DAAWO: Muuse Biixi “Waxaan uga digaynaa Dowladda Muqdisho faragelinta madax-bannaanida Somaliland”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay doodii xubno kamid ah Baarlamaanka dalka Ingariiska, ay ka yeesheen aqoonsiga Somaliland, oo sanadkii 1991-dii sheegtay inay ka go’day Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi mahadceliyay Xildhibaanadii doodaas dabada ka riixayay oo uu hoggaaminayay xildhibaan Gavin Williamson, waxaana uu intaas ku daray in Somaliland in Somaliland ay xaq u leedahay in la siiyo aqoonsi.

Waxaa uu uga digay DFS, Madaxweyne Biixi faragelinta ay ku heyso qadiyadda Somaliland, isagoo sheegay in talaabooyinka masuuliyiinta DFS ee la xariira weerarka ka dhanka ah qadiyadooda, ay horseedayso naceyb iyo kala fogaanshaha dadka Soomaalida ah.

“Waxaan uga digaynaa Dowladda Muqdisho, inay ka dagaal galaan inay meel marto qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, Waxaad ka talinaysaan cadaawad fogaata oo ubadkeena soo socda u sii taagnaata”.

PUNTLAND TIMES

11 Comments

  1. Oo Muuse, maxaad sameeyn oo kuu haray? Haddii aad doonaysaan inaad Soomaali kalagooysaan — 80 sano oo gumeysi gaal awgiis, maxaa intaas ka daran oo Soomaali sii kala-irdhayn kara?

    Sidii maalinkii horeba aan sii saadaaliyey ayey noqotay. Xayntii mudaneyaasha Baarlamaanka Ingiriiska — mar la sheegay inay ahaayeen 13, marna lagu sheegay 30 — ayaa isu yimid kadibna waqti kooban baa la siiyey, markii ay hadalkii dhammeysteenna waa lagu kalatagay. Baarlamaan ka kooban 650 oo intaas kasoo xaadirtay waa meel markii horeba qolada loobbigaraynaysay ay kistii xisaabta loogu shubay ku bisleeysanayeen. ‘Magac keenimaayaane waa malag kusoo qaadye’. Waxaase iigu daran dadka caadiga ah ee dalkii jooga ee la mihiyey oo digsi quruurux ka buuxo loo ruxay.

    Ingiriis haddii uu aqoonsado Somaliland, taas waxay keeni doontaa in kalafirdhaan Kenya iyo Itoobiya oo aan la heli doonin qiil la isugu hayo.

    Reer Somaliland and iyo Muqdisho mid ha ogaadeen: haddii la aqoonsado maamulka Hargeysa, Puntlandna waxaa miiska u saaran inay go’do, markaasna Somalia noqoto tusbax go’ay. Waxaa kaloo marna Puntland yeeli doonin in loo wadahadlo oo wax loo qaybsado wax la yiraahdo ‘Waqooyi iyo Koonfur’.

    Kuwa goosashadu madaxmaratay sida Faysal Waraabe sababta ay colaadda ugu hayaan Puntland waa sida ay ugu dheggan tahay hannaanka federalismka oo ay urkaan inuu qacabad ku yahay riyadooda ah aakhirka wax lagu qaybsado labadii qaybood ee midowday 1960. Xitaa haddii dastuurka afti loo qaado, federalismku waa lamataabtaan.

    Wax ma idiin sheegaa, dalka waxaad ku leedihiin 380km (Galbeedka Ceerigaabo ilaa Gebilay) ee wixii aad ku heshaan imaansada.

    • Qofka marka uu ka samaysan yahay, xaasidnimo iyo hinaase waa mid laga subxanalaysto, qofku marka himilada uu leeyahay ay tahay Anna meel uma socdo qof meel u socdana ma rabo wa ayaab. Sharab waxaa reer Somaliland u ah in dadka innagu dheggan ay dantoodu tahay waar Indho ayaad noo tihiin ee hanaga tegina, qofka xun marka uu kaa tago waa lagu farxaa. Somali jaceyl kama aha A>Arar iyo kuwa la mid ah, waxay ogyihiin Somali ay ka maqan yihiin reer Woqooyi oo dhan min Samaroon ilaa Ciise iyo Wersangeli iyo Dhulbahante ilaa Issak inaanay Somali ahayn. Wax hubaal ah inaanaan ka daalin Ictriaaf, Talibaan imisa baa la horjeegay, maalin uun waa la innaga hor dhaqaai, ” While there is a will there is a way>
      Arki maysid Arar iyo kuwo Ła mid ah oo wada danta dadkooda iyo ra’yi ay ku horumaraan, xaasidnimo uun baa lagu jiraa.
      Iidoorku wuxuu haystack Dir iyo Irirnimo, waa Carsaanyo dhan walba u ordi kara, Xamar kaaga maqaam rooni, Dhulkayguna waa ilaa Ceerigaabo ilaa Djibouti ilaa Diri-dhabe. Ilaa Muqdisho baa laygu soo dhoweynayaa, maalintii Xamar guryaha laydinku soo dhacayey 1991 adeer suuqa ayaan taxtaxaashinayey, aniga Xamar haygu bajin.

  2. Dhawr iyo tobanka Xildhibaan ee meesha fadhiyey doodooda Waxaa ku jirtay in aay somaliland ku noolyihiin Mushtamac “Christian” ah oo mudan In la badbaadiyo!!!

    Haddii uu jiro qof Gacan ku dhiigle ah oo Ummadda Soomaaliyeed dambiya waaweyn ka kalay oo mudnaa in lagu ciqaabo, waakan “suit” ka xiran ee horteeda ka doobinaya!
    Ninkan waa ninkii yiri, “anigoo wax dili kara, duco qaadan maayo”
    Waa ninkii hal maalin Boorame ku dilay, ku dhawaad 2kun oo qof oo Samaroon ah!!!
    Waxaa cajiib ah, dadka uu ku sheegayo reer Somaliland ee uu leeyahay dibadaha ayaay ka wadaan dadaal badan wuxuu u yaqaanaa, inta Iidoorka ah ee meelaha la carcararta Calanka Itoobiya ee Towxiidka lagu qaldayo dadka dhexda looga xardhay!!!

    Dambiile aqoonsi wuxuu kuu jiraa inta uu reer “FALASTIIN” u jiro ee beenta ku seexi kuwa ku seexdo!Kkk

    • Mr.A. Arar,

      Nin weyn been baad sheegaysaa lama yidhaahdo laakiin saaxiib malaha arrinta baaxadeeda ayaanad fahmin ayaan filayaa.

      Doodii Baarlamaanka Ingiriiska ka waxay ahayd guushii ugu weynayd ee abid Somaliland hesho, umanay dhicin sidaad sheegayso.
      Waxay guul ku ahayd siyaabahan:

      * Berigii hore waxa jiray xildhibaano tiro yar oo Somaliland taageersan kuwaas oo mararka qaar wasiirada weydiin jiray su’aalo general ah oo Somaliland ku saabsan sida caawimaadaha at England ugu talo-gashay Somaliland doorashooyinkooda iwm.
      Hadda waxa dhacay in masuulo sarre oo ka tirsan Isla wasaarada arrimaha dibeda ee hadda talisa, xildhibaano derojo culus oo soddon kor u dhaafay iyo masuuliyada loo saadaalinaayo inay mustaqbalka dhaw madax ka noqdaan England ay KU guulaysteen in kal-fadhi dhan oo Baarlamaanku lahaa loo asteeyo sidii toos dawlada looga dalban lahaa Ictiraaf toos ah iyo inay siyaasad dib- u-eegis ku samaysayo.
      Waxay ahayd markii ugu horaysay ee garnaqsi buuxa lala galo wasaarada arrimaha dibeda oo madaxdeedii meesha la keenay. Waxa kale oo toos ula socday xafiiska FCO siduu wasiirku sheegay.
      Obviously, dawladu go’aan Isla meeshaas kumay qaadanayaan Karin laakiin waxay abuurtay xujjo ah in la gaadhay xilligii siyaasada la bedeli lahaa.
      Wasiirku wuxuu sheegay in khuburadooda FCO ay daawanayaan oo notes qoranayaan.
      Inkastoo Vicky Ford KU celisay inaanay weli siyaasadoodii hore waxba iska bedelin, ha filaan waayin dhawaan isbedel 360° ah inay KU sameeyaan marka revisionku Soo dhamaado.
      Immika well compilation and evaluation of data ayaa lagu jiraa.

      Ogsoonow talaabooyinkani waa siidh hadda la beeray, wakhti bay qaadanayaan intuu soo baxaayo laakiin maanta Somaliland Siidhadh badan oo ay hore u beertay ayey guranaysaa.
      Caalamkii wuu aqoonsadaan already dhab ahaantii, Itoobiya iyo Imaaraadkaabaa kuugu filan.

      Arrinta hadii Somaliland go’do idinkuna waad KU xigtaan. Sidaan hore kuugu sheegayba idinkay idiin taalaa hadaad kala tageysaan iyo hadii kale laakiin aan kula kaftmee, idinku ma Isaaquun bay Somalinimadiinu ku xidhnayd? Maxaase idin daba dhigee ee waxay u sameeyaanba u samaysaan?
      Midbaan se kuu sheegaya, hadii la midoobo dani inaanay kuugu jirin waad ogtahoo Waqooyina Isaaq baa dambaaba, koonfurna Hawiye. Hadii Federal Koonfurtu codaysana, Soomaali u Federaal ma rabaan oo central government ayaad dib ugu noqonaysaan.
      Midow dambe oo dhacaayaa ma jirro saaxiib, Waqooyi iyo Koonfur in wax loo qaybsado ma aha Issue aad hadda ka werwerto laakiin ka werwerto in reer Koonfurtu Federaalku ay u codayn waayaan. Mar walba meel darran baad joogtaa

      • Mr A.Arar,

        Xagga spellingka aad uma check gareeyee bal inaad qoraalka isku geygeyso isku day khaladaad badan baa KU jiree.

        Waxaan kaa ilaabay arrintii tirrada Baarlaamka.
        Qasab ma aha in goluhu dhan yahay si qaraaro uga Soo baxaan, waxa jirra waxyaalo guddiyo- hoosaadyo qabtaan.
        Ma aragtay UN assembly ga, marka qadiyadaha qaar laga hadlayo waxa isugu soo hadha dhowr qof hadana qaraaro dhaqan-gal ah baa ka soo baxa.
        Meeshan horta xeer lama dejinahayn ee guddi hoosaadyo Baarlamaanku leeyahay ayaa wasaarada arrimaha dibeda la xisaabtameyey.
        Guddigaas Baarlamaanku hawshooda waxay usii gudbin Karaan darajooyin iyaga ka sareeya ilaa heer la gaadhi karo in ay Baarlamaanku qadiyada Somaliland go’aan ka gaadho. Arrinkan hadii ay rabaan way sii Wadi Karaan, haday rabaana way ka hadhi karaan

  3. Gow!Waar odayga ma walan yahay?
    Dee waxaan naceyb ahayn maba ka shaqeeyo. Allah ticket deddeg ah u soo diro odayyadaa hoosku xusan.
    Bixi,faroole,xuud,jawari,xaashi,waraabe,sakiin iyo inta la mid ka ah.waa expired oo waa sun. Wax wanaag ah ku haray majiro. Quluubtooda waa kuwa Allah quful ku xiray oo isma bedelayaan.

  4. Biixi iyo odayada la maanka ah waa foosilo aan dhimirka kafowbayn oo fallaaganimo uu casrigeedii waahore carraabay weli kadhex aabburan, iyana way lahoyanayaan muddo aan fogayn. Isaga ayaana kawarla’ e sidii uu kursigaas ugu fadhiistay ayay Isaaqu iyo Soomaalida kale qummaati dib iskugu marxabbeysteen isdhexgal aan kanoqosho layaynna sameeyaan.

    Marka taariikhda Soomaalida min saldanadihii Islaamiga ahaa ilaa iyo qaadashadii xurriyadda latixgeliyo, waxaa caddaanaysa in xadaaradda iyo ilbaxnimada Soomaaliyeed ay woqooyiga (Bari iyo Galbeed) saldhignaayeen oo rugna uyihiin. Halgankii isticmaarka lagula dirirayay ee markii dambena suraabkii Soomaaliya curiyay (Eebbe Sokadii) waxay kasoo kalajeedeen labadan woqooyi.

    Sidoo kale, xarakaadkii siyaasadeed ee dawladdii kacaanka la iskaga dulkicinayay waxaa laga abaabulay labdan woqooyi. Burburkii ka dibna, isla labadan woqooyi ayaa dhistay labada maamul ee dalka intiisa kale looga soohirtay oo dalka intiisa kalena tusaale-wacan u noqday oo sooxasiliyay. Haddaba, haddii xataa “Woqooyi iyo Koonfur” ahaan loowadahadlayo, waxaa saxsan oo lagama-maarmaanna noqonaysa in wadahadalkaasu u dhaco qaabka ah Puntland iyo Somaliland oo dhan kasoojeeda iyo Koonfurta oo dhanka kale kasoojeedda.

    Waana sida keliya ee lagu soli karo xalka ay Soomaaliya iyo Soomaaliduba muddo badan utaamayeen oo baadiggoobka xunna ugu jireen. Xisaabta xaglaha siyaasadeed ayaa ilaa hadda qaldaneed ah sababta ay Soomaalidu iskug cakirantay ooo jiq iskugu noqotay. Woqooyigu waa Puntland iyo Somaliland e mid keliya ma aha, waana xaqiiqo ay SNM-tu kawarwareegayso oo is’inkirsiinayso oo ilaa ay oggolaatona uu cakirnaantan qiyaamuhu noogu wada duldhici doono.

  5. @ A,Arar.
    Sida uu Mr MAN kuu sheegay waxaad ku gowracan tihiin inaad hawiye iyo Xamar hoos fadhidaan waligiinba girifgirif leeya oo waxaan jirin ku hadaaqa,
    Boowe laba dawladood baa isku darsaday wayna kala dhaqaaqeen 30 sano ka hor, dowlad ku
    sheeg 3aad oo ka dhex kaluumaysata ayaan Isbaaro ahaan u samaystey bal inay kuu shaqayso la arki doonee,
    Waxaan ogaa mar idinkoo mar hawiyaha is yidhi kusoo dhex dhuunta wada hadalkii somaliland/Somalia wixii idinka raacayna waxay ahaayeen wax lagu qoslo,kkkk
    GAAS ayaa isna mar yidhi wadahadalka ayaanu qayb ka nahay maadama dhul isku haysano isna Eey iska ciyey ayuu noqday xitaa hal kelmad laguma qasaarin waayo Xamarkii xukumeysey ayaa meesha maraysey, xamar ayaa lagaa xukumaa kuna gowracan tahay waxay kuu soo
    goysana ku biyo cab kor iyo hoos hadaad u booto xaqiiqdaas ayaa ku hortaal,,

    Arinta Federaalka,
    Somalia ama koonfur iskuma waafaqsana ilaa hada waana wax dusha looga keenay,, idinku waxaad ku dooneysaan Sadbursi maadama xoogaa intay xamar qasnayd xoogaa lufluf ah heleyseen tiina iminka laysu dacaree oo koonfur hada sidii hore way yara dhaantaa,
    Markaa somalida koonfureed waxay intooda badan 90% sugayaan ama diyaar u yihiin in cod loo qaado ama laga noqdo waxayna intooda badani rabaan in laga noqdo maadama aanu ahayn waxa ay iyagu doorteen laaakiin debeda looga soo waariday,,
    Hadii 2daada Gobol aad la dudo waxaan aad ku waalatay ee faderlka ahna laguu dacareeyo Xagaad ula kici ileyn Xamarna meelna uguma dhaqaaqi kartide malaa Yemen baad ula guuri doontaan waa idinka ku sheekeeya yementa walaalo ayaanu nahay oo odeygii Daarood ayaa halkaa kasoo jeeda inkastoo aanu war sugan ahayn,,
    Anyway waxba yaanay dacartu kugu kicin somaliland way ku deysey for ever hadii xamar aad la joogeyso iyo hadii aad kenya ku darsaneyso we dont give a damn is your bloody problem budy,,

  6. Dad kooban oo aan anigu katirsanahay ayaa waxaa inoo muuqda in macnaha ‘Woqooyi’ si qaldan loofasirtay oo qiimahiisana aad loogu dhaawacay. Dalku woqooyigiisu mid ma aha ee waa labo daamood oo Bari iyo Galbeed ukala dhacsan, kuwaas oo haatan looyaqaanno Puntland iyo Somaliland. Sidaas aawadeed, doodda ah in “Woqooyi iyo Koonfur” ahaan loowadaxaajoodo waa mid asal ahaan sax iyo ansax ah, laakiin aan ahayn sida ay SNM-tu umaldahatay.

  7. Mudane Muuse, Maxaad Soomali ku nacaysaa. Maanta idinka ayaa nabad iyo xasilooni ku nool.Maad isku daydid inad wafdi u soo dirto koonfurta Soomaaliyeed oo aad heshiisiisaan. Maad isku daydid inad Soomaali la garantaan, oo markiina idinka hoggaanka Soomaali la idiin dhiibo.
    Tan 2aad intaad Soomaali ka cararaysaan ha noqonnina gobol Itoobiya ka mid ah. Soomaali baan nacayaa oo shisheeye ayaan soo dhawaysanayaa caqli maahan.

  8. pintiland sidey somaliland iskugu ekeysiinasey ayey xiiqdey. pintiland waa gobol somalia ka tirsan, hadii muqdisho la hadasho somaliland pintiland wey ku khasban tahey waxey muqdisho goaamiso. pintiland dhawr dhirbaaxo oo somaliland ku dhufatey ayey wali la jiiftaa, lkn markaan wadnahaanu goyn doonaa. hawiye ha qabto kuriga muqdisho maalintaasa dawakh idiin yaalaaye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*