DEG-DEG+AKHRISO: Madaxweyne Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay G. Bari

Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES 

24 Comments

  1. @@@Qardafui,

    WAA JAWAABTII AAN BALLANQAADAY

    Marka, sharciga loohoggaansamayo ee Puntland ka jira waa kee? Ma Golaha Shacabka ayaa dhisay? Ma kuwa bulshadeenna iftiinkeeda ah ayaa inoo dhisay? Yaase gacanta kuhaya oo sida uu doono ugu takrifala? – sow madaxweynaha uun ma aha?. Sida aalaa nidaamka noocan ah ka dhacda oo haddaba dhacdayna, madaxweynuhu sida isaga maankiisa iyo maaggiisa waafaqsan ayuu sharciyadaas caskarinimo umaroorsadaa, ufasirtaa, oo una adeegsadaa (illayn waa madaxweynihii dhammaa e!).

    Sidaasu waa si ka baxsan caddaaladda, sinnaanta, iyo soornaanta uu dawlad-wanaaggu kusaleysanyahay oo kuna shaqeeyo ee ay Puntland maanta istaahisho. Waa nidaam uu madaxweynuhu garsooraha, fuliyaha, iyo xeerbeegtidaba keligii ka yahay.

    Sidaas aawadeedna, qiilka “ilaalinta sharciga” ee aydun ugu maraanmarsoonaysaan in uu Siciid Dani dagaal ku qaado muwaaddin iyo mucaarid kasta oo wax saluuga amase tabanaya, waa mid aan macquulsanayn oo aadna uga baxsan nidaamka dawlad-wanaagga hayinka ah. Puntland iyo Sooomaaliya oo dhanba, sharcigu waa madaxweynaha oo madxweynuhuna waa sharciga. Xaq umaleh ay cid kale naftooda kuseejiyaan iyaga oo “sharciga” qiil uga dhiganaya.

    Waana sababta aan ugu nuuxnuuxsanayo in si dhakhsa leh Puntland loo dabaqabto oo hannaan rasmi ah iyo nidaam dawladeed oo sax ah dib loogu yagleelo, waayo haddii uu hannaanku jiro waxaa sugnaanaya sinnaanta iyo soornaanta iyo kalsoonida gardhaha laga qabo. Waxaana meesha ka masaxmaya nidaamkan reereysiga ee istuhunka iyo kala-shakiga aaburay oo in sidan loo kala-irdhoobona sababay.

  2. Ma Deni baa “wiifto” soo saaray?!

    Jaalle madaxweyne, laga bilaabo bayaankii ka soo baxay isimada gobolka Bari, ee uu hoggaanka u ahaa “Boqor Burhaan”, Putlayn waxa ay qaadatay nidaamka “federaalka”!

    Sidaa daraadeed, gobol waliba usaga ayaa u madaxbannaan guddoonkiisa degmo & goboleed. Wax danbe oo dawladda dhexe naloo kaga soo magacaabayaa majidho. Wixii hadda ka danbeeyana waa inoo xisaabta.

    Aan sii yara jilciyo, hadal bay kala daysan weydaye, maxaa lagu today dawladdii dhexe ee Xamar fadhiyi jirtay? Waxaa lagu riday khayraadkii & jaamacadihii & miiddii jamhuuriyadda oo dhan oo ay Xamar geysay si ay awoodda u kaantaroosho oo ay shacabka ugu amar ku taaglayso oo ay cunaha u qabato.

    Haddaba, kawarrama tii oo 4 jibaarran haddii nin waliba uu xaafaddiisii la yimiday?! Marka, xaafadi ma u adkaysan kartaa wixii dumiyey jamhuuriyaddii dhammayd? Waa intaas waxa la rabo in lagu maamulo, ee qaaqda kaga yeer siiyey isimadan go’aamadooda dad badani la yaabeen.

    Bal tan iska daayoo Hargaysa dhawra, waa lawada qaylinayaa. Maxaa wacay, culayskii dumiyey jamhuuriyaddii, tiiyoo 4 jibaarran haddii aad xaafaddaadii dul saarto, oo aad istiraahdo ku maamul, ma qaadi kartaa? Waa intaas waxa jamhuuriyaddii kaga qaaq siiyey; maamul xumo.

    Gunaanadkii, waar runta halloo soo noqdo, oo cagaha dhulka halla dhigo; sidani si wax Ku sii socon karaan ma aha ee dhako kale halla keeno.

  3. Wuxu bedeli gudoomiyihii hore Abwaan maadaama senator loo doortay,uuna sii ahaan Karin gudoomiye.
    Siyaasiyiin saameyn ku leh gobolkooda waa in la magacaabaa.

  4. M.a gudomiyaha cusub Shaahdoon waa oday wax badan og! markii lasoo qaxay baa daris ahayn, dadkii la ayniga ahaa waa wax wadanka iskaga tagay iyo wax naga hooseeya.

  5. Qoodaar- waad ku mahadsantahay warbixinta aad nala wadaagtay, laakiin nidaam oday ah oo waxbadan og oo wax kala xadaynaya hadduusan meesha oollin shilal badan baa dhacaya oo la mid ah xaajadan maanta Booso loo fadhiyo.

    Annagu adduunka waynu ka geddisannahay oo waddan dawlad xumo burburisay baannu nahay oo la rabo in dib la isugu kabkabo oo sagxadda laga soo dhiso, markas ma dawladnima xumadii na burburisay oo 4 jibaarran baynu isku dhiqi karnaa sida hadda socota?

    Federaalkana sidaas baa ka socota, maamul xaafadeedyaduna waa la mid. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa, “calooshu waxa ay ku bukooto laguma daweeyo.” Waxa maanta jahawareerka innoogu wacani waa intaa iyo inkale oo lagu daray sida aan qabo.

    Sidaa daraadeed, waa in caddaalada & maamul wanaagga loo noqdaa. Waa in ay jirtaa Isla xisaabta. Waa in la hirgeliyaa nidaam “garsoor” oo tayaleh oo madaxbannaan. Shicibka “xorta” ahi iyaga ayaa dawladda iska leh. Addoomo Uma Nihon nimanka madaxda sheegta. Waa intaa wax kale ma jiraan.

  6. AWlal

    Si facaan ayaa u darsay tilmaamahaagii badnaa oo taxayey nusqaamka ka jira puntland oo xaadirka burqamay oo sababay marxaladaha maanta taagan.

    Xanuunku waxuu ku yimaadaa sabab. Qaar waa mar soo bood, qaarna waa maareeyste oo hadba meel iska bidhaamiya oo markuu helo marmarsiyo ayuu mar soo dagaa oo isisoo shaac bixiyaa.

    Cudurka hada soo dagay waxuu yahay meereyste, oo bidhaamihiisu wey bilig-biligleeyn jireen inta uusan hada sida dagdaga ah usoo dagin.

    Dawo raadiska waxaa ka horeeya in horta hore la darso cida uu cudurku ku abtirsado ama isir wadaaga la yahay.

    Mar hadii cudurkii la aqoonsado waa loo abtirin karaa, oo dawadisa ayaa la raadin karaa.

    Waxa maanta reer puntland haya cudur aysan u abtirin karin.

    Bal aanu taariikhda dib u jaleecno si aanu u fahmno waxa uu yahay curka na haya.

    Gumeeystihii ka hor waxaa gayiga puntland ku noolaa beelo bah wadaag ah oo ku bahsan dhulal magacyo kala duwan leh, sida SANAAG, SOOL, BARI, NUGAAL iyo MUDUG iyo qaybo ka mid ah dagaanada ku heersan sida Caabudwaaq. Bahweyntaasu waxay kala lahaayeen dhaqan iyo laahjado lagu kala garan karo. Laakiin Waxay isku dhaqi jireen hal sharci oo loo yaqaaney XEER oo ay wada ayiidsanaayeen. Waxaa kaloo u magacownaa UGAASYO, ISIMO, GARAADYO,SULDAAN IYO BOQOR oo intaasu ahaayeen magac u yaal ee aysan umada si toos ah iyo si dadbanba u xukumin markii loo barbardhigo xukumadihii waagaas dunida ka jirey.
    Waxaa qayiga ka jirey xoriyad shaqsiyeed iyo tu qoys iyo tu beeleed.

    Gumeystiii kuma uusan guuleysan in uu qayigaas si toos ah u xukumo oo amarkiisu ka jaanqaado. Waxuu gayigu u ahaa magac u yaal oo si toos ah uma xukumin.

    Markii ugu horeysey ee qayigaasu la darso amar iyo xukun toos ah waa markii ay curatay dowladii kacaanka, taaso umadii gayiga ku noqotay amakaag iyo filiwaa oo xoriyadii ay cirka ugu kaaji jireen ciidu cuntay.

    1991 ayey xoriyadii mar labaad soo noqotay.
    Waxaa markaas muqadas noqotay in gayiga loo sameeyo dowlad gaar u ah.
    Waxaa dowladaas lagu dhisay fikir aan ku qotomamin xoriyadii dhaqanka u ahayd gayiga,

    Waxaa xididada loo taagey dowladii ayadoo aan xisaabta lagu darin xoriyadii xad dhaafka ahayd—-inkastoo xoriyad xad dhaaf ah…aanan dunida casriga ah dal iyo dad lagu dhaqi karin.

    Gayida kale ee dhulweynaha somaliyeed waxaa si toos ah uga dhan galay awaamirtii gumeysteyaasha… sida Djibuti, waqooyi galbeed konfurta somalia, Somali galbeed Iyo NFD.
    Qolooyinkaanu waxay ku ababeen amar qaadasho oo waad aragtay sida ay amarka u qaataan reer Djibuti,NFD,SOMALI GALBEED IYO SOMALILAND.
    Reer koofur wali ma helin quwad amar siisa laakiin aad bey ugu nugul yihiin amar u adeecid.

    Calaa iyo kuli xaal– cudurka haya reer puntland waa loo abtiriyey oo waxuu isirkiisu sal dhigtay… “xoriyada xad dhaafka ah”.

    Hadii arinka la saxayo oo puntland loo dhisayo wado cusub– hadee ha laysku dheeli tiro oo hala mataaneeyo xoriyadii xadhaafka ahayd iyo maamul aan ku xad gudbahayn.

    Mar hadii cudurkii la haley maarihiisa lama waayayo.

    • Qardafui
      Meeshan siyaasi damacii ayaa loo walaaqayaa,hunguri isimo,jilayc maamul.
      Anaga lamid maahin dhulka aad xustay oo ay jirto xoriyad taam ah,la xisaabtan,nadaam shaqaynaya oo kalsooni bulsho haysta,kana fayow qaska koonfurt,damacyada khatarta Ku ah Puntland ee ka imaanaya siyaasiyiinta mandaqadda oo Ku xafiltan kursi Xamar laga helo u sadqaynaaya xasikoonid Puntland.
      Waxaad qarsataaba waa Ku qarsadaan meel aan waxba jirin ayaa xayaysiin been ah ,ka been sheegid wadcigeed la waday,hadaana la kashifmay.
      Hogaan xumo,siyaasi xumo,isimo xumo,bulsho xumo,nadaam xumo,ciidan xumo,maliishiyo.
      Waa waxaas waxa muuqday ee maxaa xal ah?

  7. HADII AANU NAHAY ODAYAASHA GOBALKA, WAANU QAADACNAY GUDOOMIYAHA CUSUB. WAXAANU MAGACAABAYNAA MIDKALE , SIDAAD HALA OGAADO

  8. Ala ceebweeynaa wlhy hadaa maanta iska jari lahaa magaca harti xataa boqol malyan waan siisanaa Lahaa hadaan xataa hayn lahaa.

    Ilayn magac xuma looma nooolaan karo.

    Wxn Ku hadlo garan maayo wlhy aloow puntiland badbaadi !

  9. @@@Gardafui,

    Absolutely! Jaanta waynu isla helnay labadeennu. Haddii aynu xagal kalena kasoo eegno, xurriyaddaas iyada ah ayaa caddayn buuxda u noqonaysa in aynu ahayn dad xadaarad dheer soolahaan jiray oo dunidana ka kasbaday xurmad iyo qaddarin taam ah.

    Dhibtu xurriyaddaas “xad-dhaafka ah” ma aha ee waa in xadaaraddii ay kusaleysnayd oo qummaati u habeynaysay inta laga hayaamay, maqaam kasii liita laga doorbiday.

    Puntland iyada oo Soomaaliya iyo Mandiqadda Soomaaliyeedba katirsan ayay islamarkaana leedahay mansab iyada aqoonsi gaar ah u ah, wayna heli kartaa in ay mansabkeedaas ugu dhex noolaato dalka iyo mandiqaddaba.

    Dhabaqa aan had-iyo-jeer hadalhayana wuxuu dhacay 1960kii, markii laseegay talada ah in ay Puntland (geyi ahaan) isla Soomaaliya gudaheeda kusii lahaato mansabkeedii qaddiimka ahaa; waana waxa ay Englishu ugu yeeraan ‘Duchy’ oo laga arki karo qaaradda Yurubta – sida Lichtenstein, Monaco, Luxembourg iwm.

    Waxaa tixraac noogu filan, in awooweyaasheenni hore ay intii udhexeysay dhammaadkii qarnigii 19aad iyo billawgii qarnigii 20aad isku biirsadeen saldanadahoodii garbaha isku hayay oo kana unkeen qaran markaas loo aqoonsaday ‘Boqortooyada Soomaaliyeed’. Waxay ahayd dawlad iskudheellitiran oo wax kale iska daa e awoodday in ay quwadihii waagaas dunida ka jiray ka iibsato shan maraakiibta-dagaal oo casrigaas lagu faani jiray. Hadda waa 1896 ilaa 1918! Afrika xaggey joogtay xilligaas?!

    Haddiiba ay awooweyaasheen xilligaas libinta intaas la’eg soohoyeen, maxaa jiilkeennan kaga gudban? Waxaana kaga gudban in aysan qaddiyaddaas quluubteenna ka qoyanayn oo maankeennana kadhex guuxayn maadaama aynu taariikhdaas dahabiga ah ka arradannahay.

    Waana sababta aan ugu jiro halganka culus oo ku aaddan in aan tolkaygan sooyaalkiisaas dahabiga ah ee uu ka jaahilsan yahay ku baraarujiyo oo xiisihiisa iyo xamaasaddiisana ku abuuro.

    • Awlaalow ogow in dunidii isbadashay. Jiilalki dunida ku dhalanayey laga bilaabo dagaalkii 2aad waxay noqdeen waxay gaaladu ugu yeedho “boy man”. Waa wada ciroole caruuroobay iyo waxay dhaleen.

      Marka ay dunida ku dhashaan 3-dex jiil oo ah boy-man ayaa waxaa dhasha 1-hal jiil oo ah “man-boy” si ay u saxaan khalalaadkii ay kasbeen 3-dex’da jiil ee ahaa “boy man”.

      1960 waxuu ahaa sanad isbadal weyn ku keenay gayiga somaaliyeed. Waxaa curtay qaran somaaliyeed. Xamar ayaa xarun u noqotay. Wiilkii ku dhashay ban-kii galayax ayaa baadiyihii iyo xoolihii kasoo hayaamay. Waxuu ku biiray barbaaradii awal ugasoo hormartay Xamar, oo wada besaani noqday, oo erey kasta ku xijinayey “nooh”. sidatan oo kale…. “Waan aqaan nooh”..”waan daadiyey nooh” …”reer xamar aan ahay nooh”.
      Ayagoo qof kasta ee aan u hadlahayn sidoodoo kale ku eedeynaya reer baadiyenimo. Waxay taasu kaliftay in bulshadii ka dhex bilaabmato baadiye ka carar. Waxay kaliftay in 50ton-jirkii ka cararo asilkiisii oo uusan carurtiisii barin ab iyo isirkoodii. Abtiris’ba iska daa oo waa adigoo isku cadeeyey baadiyoosnimo. Macnaha ma aha in jiilkaasu noqdeen sumad laawayaal oo ay qabyaaladii ka koreen.

      Waa abadan.

      Waxaa daliil u ah 1991 markii labadii wiil ee ahaa ciyalka xaafada oo ahaa caysh iyo milix isku qawraceen qabyaalad oo midna midkii kale bixin waayey.

      “Beesaani baan ahay nooh” ey baa cunay.
      Waxaana ku xigtey cagtay i bixi.

      Waxkasta asalkeeda ayey ku noqdaan oo waxaa la huri waayey caawskii jilaal iyo baadiyihii laga faani jirey oo lagasoo hayaamay 3-dex jiil ka hor.

      Guri hooyo waa lama huraan.

      Awlaalow— hadaladayda kore waxay wali baadigoob u yihiin haleelida iyo u abtirinta cudurka na haya– hadaanu nahay reer puntland.Xamar waanu eednay oo wey na dhaqan rogtay.

      Dhowr jeer ayaad ka dhawajisey ineysan jiilkaanu dareensaneyn awodihii awoowayaashoodii hore iyo gobonimadii ay lahaayeen.
      80% jiilka hada ku nool puntland waa jiilkii “nooh” iyo kuwo ka daba lumay.

      Boqorkii ayaa ah “Reer Nooh”. Isimkii iyo beeldaajihii ayaa ah nooh. Siyaasigii ayaa ah “nooh” oo tusaale fiican waxaa lagasoo qaadan karaa Cumar-buur ina Cabdirashid Cali sharmarke.

      AUN Cabdirashid Cali Sharmarke iyo cabdullaahi yuusuf waxay dhashay inta aysan curdamin jiilka “Nooh”. Waxay ahaayeen niman rag iyo rabigood yaqaaney oo rugcadaa ahaa oo kasoo jeedey jiilkii hore ee markaas sii daba go’ayey.

      Nin “reer nooh” ah haka sugin in uu dad iyo dal nooleeyo. Walina sidii ayey baadiyihii uga baxsanayaan oo daar magaalo iyo xil magaalo dhoodhoobanayaan. Waana sababta keentay in aan la daneyn baaba’a ka jira baadiyaha hadey noqoto biya la’aan ama dhir la’aan oo dhulkii nadaam guurey. Wasiirka dagaanka iyo duunyadu waa “reer nooh” oo laguma ag sawirayo baadiye iyo boor geel.

      Marka saaxiib muskilada taagan ma sahlana oo waxay u baahantahay dhaqan celis dhowr farcan socda oo ay kasoo baxaan “man-boys” oo u dhigma labada oday ee aan kor ku xusay. Allah ha u wada naxariistee.

      Awal baa la dhihi jirey laxda ku dhalatay “taalo dheer” ayaa ka caqli badan wiil xamar ku dhashay.

      Waxaan la yaabanahay Awlaalow cida u maqan gayiga oo u dhisi doonna wado cusub mar hadii “nooh” meelkasta ka yeereyso.

      Firxadkii baadiyaha looga soo firxanayey wali waa socdaa oo hada reer tuulaadkii ayaa noqday reer magaal oo feer riixaya dhalaankii ku haray baadiyaha. Xoolihii ayaa ardaayaasha lagusoo xareystay — baadiye ka carar awgeed.

  10. Saxid-1

    “boy man”. Waa wada ciroole CARUUR-nimaadii ka korin iyo waxay dhaleen.

    Saxid-2

    AUN Cabdirashid Cali Sharmarke iyo cabdullaahi yuusuf waxay DHASHEEN inta aysan curdamin jiilka “Nooh”.

  11. IS DAJIYA KURSI IYO XUKUN LA ISKU QABSADO INTI NOOLAHA JIRAY WAA DHICI JIRTAY WAANA DHICI DOONTA.
    MA CAAWIYA BINU ABU SUFYAAN VS CALI NIN ABU DHALIB (RALIYALAHU CANHUM) AYAA ISKU QABSADAY.
    WIILASHOODII AYAA ISKU DILAY YAZID BINU MACAWIYE VS XASAN.
    QARNIGAN AAN KU NOOLAHAY USA AYAA SHEEGTA INUU YAHAY HORYALKA DIMUQRAIYADA DONALD TRUMP ILAA MAANTA MA AQOONSANA IN LAGA GUULEYSTA MARKA KA SHEEGEYSAAN MARYOOLEEY TACBAAN AH OO GEESKA AFRICA GAAJO IYO DARXUMO KU NOOLAAN NOLOSHOODA.
    HADAL IYO DHAMANTI ARINTA BARI IYO PUNTLAND INSHALLAAH WAA ISKA DHAMAANEYSAA MIIS AYAA LA ISUGU TAGAYAA.
    BALO MA JIDHO BOOWE YAAL.

  12. Cudurka PL hayaaba waxay idinla tahay in reer magaalnimadu u sabab tahay!!!!
    Laba duq oo iska burqaday,waxbase aan ka sheegin xal u helidda Puntland.
    Xamar baa la aaday inta laga hayaamay Puntland
    Waa la ilbaxay
    Waxaas ayaaad u saaraysaan dhibka!
    Naga aamusa caqli maafish baad tihiine
    Duul idinka canal ah ayaa taladana haya min isim ilaa xakuumad
    Maxaa laga sugin
    Waxaas aad Ku hadaaqaysaan uun
    Kkkkk

  13. @@@Bishaar

    Ma tihid reer Puntland; waxaad tahay taageereyaasha Labo-jawaanley (Somaliland). Xiwaarka reer Puntland baad soo dhex xuluulatay si aad xayeysiis ugu sameeyso labada jawaan iyo ee beenta iyo lafuhu ku cabbeysan yihiin.

    Halka aad joogtaan waxaa markhaati u ah hadalkii ugu dambeeyey ee Faysal Waraabe ku sheegay in 80% dadkiinnu ay nasiib leeyhiin haddii ay 24kii mar wax cunaan. Dhallinyaradiinnii waxna badda ayey ku daateen, waxna Xanar bay dhooban yihiin oo qaraxyada Alshabaab bay dugsanayaan.

    Siyaasad ahaan, waxaa nooga filan in Faysal Waraabe ka digay in dib loogu noqdo 1994, waana cabsidaas iyo xusuustaas xanuunka badan midda ilaa hadda idin kala celinaysa.

    Markii ay dhacday doorashadii baarlamaankiinna ee aad bilowdeen faanka iyo tookha ayaan idiin sheegay in aydnaan waxba uga dabbaaldegin xildhibaanno qabiil lagu soo doortay, balse sugtaan marka la gaaro doorashada madaxweynaha iyo in Muuse qabto doorasho hufan, xilkana wareejiyo haddii laga guuleysto. Wixii aan ka digayey ayaa ifafaalahoodii bilowday, markii waqtigii soo dhawaadana waxaa sii xoogeysanaya waxa Muuse damacsan yahay. Intaadan cid kale naqdiyin, ka tabaabushayso sidii aad uga badbaadi lahayd bamka waqtiyeysan (time bomb) ee aad dulbarraaqdo.

  14. Professor candi saciid samatar magaaraa ama
    Madhowyahay mohamed cabdullahi farmaajo
    Somaliyeey iiga soojawaaba
    Walaalayaal adinka oo
    Qiimayen kusamaynaayo
    Intaad kataqaanaan president farmaajo cabdi ismacil samatar
    Asc somali all of you

  15. @@Mohamed Ali,

    In aad Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aqoon ahaan isbarbardhigto ayaaba lagugu layaabayaa xaqiiqdii.

    Sida aad ku socoto, in aad Farmaajo mar dhow Nebi Ilaahay kutilmaanto ayaa lagaaga cabsi qabaa.

    Labadoodana, kan maanta 100% mudnaa in uu kursiga madaweynaha kufadhiyo waa Cabdi Ismaaciil Samatar, in aysan sidaas ahaynna waxay caddeyn iyo marag buuxda u noqonayaan in ay Soomaaliya iyo qarannimo isujiraan inta ay mashriqu iyo maqribku isujiraan.

  16. Oday

    Ina adeer ha nixin oo ha gariirin sababtoo ah ma jidho cid afka ku goosanaysa hadii aad eray kasta ka dambeysiisid “NOOH”.

    waxaa fiican in aad tolo keen noqotid ama hadii aad awoodin’nah aad noqotid talo raac.

    Hadii aad baadiyihii ka baxsatay’na — wali toobadii daqan celisnimadu wey furan tahay, oo tolkaa iyo dhaqankii awoowayaashas waad usoo noqon kadhaa.

  17. Mahamed Ali

    Labadaba wax aan ka sheego ma aqaan. Samatar hadaaba iigu horeysa oo aqoon hore uma lihi. Farammjo’na waa nin aamusan oo guri ku xiran oo wax laga sheego la garanahayn.

  18. MAXAMED ALI ADIGA FARMAAJO AYAAD WADATAA OO AAD LA,DAHAY MEEL AAD DHIGTO.
    SXB ARIMO XASAASIYA AYAA U YAAL REER PUNTLAND MARKA FARMAAJO ARIMAHIISA DIB INOOGU DHIG.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*