DAAWO: Senator Abwaan “Waxaa jira siyaasiyiin doonayay inay dab-qabad siiyaan gobalka Bari”

Guddoomiyihii hore ee gobalka Bari, Senator Cabdisamad Maxamed Yuusuf Abwaan, ayaa eedeymo u jeediyay siyaasiyiin uu sheegay inay dhibaato fara-badan u geystay shacabka gobalka Bari.

Senator Cabdisamad Abwaan, oo xalay xilka wareejiyay ayaa sheegay in madadii uu joogay xafiiska ay jireen niman siyaasiyiin ah oo xilal hore soo qabtay, iyo kuwa katirsan DFS, kuwaas oo isku dayay inay dab-qabad siiyay.

Shacabka magaalada Boosaaso ayuu ugu baaqay Senator Abwaan inay kala shaqeeyaan dowladda ka hortaga siyaasiyiinta uu sheegay inay doonayaan inay burburiyaan nabadda iyo dowladnimada ay heystaan.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Waa iska neefsasho iyo riix haduu ninkaan cidna magacaabin.waxay lamidtahay Dr bukaan ku yiri cuntada iska ilaali!imisaa cunto ayaa jirta.Yuu ka wadaa?Faroole,Gas,Sharmarke,Farmaajo,Xasan shiikh,Bixi?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*