DAAWO: Maryan Qaasim “Isma laheyn Qalbi-dhagax baa soo bixi doona, RW Kheyre waxaan ku iri tiirka gee”

Wasiirkii hore ee Gargaarka XFS Maryan Qaasim, ayaa soo dhaweysay laalitaanka Golaha Wasiirada XFS ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee go’aankii Golihii Wasiirada ee Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay 2017kii ugu aqoonsadeen Urur Argagixiso jabhadda ONLF.

Maryan Qaasim oo kamid aheyd Wasiiradii saddexda ahaa ee go’aankaas ka horyimid, xilligaas ayaa sheegtay inay ku faraxday horey soo deyntii Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax, oo loo dhiibay Itoobiya, aysana fileyn in uu sii noolaan doono, iyo in maanta laga saaro liiska Argagixisada ONLF.

Sidoo kale, Maamo Maryan ayaa xustay in wax laga xumaado ay aheyn in halgamaa Soomaaliyeed loo dhiibo cadowgii uu dhulka ka difaacayay, iyo in Urur argagixiso loo aqoonsado jabhaddii xaq u dirirka aheyd ee Soomaali Galbeed.

PUNTLAND TIMES

7 Comments

  1. Maryan qasim waa hogamiye culus. Laakiin waxay la shaqeynaysey wax ma garato laciif ah oo ka argagaxa cidkasta oo ka karti iyo wadaniyad badan.

    • ᗯᗩ᙭ ᑫᗩᗷᗩᗞᏦᏆᏆ ᖇᝪᝪᗷしᗴ ᗯᑌ᙭ᑌᑌ ᗩᕼᗩᗩ ᏆᑎᎢᗩ ᑌᑌ ᙭ᗩᖴᏆᏆᔑᏦᗩ ᒍᝪᝪᏀᗩᎩ
      1, Ꮖᑎ ᑌᑌ ᗷᝪᝪᗷᗩᎩ ᗞᕼᑌしᑫᗩᖇᗩᑎ
      2, Ꮖᑎ ᑌᑌ ᏆᏦᖇᗩᗩᑎ ᎢᗩᕼしᏆᏆし ᗞᕼᏆᗰᗩᔑᕼᗩᗞᗴᗴᗞᑌ ᑌᑌ ᗯᗩ᙭ Ꮶᗩ ᝪᏀᗩᗩ ᏆᑎᎢᏆᏆ ᑌᑌ ᙭ᗩᖴᏆᑌᔑᏦᗩ ᒍᝪᝪᏀᗩᎩ ᕼᗩᗞᗩᑎᗩ ᑌᑌᔑᗩᑎ ᗰᗴᗴしᑎᗩ Ꮶᑌ ᔑᕼᗴᗴᏀᏆᑎ ᗰᗩᎩᗞᏦᗴᗴᗞᗩ .
      3, Ꮖᑎ ᑌᑌ ᗰᑌᑫᎢᗩᗩᖇ ᖇᝪᝪᗷᝪᗯ ᙭ᗩᖇᗩᏀᏆᏆᔑᗩ ᑌᑌ Ꮶᑌ ᒍᗴᗴᒍᗴᗴᔑᗩᎩ ᏆᔑᏦᗩᑎᗩ ᗞᕼᏆᏀᗩᎩ Ꮖᑎ ᑌᑌ ᗯᗩ᙭ ᑌ ᑫᗩᗷᗩᑎᗩᗩᎩᗩ ᕼᗩᗞᗩᑎᗩ ᏆᔑᏦᗩ ᙭ᏆᖇᗩᎩ ᏦᏆᏆᔑᏦᏆᏆᔑᗩ.
      4, Ꮖᑎ ᑌᑌ ᏆᔑᏦᑌ ᗞᗩᎩᗩᎩ Ꮖᑎ 10ᏦᏆᏆ ᗰᏆししᏆᝪᑎ ᔑᕼᗩᖇᑕᏆᗞᗩᖇᗩᗞᗩ ᗩᕼᗩᗩ ᗴᗴ しᗩᏀᑌ ᗷᑌᖇᗷᑌᖇᏆᑎ しᗩᕼᗩᗩ ᔑᝪᗰᗩしᏆᗩ ᗴᗴ ᗴᗰᗩᖇᏆᎢᗴ ᑌᑌ Ꮶᗩしᗩ ᗷᗩ᙭ᝪ ᗷᗩᗷᏀᏆᏀᗩ ᔑᝪᝪᗰᗩᗩしᏆ ᔑᏆ ᑌᑌ ᗞᝪᝪᖇᗩᔑᕼᗩᗞᗩ Ꮶᗩ ᗞᏆᗷ ᔑᕼᗩᗩᕼ ᑌᏀᗩ ᑕᗩᗷᝪ ᑎᗩᏆᖇᝪᗷᏆ ᏦᗴᑎᎩᗩ.
      5, Ꮖᑎ ᑌᑌ ᏦᏆᏆᔑ ᑫᗩしᗷᏆ ᗞᕼᗩᏀᗩ᙭ ᗴᗴ ᗴᎢᕼᏆᝪᑭᏆᗩ ᕼᝪᖇᗴ ᑌ ᑕᗩᖴᏆᗞᗩᎩ Ꮖᑎ ᑌᑌ ᗰᗩᗩᑎᎢᗩ Ꮶᗩ ᗞᕼᏆᏀᝪ ᗰᏆᗞ ᑌᑌ ᏆᔑᗩᏀᗩ Ꮶᗩ ᎢᏆᗰᏆᗞ ᗯᗩᗩ ᗞᗩᗞᑎᏆᗰᝪ ᙭ᑌᗰᝪ.

      ᗯᗩᖇᗩᗩᗷᝪᗯ ᗰᗩᗩしᏆᑎ ᗯᗩᑕᗩᑎ
      ᏦᏦᏦᏦᏦᏦᏦᏦᏦ

  2. Maryam Qaasim soow maaha gabadhii aay ku dheeleen nimankii Murunsade ee Haragga uraya jeexi jiray ee kala ahaa, Khayre iyo Prof. Yaxyihii uu Wasiirada ku salladi jiray?! Dulmigaa aay seediyaashii geeysanayeen oo uu ka aamusay, Ninka aamusan ee Villa Wardhiigleey dhex fadhiya oo aay taageere weyn u ahayd!! Ciil weeynaa!

    Gabaryahay reer Baardheere, reer Gedo aad bay oga xunyihiin, dhibaatooyinkii kaa soo gaartay Guntii aad dhexda u gashay ee ku riftay!!

  3. Maryam Qaasim waxaay ahayd, gabadhii loo sheegay in aay tahay, Wasiirka Gargaar ka Masiibooyinka. Laakiin shaqadeeda uu iska watay, nin Xafiiska Khayre ka shaqeeya oo la yiraahdo Prof. Yaxye oo ahaa, Mooryaan aay Khayre ehel yihiin!

    Dhibaatadaa oo aan maqlay in aay gabadhan sharafta leh oga dacwootay, Farmaajo oo aay taageeri jirtay, laakiin uu dhegaha ka fureystay! War waa maxay gabadhaa Durwaayo helay! Ciil weeynaa!!!!

  4. AAC.
    1.Maryam Qaasim waxay ka mid tahay dhawrka qof ee lagu aamini karo masuuliyad soomaaliyeed.
    Laakiin waxay la kulantay niman an u jeedin waxay tahay soomaalinimadu.Maryam Qaasim intay wasiirka ahayd bay booqatay Puntlaan.Waxaana loo soo dhaweeyey si heer sare ahayd.Maryam markay ku soo laabatay xamar bay sheegtay wanaagay ku soo aragtay puntlaan.Isla markiina waa laga qaaday jagaday haysay.Calaa kulli xaal maryam wax weeyn bay u qaban lahayd soomaaliya iyo soomaaliba ee waxaa hor istaagay daddaan rabin wanaaga soomaali-weeyn.
    2.Saas oo kale ninka la yiraahdo Tarzan oo mar ahaa Duqa magaalada xamar iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir baa maamulkii Gaas ee puntlaan ku marti qaadeen in uu puntlaan soo booqdo.Wuuna aqbalay.Waxayna puntlaan ku tiri ka soo deg magaalada Gaalkacyo.Waxaana garoonka dayuuradaha diyaar kuugu aha baabuur adiga laguu diyaariyey oo uu furihii ku jiro ee soo qaado oo imoow Garoowe.Waardiyena uma baahnid ee jidkaas dheer soo raac.Buurtinle oo u dhaxaysa gaalkacyo iyo garoowe wafti baa kugu sugaya.Halkaas ka soo qadee kabacdina jidka ku soo dhac.Madaxdii puntlaan ee markaas safarka Tarzan ujeeday ka lahaayeen.Tarsana waligiis ma uu tagin ardigaas oo ciyaal xamar buu ahaa yaraantiisii.Tarsan tag garoowe.Afkuuna furtay oo uu yiri from gaalkacyo to Garoowe ma arag Isbaaro iyo dad hub wata.Waxaanse soo arkay xoolo iyo Ugaar wada daaqaya oo anan xaligaan soomaaliya ka filayn.Tarzan ku noqay xamar oo khudbuu aqriyey.Khudbadaas oo uu haddiiba ku waayey labadii jago ee uu xamar ka hayey.
    Oo maxuu yiri Tarsan oo uu sdhaqadiisii ku waayey?Waxuu yiri hawiyoow intaad is cayrsanayseen oo Isbaarooyinka isu dhiganayseen bay puntlaan idin dhaaftay.Hadalkaas oo dhab ah buu Tarsan shaqadii ku waayey.
    Kana raali ahaada qoraalkayga dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*