DEG-DEG+AKHRISO: Wasaarado kamid ah DFS oo lagu eedeeyay boobka hantida Qaranka, Waa kuwee?

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee DFS ayaa ku eedeeyay Wasaaradaha kalluumeysiga, Ganacsiga, Gargaarka iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS, inay ku howlan yihiin tallaabooyin hareermarsan hannaanka sharciga iyo dowlad-wanaaga.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga ku wargeliyay joojinta bixinta ruqsadaha kalluumeysi ee maraakiibta shiisheeye, halka Wasaaradda Ganacsigana uu ka dalbaday inay hakiso bixinta qandaraaska hubinta Tayada Badeecadaha oo aan loo mareyn hannaan sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyn, Hanti-dhowrka Guud ayaa ugu digay Hay’adaha DFS iyo masuuliyiintooda, falalka lagu baalnmarayo shuruucda dalka oo ay dhalanayso khasaaraha hantida Ummadda, waxaana uu sheegay in masuulkii ku sifooba falalkaas in lala xisaabtami doono.

PUNTLAND TIMES

3 Comments

  1. Oo illayn Xamar oo dhan baa xero tuugo noqotay e, sowtii aan maqlay tuugadu isma xaddo oo fartana iskuma fiiqdo?

    Maxay noomaleeyeen tolow?

  2. “Hannaanka sharciga & dawlad wanaagga,” waa ereyo aan kala soo dhex baxay tuducda koowaad.

    Waddan aan hannaan “garsoor & baarlamaan” madaxbannaan, oo tayaleh lahayn, waa maxay hanti-dhawrka & dawlad wanaagga & sharciga laga hadlayaa?!

    Waar ruwaayadda nagala taga oo meesha nagu kala kaxeeya. Hanti-dhawr lagu lahaa.

  3. Somalia sannadkii 20aad bay adduunka kaga jirtaa meesha ugu hooseysa ee Musuq-maasuqa, waa mehereddeeda wax isdaba marin iyo hanti-dawladeed la xalaashaday, laaluush iyo qaraabo kiil iyo nin jeclaysi baa halkaa dhigay, lama yaabayo haddii ilaa wasiir iyo baytooni tuugo wada yihiin,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*