Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay cunqabateyn saarayso madaxda Soomaalida, haddii waqtiga loo qabtay doorashada ay sii jiidanto.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in 8-dii Febaraaayo markii uu dhamaaday muddo xileedka Farmaajo uu Mareykanka diyaar u noqday inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi-socodka doorashada.
Hoggaamiyayaasha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhowaan heshiis ku gaaray in 15 Janaayo ilaa 25 Febaraayo, lagu soo afmeero doorashada, waxaana jira walaacyo sheegaya inay dib u dhici karto doorashadu.
PUNTLAND TIMES
Maraykanku afka ayay ogaka ayuu kahadlaa dabadeed hadalkiisa waxaa buunbuuno
Kuwo munafiqin ah
Wadanka darasho aado dantu yaay ugujirtaa somali baa
Faaiido kahalayso
Somalidu waa daciif dorashadii bay dhana udiideen
Taas baakentay galadu hanqalka sootaagan ,,