DEG-DEG: Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid bayaankii Gaas iyo Faroole ee xal u helida PSF & Boosaaso

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in uusan qeyb ka aheyn bayaan kasoo baxay caawa siyaasiyiintii ku jiray xal u helida xiisada PSF iyo dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso,

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in aan lagala tashan bayaankaas, waxaana uu xusay in dhibkii Boosaaso soo gaaray uu dan u yahay baaq iyo xal nabadeed.

Bayaan caawa kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, ayaa looga horyimid go’aanadii Isimmada gobalka Bari, iyagoo ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya xasiloonida iyo wadajirka dadka Reer Puntland.

PUNTLAND TIMES

28 Comments

  1. Wlhy waa yaab arag ragan aan waxba ka khusayn Oo inyarna u damqanayn bosaso iyo shacab keeda Oo wiifto isku dhex dhaafsnaya, wlhy waa indha adayg cusub ee 2022 ulayimi. War halakala xishoodo markad hilib ka dharagteen magalada daacada nooga daaya uff 🤮

  2. Waa yaab.
    Meesha ma jin baa degay?
    Ma sidanaa faaruq Puntland u yihiin siyaasi iyo isimoba?
    Cumar waa nin dantiisa fiirsanaya,iskana diidaya inu Burhaan runta loo sheego maadaama uu yahay musharax,una habranaayo si asaga uu hadhwto codka Bari ugu diidin!!!!
    Waxa caddaatay inu dan Puntland,nabadeeda ka doorbdaayo kursi,danna ka lahayn,raali-gelinaayona shakhsiga aabaha u ah fawdada,amni darida Bosaso.
    Gacan dawladeed halagusoo afjaro qaswade Burhaan.

  3. Xaajadani Bosaso kashifto ayay noqon,waxana lagu kala baran khaainka aan daacadda u ahayn Puntland iyo siyaasiga u daacadda ah.
    Gaas & Faroole waa la ogaa daacadnimadooda balse ninkii codka usoo raadsan jiray ee dan kale ka lahayn waa muuqday,wuxuna la saftay garabka qaska wada!!!!
    Ha laga reebo haduu isu soo taago xildhibaan Puntland kasoo baxa.

  4. Waxaan daalacanayay wacadaraha ka dhacayay boggii hore ee go’aannada isimada lagusoo tebiyay, iyo bogaggii ka dambeeyayba, waxaanan aad ulayaabay sida ba’an ee shiishka loolaseegay xaqiiqadu waxa iyo sida tahay.

    Waxaa kale oo fajiciso weyn noqotay isloogannada xanafta leh ee la curiyay oo la isuna adeegsanayo – sida “reer Bari” iwn – oo loo ekaysiinayo in reer Barigu yihiin beel gaar ah oo ay Puntland iskudhacsan yihiin oo in amarqaadashada la oggoleysiiyana uu waajib yahay.

    Ilma-adeerrayaal, reer Barigu waa tolweyne iskudhex milman oo aaggaasna qarniyo soowadaagay oo waxaana kamid ah Ciise Maxamuudka loogu dhegahadlayo in ay yihiin “aaranjaanka” Bari iyo Boosaaso ugasoo duulay Nugaal iyo Garoowe.

    Xaajadani maba gayin in looyeelo wajiga ah Puntland ayay dhibaato kadhex taagantahay oo halis xunna kusugan. Mixnaddu waa mid Cismaan Maxamuud kadhex aloosan oo uu waajibkuna ahaa in lagu koobo. Mas’uuliyiin dhaqameed iyo siyaasadeed oo Cismaan Maxamuud ah ayaa juffo ahaan iskugu dhacay oo hantida iyo ciidamada Puntlandna si qaldan oo sharcidarro iyo xeerjebin ahba isugu adeegsaday, Puntlandna colaaddooda kusoo dhex tuuray.

    Isimada kale ee Puntland iyo waxgaradkaba waxaa looga baahnaa in ay kubbadda dib ugu laadaan xerada Cismaan Maxamuudka oo kuna amraan in ay ciyaartaas dhexdooda kusoo kala baxaan marka hore, Puntlandna ay garsoore ka noqoto. Qalad weyn ayuu ahaa in xaajo reer kadhexeysay mid Puntland dhammaanteed khusaysa loo ekaysiiyay.

    Hadda, nimankan Cismaan Maxamuud ah ee uu khilaafku ku koobnaan lahaa waxay heleen qiil ay kaga dabaashaan eedeymaha kagasoo furmi lahaa godobbada ay Puntland ka galeen iyo mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saarnaa in ay dammiyaan dabka buulkooda ka kacay oo Puntland halista xun kusigay.

    Marka laga faraxashana, waajiibku wuxuu yahay in Puntland qudheeda dib loo muraajaceeyo, maadaama uu dhabaq xooggani aasaaskeedii hore kuhabsaday oo sagxadda ay maanta hoos ugu dhacdayna dhigay. Puntland hannaan sugan ma saldhigna oo ah waxa sababay ragaadka kareebay martabaddii iyo maqaamkii ay maanta mudnayd.

    Waxay u baahantahay in RESET BUTTON-keeda la gujiyo oo qaddiyad iyo hannaan cayiman oo tolweynaheeda ka wada tarjumaya dib loog saleeyo, taas oo ah hawl in heer goshiyeed loogu gurmado baahi degdeg ah u qabta.

  5. Reer Bari waa dad dhib badan markaan taariikhda dib u milicsado!

    1aad. Reer Bari waa nimankii dilay mid kamid ah Madaxweyne yaashii Soomaaliya soo maro kii ugu qaalisanaa oo in kastoo uu Reer Mudug ahaa hadda asal ahaan Bari ka soo jeeday. C/rashiid Cali Sharmaake Ilaah ha u naxariisto, aamiin!
    2aad. Waa Gobolkii ugu horreeyey ee Dowladdii Siyaad Barre in uu ka hoos baxay ku dhawaaqay, markii aay Siyaad Barre Xamar Xabbadda kaga billaabatay 91kii.
    Dowladdii Siyaad Barre oo weli ku mashquulsanayd, dhameystirka jidka Garoowe/Boosaaso iyo Dekedda Boosaaso oo aay shaqadeedu socotay! Iyagoo wax yar ka horna dilay, Guddoomiyihii Gobolka Bari oo Beesha Hawiye ahaa!!!!

    Marka, nimanku niman dhib yar ma ahane, ha la xodxoto oo xaalka ha loo dhajiyo, iyaga iyo macal Denigoodaba waa un isku dhaqan! Kkkk
    Oo Majeerteenka kale hawshu ha u istaago oo xaalku ha la qaboojiyo!!

  6. Sheekada looma dhama heshiiska wax nagu cusub ma ahan.
    Ninka aniga si personal ah u gudbin dacwad wadanka Canada uu dhalashada ka haysto. Jaamacada Carleton aniga cabasho u gudbin.

  7. Xaajo siyaasi ah ayaa la rabaa in laga dhigo mid amni oo PSF & isimo lagula meeraysto.
    Ardintaani waxay u egtahay mid siyaasiyiin u dhexeysa,tahayna loolan dhexdooda ah.
    Ani markaan qiyaasay Deni ayaa loo dan leeyahay markii la maqlay waa musharax federaalka ah,waxana waxan loo sameeyay in lagu sumcad dilo,xataa is casilaadii gudoomiyahii iyo Ku xigenkii Tipec.
    Isimada & PSF kulli siyaasi loollan adag kula jira Deni ayaa wada,laba ninna waan tuhunsanahay mid waa Cumarkan hadda is kashifay,kan labaadna waa Farmaajo.
    Inay labada dambe kulmeenna waa jirtay,waana u egtahay in Deni sidii karkaarka loo weydaarin lahaa loo heshiiyay.
    Allaahu yaclam,balse nin reer Bari ah ayaa shidada wada,isimadu u kiraysan yihiin runtii.

  8. Ccrashiid marna siciid deni buu kuxumaynayaa marna boqor burhaan iyo ilmo diyaano ayuu toos ula safan yahay ninkaan ina cabdirashiid waa farsamooyin badan yahay nin lafahmi karo maahan

  9. Reer Nugaal iyo Cumar Abdirashiid ayaa Ku heshiiyay in la fashiliyo hogaaminta Deni si labadaasba u gaaraan hadafkooda.
    Cumar khatar wuxu u arkaa Deni oo R/wasaare inu noqdo ayuu rabaa,reer aaran jaanna waxay rabaan inay Deni dabadiis PL ka taliyaan!!!!
    Reer Mudug ayaa wax Puntland u daacad ah jira boowe.
    Runtu waa intaas dadka wax kale ayaa lagu jaah wareerinayaaye.

  10. Cumar caqli caruur ayuu awalba ahaa oo caaqiba ma lahayn.

    Shaki kuma jiro in uu afar ku ahaa bayaankii soo baxay laakiin uu gees uga lexday isagoo inkiraya kamid ahaanshihiisa.

    Sadex odayaal oo ah masuuliyiin… sidee bay been iskugu raaci karaan oo u dhihi karaan cumar caale-buur baa nala qoray bayaanka.

    Awlal

    Waxba wax baa ka horeeya. Horta hore waa’in — kala dambeynta iyo u hagaamida sharciga la sugaa, markaas kadhib shirweeyne reer puntland iskugu yimaadaan si dhabe cusub oo xaqa ku taagan loogu falo puntland .

    Dhulkii oo falaago gondaha haysato waxna lama sixi karo. Baryootan’na wax ma saxayo.

    Wey muuqataa in Burhaan iyo kooxdiisu diyaar u yihiin dab iyo dagaal– hadii aan laga yeelin damacooda quracan.

    Waxaa moodaa in ay been u sheegtay labadii maalmood ee xabada laysku tuuray. Ma oga in loo turayey.
    Doqon iyo marwo la qabo’ba ninkii u tura ayey ka adagyihiin oo usoo fara baxsadaan.

  11. Kooxdaanu wey cadeysteen warkooda oo dagaal ayey ka xigaan hadii aan damacooda la yeeli.
    Arin kale iyo wada hadal dambe oo haray ma jiro.

    Waa in arinka la hor geeyo baarlamaanka puntland oo go’aan kama dameys ah oo sharciyeysan looga gaaro sidii la yeeli lahaa.

  12. @@@Caaqil Qardafui,

    Waan kugu waafaqsanahay in marka ugu horreeya xaajadan lasoo afmeero – sida aad ku dheehan karto taladayda kuxusan hadalkayga kore ee “marka laga faraxashana” ka billaabanaya.

    Sida aan kor ku doodayna, xaajadani ma ahayn mid uqalantay oo kuna habboonayd in loo ekeysiiyo dhibaato heer Puntland u aloosan oo in lagu xalliyona mudan. Waa dhibaato beesha Cismaan Maxamuud buulkooda dhextaalla oo mudnaydna in lagu koobo.

    Waxaase dhacday – nasiibdarro – in aysan Puntland ku dul dhidibbanayn hannaan dhisan oo sugan oo sidaas ajligeedna aanay lahayn gardhe iyo hay’ado dastuuri ah oo ligan oo qummaati uga gaashaami lahaa dhacdooyinka nacaseysan ee reereysiga kusaleysan, sida tan oo kale.

    Cabsida aan qabo waxaa weeye in qalalaasooyinka siyaaseed ee casabiga ah sida kan oo kale ay aalaaba kudhammaadaan dagaal ba’an oo lagu kala adkaaday, maadaama uusan jirin hannaan si sharciyeysan oo dastuuri ah usoo afjara.

    Puntland uga ma sokeyso in ay talooyinka isimadaas hadda la qaato oo xaajadanna sidaas lagu laalo oo kaddibna loodhaqaaqo in Puntland hannaan sugan loo yagleelo inta bulshada qaybaheeda kala duwan olo’looyin baahsan oo dib uhabeyn ah laga billaabo. Haddii aan sidaas layeelin oo uu dhiig dambe Puntland ciiddeeda ku daato, waa sida iyadana naxashkeeda loo saaray.

  13. AWLAL

    Isku meel ayaanu xaajada badankiis u wada wadnaa aan ahayn mida ku saleysan hanti qaran oo loo daayo kooxdaan, iyo midkasta ee mustaqbalka saasoo kale la imaada damac guracan.

    Hadii bari ka maalin aan ana’ laiga yeelayo damac gurac ee aan la imaado… hadee waxna kama qabo in kooxdaan damacooda loo aqbalo. Wadadii loo falo kooxdaan ayey kuwa kalena marayaan.

    Waxuu xaalku noqon xeer la dajiyey oo aan laga meereysan karin.

  14. @@@Qardafui,

    Aad baan ufahamsanahay xagalka aydun adiga iyo akhyaarta badankooda xaajadan kasoo dheehanaysaan, aniguna waxyar ayaan aniga xagalkayga xaajada idin katusi doonaa – waase inoo berri e hadda ma aha Insha’Allaah.

  15. Muuqatay inaynaan arimeheena xalisan Karin ee xaajada Daarood ha lagu wareejiyo siiba Ogaadeen kollay Harti waxba kala qaadan mayaan,Mjna kaba sii foge.
    Weliay kuma fekerin xaajo saas u fudud baa cid xalisa loo wayn,rag badanna maradu uga dhici oo lagu baran kartidooda xal ka gaaridda amuuraha noocan ah.
    Meeshan siyaasi iyo isimoba waa lagu ceebaysan yahay.

  16. talada juxaa waa tala wanaagsan daniyow qaado taladaas.Dadkoo dhan ayaa kuu grab istaagin dagaal xataa hadaad ka adkaatid faaiido kuma jirto dagaal ha qaadin ceebi kuma saarnaa meel fiican ayaa wax dhigtay waqtigu waa kuluyahay abaarta ayaa ka daran dagaalka ha degdegin

  17. Hadii warqadii afwaliinjo qolka mugdiga ah ku soo xarxariiqday oo aan saxiixa lahayn ma qabo in dad lagu eedeeyo. Deni aaranshaydaan iyo adeerkood faroole ayuu Wakiil uga soo dhigtay wadahadalada. Faroole waa kan dacwada laga yahay oo hay adihii ka raray Bosaaso oo reerkiisa u raray.
    Gaas waa kii millions ka soo qaatay DP world guryahana nairobi uga dhistay
    Waa “ kii iilka dhigay u ergootooy.” Wacade puntland waa la wada lahaanyaa ama waa la kala lahaanyaa. Nina ciyaal xunoo reer baadiye ah oo qarxis iyo xaasbahale ka yimid Nina meel ugu xirnaan maayo. Garowe waa taa dhulbahantihii ab ka ab deganaa masaarta iyo faaska lagu ceyrsanayo. Cumar ma rabo dhiiqada faroole in uu galo.

  18. Puntland ama maamul shacab madaxdooda doortaan ayey noqon ama meel tuugo kaabo qabiilo ah u taliyaan ayey noqon.
    Meesha inqilaab ayaa ka dhacay oo Burhaan na tusay in asaga maamulo Puntland.
    Wuxuu rafacay heshiiskii dowladda Puntland gashay.
    Wuxuu qaybiyey ama qoondeeyey dakhliga Bossaso.
    Wuxuu ina adeerkiis Ina Diaano ku wareejigay hub, hanti, ciidan iyo dhisme Puntland.
    Waxaa meesha ka dhacay waa Treason, khaainu wadanimo.
    In Deni maamul xukumo ayaan arkodoonaa.
    Ina Cabdirashiid kurso seneter uu ku mushaar qaato ayuu u yimid markale Burhaan beeshiisa booska siiyo, ka duulin marka kursiga helo.
    Dagaal la hurimaayo iyo in Puntland sharafteedii lasoo celiyo ama lagu kala tago.

  19. Gaas,Faroole,Abwaan waa ka huleeleen Boosaso,waxayna warbixinta geyn doonaan Garoowe.
    Deni ayaa kubadda dib loogu celiyay,waxana la sugi sidu ka yeelo arrinta wada tashiyo kadib.

  20. Burhaan waa ninkaas inqilaabay Deni iyo maamulkii dhamaa marka ma u daahayaa Cumar hadu mucaarado?
    Cumar Islaan Bashiir & Islaan Ciise isim uma ahan,Burhaanna waa adeerkiis,waana iska diiday in asagu iska daba kaco Gaas & Faroole.
    Ninba waa tolkiis.
    Cumar Bari iyo Boqor Burhaan ayaa hudhan.

  21. Puntland lagu kala teg.
    Eeyo bah Dir ah oo ragii xakamayn karay dhinteen ayaa caawa Puntland in xoog kula wsreegeen na tusay.
    Haddaan diin la dhigan oo ninimo midida daabka la adkaysan dulli baa lagusocdaa walee labada Daarood.

  22. Cumar ayaa abaabulay isimada,si uu danihiisa ugu fushto.
    Maxaa waqtigan kusoo aadiyay heshiiska Dp world hala tuuro?
    Waxa la xoqday kaarka Bosaso,dekedda si Imaaraatiga lacag malaayiin ah loogasoo qaato ayadoo la leeyahay waan dhameen arinta si meeshaas looga sameeyo dhaqaale doorashada lagu galo,isimadana balaq loo tuuro!!!!!

    Nin arrimahaas Nairobi ka hagaya ayaa Gaas & Faroole Ku dagmeen,arrintana nala gal ka dalbadeen!!!
    Gadaal buu ka bareeray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*