataa Djibouti iyo Qatar baa ka mid ah.
      Tan aad tidhi Kheyraad ma leh, adeer waa leedahay dhulka hoostiisu waa buuxaa, baddiisu waa buuxdaa, meel xasaasi ah oo marinka ugu weyn maraakiibta buu joogaa, dhulka beeraha biyo haddii la helo waa la beeran karaa, human resource waa la hayaa. Adeer waxaasi ma madhacayaan lama odhan karo oo nothing is impossible under the sun.
      Intaa haddaan kaga gudbo qodobadadaada, adeer halkee lala midoobaa, ma Farmaajo ayaan madaxweyne ka dhigan karnaa, oo Jubbalanad iyo Puntland diideen oo aqoontiisa, kartidiisa, beentiisa, xukun isku dhejinta, isticmaalka cayayaanka bulshada, iyo inta ugu liidata bulshada ayaan madax ka dhigannaa iyo Fahad Yaasiin iyo caruurta Qaroole iyo Odowaa oo kale, ma hablahayaga ayaan ka dhignaa Ikraan oo kale iyo kuwii laga soo tuuray fooqyada hudheelada, adeer ma sidii Mujaahidiinta ONLF baa Amxaaro naloo dhiibaa, ma Mahdi Guuleed baa badhasaab nalooga dhigaa iyo Lafta Gareen. Alhamdullilaah wallaahi waa habaar habaar habaar, Illaahow habaarka Somali ku dhacay ka saar annagana waxba hannoogu darin, waar Puntland baa la qaatay oo waa isku darsan karnaa waana isku dhowdhownahay, waxna kuma kala duwanin xataa DNA waa isku mid, laakiin koonfurta adeer Somalinimo hanaga dhaxeyso.
      Gebagebo: Haddii Somaliland la aqoonsado waxay badbaadin doontaa qowmiyadda Soomaaliyeed oo meel lagu cararo laga shaqaysto bay noqon doontaa, Alla Mahad leh

  2. ‘Dhulka istaraatijiga ah’ ma la beecgeynayaa? Waa haddii uu ka badbaado damaca Abyssinia.

    @@@ Runsheeg aka Ahmed Shiine

    Kkkkkkk… Dhibta idin haysata ee aad 30 sano u la’dihiin aqoonsiga Labo-jawaanley waa caadifaddaas iyo dhirifkaas. Bal eeg inta aad rafatay ee balqan iyo duuf daadisay!. Waxaa xaqiiq ah in cayda qayaxan aanay ilko lahayn laakiin naqdiga ku dhisan xogogaalnimada iyo taariikhdu uu wareento yahay oo xanuun badan yahay, waana midda dhiigga kugu karisay.

    Anigu Isaaq iskuma diro dhexdooda laakiin markii aad isku daydo inaad madax isu geliso reer Puntland amase Hawiye iyo Daarood, gaar ahaanna xukuumadda Farmaajo, ayaan idin xusuusiyaa in haddii cidi halis ugu jirto inay islayso ay tahay idinka — marka la eego dhaqankiinna iyo taariikhdiinna. Shalay waa kii Faysal Waraabe ku eedaynayey Muuse Biixi inuu Somaliland dib ugu celinayo 1994 (dagaalkii Maryo-alool).

    Taariikhda ayaad been ka sheegtaan, matalan, jihaadkii Darawiishta oo waa adigii shalay Sayid Maxamed ku sifeenayey ‘shufto’, markaas ayaan difaaca. Midowgii labada gobol ayaad been rakhiis ka sheegtaan. Maxamee Siyaad oo — marka laga reebo Xamar — degaankiinnu ahaa kan labaad ee uu wax ka qabtay ayaad been iyo abaal-ka-dhac ka sheegtaan, isla markaana ugu dartaan aflagaaddo aan waxba idiin tarayn. Dagaalkii SNM baad been ka sheegtaan oo buunbuunisaan. Marka, wax kasta oo aad sheegtanba oo doonaysaan inaad dadka ku marinhabaabisaan, haddii la idin ku yiraahdo sidaa ma aha, illeen afka ayaad abur ka keenaysaan!

    Tan kale, mar kale ayaan celinayaa: waxaad dadka ugu cunsurisan, oo ugu gumeysi iyo xaqiraada badan beelaha la haysooco waa idinka. Kuwa degaanka idinla wadaagana waa kuwa ugu dambeeya dhan walba beelaha Soomaaliyeed ee haybsooco. Bal car sheeg nin amase gabar xag aqoon amase darajo ciidan meel gaartay oo beelahaas ah oo kasoo jeedda Burco amase Hargeysa? Maxaa xaafadahooda ka dhigay iskuraran (slums) ay ku baahsan yihiin faqriga iyo tacliin la’aantu?

    Arrinka Oromada, sidaan hore u sheegay, sheekadii iigu yaabka badanayd waxaan ka maqlay Xasan Cabdi Caynaanshe oo hal saac ka badan arrinkaas ka hadlaya. Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa: “Wax badan baan ka aamusnayn; Isaaq wuxuu u qaybsamaa sagaal lafood oo siddeed ka mid ah ay kasoo jeedaan Oromo, lana yaqaan xilligii ay dalka yimaadeen. Magaca Isaaq, oo aan muslimiintu la bixinna waxaa keenay ninkii dadkaas madaxda u ahaa.”

    Waxaan kale oo Youtube ka daawaday nin aanan magaciisa aqoon laakiin aan filayo inuu yahay ragga caanka ah oo SNM usoo dagaallamay oou jawaabaya nin Jibriil Abokor ah. Wuxuu yiri, “Waar waa iyadii la idin yaqaannay weligeed oo aad Jaarso (qabiil asal ahaan Oromo ah laakiin Af Soomaali ku hadla) ahaydeene, goormaad Isaaq noqoteen?” Marka idinka Isaaq ah dhexdiinna aad sidaas aamminsan tihiin maxaad dadka kale ku eedaynaysaan? Waxaan hubaa in aan arrinkaas ku koobnayn labadaas nin.

    Haddii aad duri doonto Xasan Cabdi Caynaanshe, waa nin waayoarag ah oo aftahan iyo siyaasi ah; inta daawata videoyaashiisa ay markhaati kici karta. Dhawaan wuxuu u tartamay kursi ah Aqalka Sare doorashadii ka dhacday Xamar. Doorashada oo ay ku guuleysteen dad laaluush badan bixiyey oo la watay, wareysigii uu ka bixiyey wuxuu ku jiraa Youtubka. Sida aan ka fahmay hadalladiisa waa nin reer Burco ah oo Habar Yoonis ah.

    • @@@A,ARAR,
      Marka hore ma ihi Ahmed shiine ninkaas waxa muuqata inaad ka werwertaan kuna qarawdaan waar ninku bahdii buu idinka saaray,,
      Ahmed shiinow odeyaasha Jaqaaq baad kaga siisee Ka yara debci kkkk,,
      Ararow maantaan ku ogaaday inaad nin madhan tahay waxa kaa buuxaa keliya naxli, xigdi, xaasidnimo iyo u quudhi,, waxaad maanta lasoo shir tagtay Caynaashaa sidaa yidhi, waxaa fiicnayd inaad ninkaa eheladiisa waraysato bal nooca uu yahay iyo bal inuu miyir qabo iyo inkale,, waxa xaqiiqa inaad mardanbe ninkaa magaciisa soo qaadeen adna waxaad tidhi isaga noo wax noo sheegay im deeply sorry for you budy,,
      Ninkaasu cidna ma cafiyo wuxu doono ayuu ku hadlaa laakiin cidi kama hoos qaado, wuxuu u waashay in xil loo dhiibo dhinaca somaliland iyo somalia’ba wixii ka raacayna waa la ogaa, taasu waa taa waxaana kugula talinayaa in aadan caqliga isaga ciyaarin dadka noocaas ahna aanay caqligaaga ku ciyaarin,,

      Ka rogoo hadana saar,
      Aan usoo noqdo hadalkaaga waa iska wixii lagugu bartay iyo been qayaxan iyo naxli iyo xiqdi intaas uun baad markale noo dhurtay,
      1- siyaad xoolo uu leeyahay anaga namuu sii xoogayaga ayaanu kula soo baxayney sideedana waqooyigu markii xitaa lawada joogay ex somalia waxay iska ahaayeen Gaar oo dhaqaalahooda iyo arimahooda u gaarka ah way iska wateen ilaa markii danbe maalkoodii iyo kartidoodii Faqash ka yaabtay markaas ayaa lagu bilaabay cunaqabatayn, iga rumayso dhaqaalaha uu isaaqu samayn jirey ayuu kala badh ahaa wixii dowladii Afweyne wax ku kala dabari jirtay rag badan oo qirayana waa ka heli kartaa YouTube,
      2- ina abdule hassan iyo daraawiish,
      Markii la bilaabay ragii ugu cadcadaa ee weliba xaga aqoonta iyo maalkaba horta isaaq ayay ahaayeen sababtuna waxay ahay halgan dhaba oo dalka iyo dadkaba u dagaalama ayay doorbidayeen nasiib daro sidii ay u malaynayeen markii ay arkeen in laga weeciyey isaaq badan baa ka hadhay weliba ragii sare ahaa gabayo badan oo uu ragii
      ka tagay uu ugu hanjabayo hadaan mid kuusoo qaado waxa ka mida INA SHIXIRIYOOW ARKI MAYSID INAMADAADII, waxa la sheegaa inuu laayey wixii ina shixiri uu dhalay iyo rag ay isku qoys ahaayeenba, waxa markaa wixii ka danbeeyey cadaatay in xaaladii isu bedeshay shuftanimo in xoolihii umada la boobo waxna la dilo si shufto nimo ahna magacii daraawiish lagu shaqaysto, qabiiladii lagu duulo wixii la doono la laayo iyadoo qiil loo raadinayo gaala raac, calaa kuli xaal aakhirkiina meeshay martay waa laga dheregsan yahay mar rabo inaan ku dheerado daraawissh iyo fashilkoodii,,
      Waxase arinta aad u buunbuuniyey oo waxaan ahayn ka dhigay dowladii afweyne oo si qabiilaysan oo foolxun u buunbuunisay waana taad ku sirmateen adiga iyo kuwa waxaas beenta iyo propaganda ah qalbiga usii daayey, waxa la weriyaa in xitaa gabayadii ragii isaaqa ahaa kuli lagawwda masaxay buug lagu sheegay diiwaanka sayidka iyo weliba xaqiiqooyinkii jirey ama dhacay been iyo waxaan jirina la buunbuuniyey waana taa keentay in aad daraawiish lagu kala aragti duwanaado,,
      Ta SNM iyo somaliland waxay tahay iyo waxa ay ahaan jirtay umalayn maayo in aynu ku murmayno, SNM SNM waxay ahaayeen rag xaqoodii la duudsiiyey u dagaalamay kana adkaaday Daaquudkii hororka ahaa ee adeerkaa guushiina iyo hadafkoodiina way gaadheen waana taa lagu mahadiyey lana hadhsanayo midhihoodii Alah haka Abaalmariyo,,
      Somaliland 5 somaliyeed qayb ka mid ah weeye hadaad inkirto waxad inkirtay 5somaliyeed qayb ka mida waana kugu damiir xumo in xaqiiq hortaada taala istifhaahdo bal qari oo xaqir oo isdiidsii,,
      Hadaan maanta ku weydiiyo xuduuda Xabashida buuhoodle dusha ka marta ma aqoonssntahay HAA ayaad iigu jawaabi, laakiin hadaan ku idhaahdo ta somaliland iyo Somalia ee garoowe agteeda marta ma ogoshahay MAY ayaad lasoo boodeysaa, laakiin labadaba gaal ayaa dhigay somali weeye wuxu kala dhex dhigay waana isla gaalkii ingiriis,, suaashu marka waxa ay tahay maxaad ukala jeclaatay gaalka labadaaba xuduudood dhigay midna aad u xaaraantimaysay midna u aqbashay????????
      Any way araow xifaaltanku waa halkiisa laakiin beenta iyo munaafaqada ee meelahaa la warergayso cidi kaa dhegeysan mayso aflagaadadana adiguun bay wax kuu dhibaysaa cidna wax ma yeeli kartid,
      Youtubka waxa ku jira rag qabiiljaaga ah oo ku dhaaranaya Majeerteen iyo jareertu waa walaalo wada dhashay mararka qaarkoodna hawiyaha ayaaba siciid dini iyo GALAAN Zanzibaari ku sheega Alahu Yaclam, waxaan uga jeedaa dacaayada ma inaan iska qaataaba mise waa in aan kaftan iyo iska xifaaltan u qaato waa taan ku leeyahay caqliga hayskaga ciyaarin waxaan jirina run ha moodin,
      Markale waxaaba dadbadani aamin san yihiin in daaroidka iyo amxaarada is falgalaan laakiin anigu ma cadayn karo saas awadeed ayaanan umad dhan waxaanay ahayn ku sheegi karin kuna toli karin,,

    • Adeer marka saadada reer SH Isaxaaq aad Jaarso ku sheegto, tolow, Koombe, Kablalax, Abasguul, Leylkase, Awrtable, maxay noqonayaan

    • Waxaa la yaab leh Jibriil Abokor oo uu ka dhashay halyeey: Suldaan Timo Cadde oo kii lahaa ” Kanna Siib Kanna Saar” Saaxirkii Kala Guuray, Sarreeyoow ma nusqaame oo xataa Siyaad Barre iyo Farmaajo halyeey Soomaaliyeed u qireen in adiga oo Leylkase ah aad ku sheegto Jaarso

  3. @@@Qardafui

    Waa sida aad sheegtay. Dadku gobonnimadii lagu yaqaannay ayey sameeyeen, waxaase kaalintoodii gabay maamulka degmada iyo boliiska. Marxuumka inta kiiskiisu dhac u dhacayo waxay ahayd in si adag loo ilaaliyo.

    Waxaa laga faa’iidaystay xilli Puntland ku mashquulsan tahay shirka Xamar iyo arrinka PSF. Reer Puntland waa inay kaladoortaan fawdo iyo caadifad qabiil amase noqdaan kuwo ixtiraama sharciga iyo dowladnimada. Haddii aan la ixtiraamin hay’adaha ammaanka iyo garsoorka, waxaa beddeli doona kuwo Xamar laga soo diro waxaana lagu noqon doonaa halkii la joogay 1991.

    • Wallaahi baan ku dhaartee nin Dhulbahante ah oo PHD samaynayey oo buuggii qorayey oo Somali ka qoray wuxuu igu yidhi” Wax Daarood la yidhaahdo waxba kama jirana, waa sheeko suubis ah, oo la sameeyey waa wallaahi, waxaan ku caddaynayaa buu yidhi aataarta , xabaalaha , magacyada, sidee nin Ismail la yidhaahdo oo carab ahi u dhali karaa Koombe , KABLALAX, HARTI, oo magacyo Oromo ah

  4. Somaliland waa dad walaalheena
    Si kasta waa inooga horeeyaaan
    Somalidii kale ba waa wada joognaa
    Ayaguna meel aadi maayaan dalkooda dowlad nimadooda Yaan laga xaasidin
    Inaga somali italiano anagii baa dhib ka bixi la dadka faraos ha laga qaado way tashteen xaasid nimo xay Tari
    Boosaaso garowe Guriceel dhuusebareeb baladweyne Muqdisho intaba dagaaala ka socdaa qabaailkaa hubeysan see ila midoobi karnaa dadkaas

  5. Somali italia waxaan xasad iyo xiqdi aheen ma haaayaaan
    Caqli maleh dowld ma leh
    Fiiri boosaaso waxa kasoo baxay Ilma diyaana lama bedeli karo kkkkkkkkkkkkkk waxaas maa dowlad aqoona ceeb looma ileen

  6. Muuse Abaal uu dhigtay baa Mareeykan kaga horreeyo oo uu la Shir tagayaa!
    Muuse Waxaa garoonka Diyaaradaha ee uu ka dego ku soo dhaweynaya oo Mareeykan kaga horreeya, Gabdho iyo Wiilal Abaarso ka qalin jebiyey oo aay macallimiin Mareeykan ahi wax bareen oo Bidexda ka wada laafyoonaya! Kkk
    Taasi waa wax qabad weyn iyo Dimaqraadiyad uu Mareeycan kaga kasbanayo soo dhaweyn iyo Qadarin weyn, Billadna wuu ku kasbanayaa odaygu! Kkk

    • Xade waa xaasid, caqligii baa ka tegay, saliidda iyo biyaha ayuu isku daray, waa Leylkase oo Somalida ~Jamhuuriyadda bay inoo soo raaceen, waa dulin ku dhex noolaa Somalida, mana noolaan karaan sida lulubada haddaan midnimo iyo been dawladda lagu samayn, waa dadkii jeelasha Siyaad Barre xiniinyaha kalbadda dadka kaga qaban jiray, caqligiisa ayaad ka garataa oo aabbihii baa ka mid ahaa, xade waa tuug waa nin wax xada, nin tiro yar ciil buu qabaa, innaga waxba innaga tari maayo kuwase innaga xiga bay xin iyo xasarad kula dhex jiraan

  7. @@@Man,

    Ugu horreyn, waan kaaga mahadinayaa in aad igu qaddarisay tuhunka aqooneed ee aad iga qabto. Marka xigana, waan filayaa in aad bogaggan lasocotay dhowrkii maalmood ee ina dhaafay, haddii ay sidaas tahayna hawraarta aynu aniga iyo Ustaad Arar hawada iskudhaafsannay ayaa marag buuxda kuugu filnaanaysaa in aynaan aniga iyo isagu isku shakhsi ahayn. Waana run oo tacbiirta aad ayaynu iskaga shabbahnaa, laakiinse dabcan isaga ayaa inbadan igaga horreeya oo aniguna daalib ayaan agtiisa ka noqonayaa.

    Tan kusaabsan dabuubta aad dooddaada usooxigatayna, waxaan halkan kaalawadaagayaa jawaab mukhtasar ah, maadaama aynaan boggan ku kala bogan karin oo doodduna baaxadweyntahay.

    Aan ku billaabo in tabashooyinka aad muujisay ay dhammaantood yihiin xaqiiqooyin jira oo lama-inkiraan ah, haddii kale dooddaniba majirteen oo Soomaalidu qarannimo iyo dawladnimo sugan ayay haddeer ku dakeyn lahayd. Aniguse waxaan masiibadan dhacday kasoo dheehdaa xagal aad uga duwan kan Soomaalida cawaray oo xaqiiqada dhabta ahna kaweeciyay, waana kan.

    Masiibadu ma ahayn mid ay Soomaalidu isku sababtay e waxay kasoo gaadhay dhabaq xun oo iyada kudhacay, dhabaqaas oo ahaa mid loogu talagalay oo kagana yimid Yurubiyaankii duullaanka ku ahaa muddo 5 qarni iyo hilaadahaas ah kahore intii aanay qummaati mandiqaddeeda u qabsanin oo u kalaqaybsanin. Dhabaqu qarniyo badan ayuu kahorreeyay taariikhdan shalay ahayd ee 1960kii.

    Haddaba, marka aynu dooddan siiwadanno (Eebbe Idamkii), waxaynu xaajadan kasoo abbaari doonnaa dhabaqaas nagu habsaday iyo in aan isaga weli dib loo saxin muddadii kasokeysay sanadkaas 1960kii. Ujeeddada dhabaqaas ayayna ahayd in la iskukaaya jeediyo oo annaga dhexdeenna la iskeen tuso, si aynaan isaga u dhaadin oo dibna usaxin. Waxaana la inoo adeegsaday shaxda halista ah ee looyaqaanno ‘DEAD CATISM’ oo kusii saleyn doono Inshaa’Allaah.

    Halkaasna ha inoogu hakato maanta.

    • @Awlal,

      Muhiim ma aha dhabaqa reer galbeedka iyo waxaasi,Al muhim waa sidee loo xalin karaa xaalka maanta ee labada Soomaaliyood?
      Jawaabtuna waa, inkastoo ay midnimadu fiicnaan lahayd hadana ma aha wax practical ah oo fuli kara hadda sababo la xidhiidha dhinaca koonfurta oo aan u bislayn wakhtigan, toobiyaheediina haynin.
      Markaa intii la isla bas beeli lahaa waxa qasab noqonaysa in labada teeda fayoobi ay danteeda ku aroorato oo aan hal mar la wada degin ama aan ilaa aakhiru samaanka dagaal aan dhamaanahayn aanay Soomaalidu ku baabi’n.
      Hadhow markii labadooduba bugsadaan oo ay isku page noqdaana ay ka tashadaan inay isku biiraan iyo inay sidoodaas kala ahaadaan. Sidani waa sida keli ah ee practical ah wakhtigan la joogo

  8. Asc dhamaantiin aaxaabta halkan fikirkooda ha dhiibtay waan wada salaamayaa.intaas dabadeed waxaan si gaar ah uka hadlayaa mr A.ARAR
    Somalidu waxay tidhaahdaa
    BAHAL CEEDHIN MA DAAYO NINA CAADADII MA
    BAAJO.
    Horta waa markii iigu danbeysey ee aan fald ka bixiyo wax aad soo qortay.
    A.ARAR waxaad sheegtay wax lagaa sugaye wax cusub maad sheegin caadifad iyo nacaybkii aad u qabtay qayb ka mid ah umada somaliyeed baad sheegtay.Qalbiga caadifada iyo qabyaaladu gashaa ma bogsado weligii xataa hadii daawo fiican oo xanuunkiisa ku haboon uu helo. Hadaan mid ku xusuusiya khatarta Ethiopia somali kaga iman karta waa loo siman yahay cid iska difaaci kartaan ma jirto ilaahay oo keliya baa inaga difaaci kara.swt. mida kale hadaad hadaad ii sheegta meel somaliya ka mid ah oo ka fiican ama ka amaan badan ama ka siyaasad wanaagsan dhulka aad maagayso ama aad dhaleecaynayo waan kuu garaabayaa wale. Anigu waan jecelahay so.aliya oo dhan Gees ka Gees waayo dhamaan waxaa ku nool dad somaliyeed oo muslim ah.
    Mida labaad anigoo sidaa aan kuu sheegay somali wad jecel hadana bal in qabiil ku dilay oo qalbiga kaa xumeeyey bal waxaad eegtan meesha aad aad ku jeceshahay ee (puntland) xaalkeedu waa sidee maxaad maalin qudha ceebteeda u sheegi weyday ama wax ka khaldan waxaa kuu diidaya xanuunka xun ee qalbiga kaga dhacay ee aan dawada lahayn.ilaahay waxaan kaaga baryayaa inuu ku soo hanuuniyo qalbigana kuu bogsiyi qashinka iyo wax xuna kaaga saaro waa hadii aad muslim tahay hadii kale HAWSHAADA ISKA WADO AAN EEGNO MEESHAY KU GAADHSIINO NACAYBKA QABO KA MID AH UMADA SOOMAALIYEED
    WA BILAAHI TOWFIIQ

  9. Arar

    In adeer waa runtaa oo meesha sartu ka quruntay waa sharciga oo aan la sugin ilaa iyo wagii puntland la aasaasay. Sharciga ayaa dadka kala haga. Hadii qoys kasta iyo dagmo kasta ayadu fasirato waxa uu yahay sharcigu waxaa dhaca sharci la’aan iyo sharciga oo noqda hadba sida uu dan ugu yahay cida markaas goofka yar u tunweyn.

    Puntland waxay leedahay wasaarada sharciga iyo diinta taasoo xaadirka ah fadhiid.
    Waxay ahayd in mar hore wasaaradaas boorka qariyey laga jafo oo ciidan gaar ah loo qoro, oo si buuxda loogu wareejiyo dunuubyada qoyska ee ay ka mid yihiin

    -qur-gooyada, -kufsiga,
    -gadida iyo ka ganacsiga khamriga iyo mukhadaraadka
    -la dagaalanka makhnuudiinta iyo qoomuluudka oo casrigaan cusub dunida ku haya khatar aad u weyn.
    -ilaalinta iyo sugida nabada masaajidada

    Waxay dowladu heli lahayd nasasho oo culeys iyo eedeymo fara badan ayey wasaaradaasu ka dabooli lahayd.

    Waxaa dowlada usoo hari lahaa
    -difaaca bad iyo biri iyo cir,
    -la dagaalanka argagixisada,
    -iyo burcada hubeysan ee dhaca geysta,
    -iyo burcada siyaasadeysan ee puntland jilaafeynaya,
    -iyo burcad dhaqaaleedka xaalufiyey badeena,
    -iyo shaqadii kale ee badneyd ee loo igmaday ee dal dhiska ahayd.

  10. @@@Man

    Wax reer waqooyi la yiraahdo oo qaddiyad ku mideysan majiro; waxaa jira qabiil doonaya inuu ku laforuugo qabaa’il kale oo uu xoogaa amase shakhsiyaad iyaga ka mid ah afka u mariyo xoogaa dufan sandareerto ah. Shalay markii dowladdii dhexe jirtay waxa aad tabanayseen idinlama qabin dadka Sool, Cayn, Sanaag-bari iyo Awdal iyadoo weliba degaannadooda aan waxba loo qaban marka loo eego kuwa Beesha Dhexe ee Somaliland. Haddii ay idinla mowqif yihiin sidiinnii ayey gadoodi lahayeen oo waxay ku biiri lahayeen dagaalkii SNM laakiin waxay u sabreen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Maalinkii dowladdii dhexe dhacdayna, hubkii faraha badanaa ee degaannadiinna aad ugu timaaddeen ayaad u adeegsateen inaad qabaa’ilkaas ku sandulleysaan idinkoo ku doodaya in kahor 1960 uu Ingiriis idin wada gumeysan jirey; laakiin gumeysigii waxaa ka dambeeyey 30 sano oo xorriyad ah (1960-1991). Maxaa 80kii sano ee isticmaarkana muqaddas ka dhigay, 30kii xorriyaddana badda ku daray? Sidaa awgeed, wax qaddiyad ‘reer waqooyi’ la yiraahdo majirto.

    Arrinka federalismka, marar badan baan arkay iyadoo siyaasiinta Somaliland dhaliilayaan sababtuna waxaa weeye inay u arkeen inuu caqabad ku yahay damacooda ku salaysan ‘reer waqooyi’ iyo ‘reer koonfureed’ oo ay jeclaan lahaayeen in sidaa wax loo qaybsado laakiin waa riyo aan marna dhaboobi doonin.

    Puntland marna kama tanaasulayso hannaanka federalismka, haddii taas la isku dayana waa lagu kalatagayaa wixii Somalia la oran jirey. Hannaankii dowladnimo ee gumeysigu ka tagay wuxuu burburay 1991, sidaa awgeed, Soomaaliyada cusub waa inay noqotaa mid ku salaysan heshiis iyo cahdi cusub.

    Haddii idinku aad isu aragtaan dowlad ballaaran oo Somaliland la yiraahdo, dadku waxay idiin arkaan qabiil Isaaq la yiraahdo oo dega inta u dhexeysa galbeedka Ceerigaabo ilaa Gebiley ~ 380km, saami intaas u dhigma ayeyna idiin oggol yihiin. Marka, waa hawl idiin taal inaad sidaas wax ku qaybsataan amase ku jirtaan riyadaas iyo sicirbararkaas (self-aggrandizing).

    • @Arar,

      Kolay inan yar oo jibaysan baad tahee cago dhigo bilaash baad laydha u cabaysaaye waayo:

      * Somaliland already way go’day. Hadaad doontaan Federal noqdo, hadaad doontaana xerro geel u wada hoyda…they don’t care.

      * Mida labaad hadaad moogane tahay anigu toosin maayee orodoo dadka Somaliland ila dega soo weydii inay rabaan Waqooyi iyo Koonfur iyagaa kuu sheegi inay reer waqooyi yihiin iyo in kala’e.
      Miyaanad xitaa TVyada daawan xitaa kuwooda Somaliland ka Soo horjeeda markay Xamar joogaan waxay u doodaan xuquuqda reer Waqooyi. C/ samatar eeg, C/Khaliif waad ogayd, Wasiirkii qorshaynta was ogayd maalintii dhawayd ee uu Heritage Jabuuti koogay inuu lahaa anigaa Waqooyi iyo Somaliland matalaya. Ogow maba aaminsana Somaliland laakiin reer Waqooyinimo ayey aaminsana yihiin it in dalku ku midoobay Koonfur iyo Waqooyi.
      Nasiib darrada ku haysata adiga waxa weeye arrintan waxaa aaminsan dhamaantiin ummada Soomaaliyeed min Garisa to Djabouti marka laga reebo Somaliland.
      Somaliland iyadu meeshan beri hore ayey go’eedii ka qaadatoo dan Kama leh.

      * Waad KU mahadsantahay sidaad Mr.Awlal iyo reer Waqooyiga Somaliland diidan aad ugu cadaysay inaanay Puntland ogolayn midnimo Waqooyi iyo Koonfur waxaad xoojisay pointgaygii.

      * Arrinta ah hadii federaalku shaqayn waayo Soomaaliyeed waad kala diraysaan.
      Horta aniga waxba igama gelin hadaad kala tageysaan iyo hadaad wada joogaysaanba laakiin waxaan ogahay in dastuurka aad dhigateen uu qoraayo in cod loo qaadi doono, ayna suurto gal tahay in lagaa cod badiyo.
      Haday taaso dhacdo Bal aan eegno waxa dhaca laakiin waxaan hubaa in lagaa tirro badan yahay, lagaana gar helaayo hadii codka lagaa helo.

      * Arrinta wax baad xasuuqdeen ka Isaaq ahaan.
      Sheekooyinka aad ka Soo min guuraysay madaxdaada ma haboona inaan ka jawaabo.
      Waxa se cad in kuwii walaaltinimada ku baday ee aad lahayd Isaaq baa dhulkiina idinka qaadaya aad maanta dhulkoodii ku haysato, dadkoodiina KU xasuuqday oo ay iyo Isaaq dhankiisa magangalyo bideen.
      Isaaquna inuu calan cad iyo nabad ula yimi way of yihiin.
      Thank you

      * Arrinta Isaaq Soomaaliyeed waxay u taqaanaa qabiilooyinka yar oo dhul yar dega.
      Mashalah waanu isku kalsoonahay, dhulkaa yarna iimaan baanu ku qabnaaye kiina weyni Bal ha idin deep idinka

  11. @@@Man,

    Saaxiib, raggeennii raganimadu ku ekayd marka ay kala garnaqsanayeen amase doodi dhexmarayasay, hadalka may kala boobi jirin e qummaati ayay iskaga dhuri jireen oo iska kaladhuuxi jireen; sidaas ayayna xuluul rageed uga gaari jireen arrimaha taagnaa ee laga wada xaajoonayay.

    Adigana, in aad doodda inoo billaaban oo aan aniguna hadda hadalkeeda kaa leeyahay ma habboona in aad iska boobto iyada oo weli araran. In aynu iska kala sugno ayay kuquruxbadnaan lahayd ayay aniga ilatahay. Waa inoo bogag iyo fursado kale Inshaa’Allaah.

  12. Horta hore waan boogadin fikaradaha kala
    Duwan ee lasoo jeediyey ee ah wax ku oolka. Waan qirayaa in rag culus goobta iskugu yimid.

    Bal aan labo eray ku darsado doodaan.

    Waxaan shaki ku jirin in aanu u kala dhalanay qabaailo iyo qoysas wada xor ah. Sidaas oo kale ayaanu u leenahay dagaano qolo kasta gooni u ah.

    Indhaha lagama qarsan karo mana la inkiri karo marxalada ay ku jidho waxii awal la dhihi jirey repuplic of somalia oo ka asaasantay labadii gayi ee labada gumeyste kala haysteen.

    Marka aad labadaas gayi fiisisid waxaa kuu muuqan beelo garabka isku haya oo daris ah oo kala irdoodsan.

    Hadii maanta lagu heshiiyo in labadaas gayi la kala gooyo waxaa islamarkaas labadaas gayi kasoo ifbixin muskiladii awalba taalay markii ayay wada jirka ahaayeen oo hal wadan ka tirsanaayeen.

    Qabaailadii reer talyaani kuma heshiinayaan wadanka cusub ee ay daxleen. Kuwa reer ingiriis’na sidaas oo kale ay gondaha is qabsan.

    Waxaa dhicin in labada reerood ee ugu tunweyn labadaas wadan ay afka cagta ka saaraan reer wadankood. Waxaa xigin jamhadeyn iyo halgan aan dhamaan in uu ka holco labadaas wadan.

    Hadii uu xaalku saas yahay, maxaa loogu ordin, maa xaal kale oo looga baxo marxalada hada jidha la raadsho.

    Khalad laguma saxi karo khalad kale. Hadii lagu saxana waxuu dhalin khalad kii dhalay ka ibtilo badan oo labada dowldoodba haadaan ka tuuraya.

  13. J. Somaliland dadkeedi ba utaliyay meel fiicana wey maraysaa hadaa waxay udiaargaroobeysaa in wadamo superpower laa tartarto oo kamid tahay wadadanka china ilmadeerayal dib ha inoo celinina dad shacabkoodi hoobiye iyo rasaas ladhacaya siyaasada aduunkana kasaaqiday yaaanan lakugu ag sawirine.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*