DAAWO: Madaxweyne Deni oo amar adag dul-dhigay Wasiiro kamid Puntlan

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

PUNTLAND TIMES

8 Comments

  1. @@@Qardafui,

    WAA JAWAABTII AAN BALLANQAADAY

    Horta waxaa jira labo dabaqadood oo ay xeerarka iyo qawaaniinta dawligu usii kala qaybsamaan, waana dabqadda guud oo GARDHAHA looyaqaanno iyo dabqadda kahoosaysa ee SHARCIGA looyaqaanno.

    Gardhuhu waa kan duuddubka ah ee heerka qaran u dhisan oo aalaaba kusaleysan hannaan sugan iyo nidaam dawladeed oo iskudheellitiran, sanado badanna qaab dastuuri ah iyo hab goshiyeedba loosoo yagleelayay. Waddanna wuxuu dawlad-wanaagga ku qaangaaraa marka uu qummmaati usaldhigto hannaan qaran oo sugan ee ka kooban nidaam dawli ah oo hayin ah iyo gardhe taam ah ee uu isagu meelmarsaday, cid kalena usoo meerinin.

    Marka halbeeggaas lalatiigsado, dabcan waxaa xaqiiq noqonaysa in aysan Puntland weli dawlad-wanaag hanan, maadaama aanay ku dul qotonnayn hannaan dhisan oo sugan iyo nidaam dawli ah oo isna iskudheellitiran. Ma ay laha Gardhe ligan oo muddo dheer lagasoo shaqeynayay oo ay aqoonyahannadeedu, waxgaradkeedu, cuqaasheedu, culimadeedu, iyo baarlamaankeeduba isugu hagoogteen oo isla taageen.

    Dad baa in ay Soomaaliya katirsantahay uugu aaneeya oo qiilna uga dhiga, laakiin waa qiil aan inta Puntland qaayaheeda dhaadan ka gadmi karin oo fashilna noqonaya.

    Puntland waxay kushaqeysaa sharciyo goosgoos ah ee ay inta badan kasoo guurisatay nidaamkii dawladdii kacaanka, kuwaasuna waa kuwo nidaam caskariya ee kelitalis ahaa loogu talagalay ee aan munaasab ku ahayn Puntlandta haddeeran ee nidaamka dawliga ee furfuran utaamaysa oo toosna ulahanaqaadi lahayd.

    Sidaas ajligeed, nidaamkeeda dawligu waa mid lagu socodsiiyo awaamiir iyo digreetooyin madaxweyne oo isaga kayeelaya nin sharciyadeedaba kasii sarreeya oo maaggisana wax ku hoggaaminaya. Baarlamaanka uu waajibku ahaa in ay dawladnimada gundhig utahayna waa iska maqaarsaar iyo miinshaar afla’ ee aan madaxweynaha xakameyn karin.

    (Qaybta 1aad)

  2. Deni laba daran midkood ha doorto. In Puntland burburto taas oo ay doonayaan cadowga Puntland ee caadaystay kala qoqobka iyo isku dirka. Iyo inuu go’aan geesinimo leh qaato kaas oo ah inuu xoog ku muquuniyo tuugada uu Burhaan horkacayo ee Farmaajo qandaraaska lagu burburinayo Puntland uga soo dhiibay Xamar.
    Waa la ogaa in Burhaan iyo Asad Diyaano ay qorshaynayaan inqilaab ama burbur ka dhaca Puntland tan iyo intii labada sano ahayd ee ay Asad iyo Burhaan Muqdisho fadhiyeen.
    Tan kale oo intaas dheer waxaa weeye in reer Puntland is yaqaan isim, madax, iyo shacab. Waa la wada ogyahay in baha bari kuwii ugu tunka weynaa ( Dishiishe iyo Cali Saleebaan) ka hor yimaadeen qorshaha Burhaan mooryaan uu ku doonayo inuu Puntland ku burburiyo isagoo dadyow kale u adeegaya.
    Waxaa dhab ah inaan yamyam iyo qadaadweyn Burhaan soo urursaday oo isimo ku sheegay sinaba u burburin karin jiritaanka Puntland.

  3. Libaax:

    Arrintaada ma wixii xunba xaawo saar baa?!

    Qaska qoyska Cismaan Max’uud ka dhex taagan ma qabo in aay bannaan tahay meel uu Farmaajo ka soo galo!
    Haddiise kale loo dhigo, sidee buu nin jaahil ah oo laangaab Mareexaan ahi isugu Diri karaa rag ku ab tirsado Boqortooyadii guunka ahayd ee Soomaali ugu sarreeysay, caqliga badnayd uguna ilbaxsanayd?!

    Bal labadaa sheegasho adigu is waafaji, oo noo sheeg tan runta ah!

    Meesha Waxaa ka muuqato labo jifo oo Kuraasta Puntland iyo Soomaaliya ugu sarreeysa isku haaysto. Oo sida muuqato aay qaarkood u arkaan in aaysan geyn qaarka kale!

    Waxaanse leenahay, Allaha qaboojiyo!

    • A. A.Xade,
      Marka ugu horraysa, waxaan raalli gelin weyn ka bixinayaa hadalkaagii ahaa: mareexaan jaahil ah. Waxaanna kuu sheegayaa inaan Mareexaan istaahilaan waa jaahil iyo inaad weliba xaal ka bixiso. Anoo weliba aaminsan inaad tahay shaqsi u dhashay beesha Mareexaan, laakiin adigoo u dhashay kaa yeelinayo inaad caydo waayo xaq ma aha caydaasi. Waan garanayaa ujeedada ka dambaysa Mareexaanoo jaahila iyo boqortooya soo jireena waxaad ula jeeddo (hadalkaasi maaha mid dedan). Haddaanse suaashaada ka jawaabo. Ingiriiska aya boqortooyo ugu xoog badnaa isana Mareykan oo uu gumaysan jiray ayaa hadda wax u yeerisa. Taas waxaa isbedel dadka ku dhaca iyo wacyiga lagu jiro. Aan si kale u iraahdee: tilka ayaam bayna naas. Iyo nin kasta maalinta uu lacagta iyo xukunka haysto isaa boqor ah. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliya mana aaminsana nidaamka federaalka ee Puntland dabada ka riixayso si uu taas uga miro dhaliyo waa inuu ka takhalusaa bud-dhigaha federaalka ee Puntland. Si taasi u hirgasho waa in la iska horkeenaa ayada dhexdeeda, halkaas ayaa burburku ka dhow yahaye.
      Xadow xasuuso in Burhaan laba sano ag fadhiyey Farmaajo. Ma waxaad i baraysaa inuusan irbad suna ku soo dhufan. Maxaa keenay in Puntland khalkhasho markii Burhaan ku soo noqday. Waxaa jira oo kale wax yaabo aan anigu ogahay oo caddaynaya inay taasi jirto.
      Dhib dhexdooda maahee waa bam lagu soo dhex tuuray. Waa ku sidee miyaanad arkay mashxarada maalmahan ka baxaysa Hillaac.
      Teeda kale boqortooyadii facaweynayd waxa burburiyey Talyaani muddo hadda qarni laga joogo oo indhoweydba ma jirin boqortooyadaasi.

  4. Boqorka yaan la caayin. Afkiina dhowrta.soo jireenka boqortooyada Deni iyo maangaabyada ka wayn.
    Deni wuxuu Farmaajo ku haysto waa in Beelaha soo xulaan barlamaanka federal ka memberkooda laakin tan puntland wuxuu leeyahay Beelaha shaqo kuma laha.waa waalin waxaas.

  5. AA.XADE

    KKKKKK saxib waxaagu waa gaadmo.

    AWLAL

    Si fiican ayaad u sharaxday qeybta koobaad waana xaqiiqo jidha oo xeelad looga baxo sugaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*