DEG-DEG+DAAWO: Somaliland oo ka hadashay dagaaladii ka dhacay Saax-maygaag, xilli A/Karaash uu

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaalada deegaanada Saax-maygaag iyo Senge-jebiye ee Puntland oo shalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda gobalada Sool iyo Nugaal.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu baaqay beelaha dagaalamaya oo walaalo ah inay joojiyaan dagaalka, lana xoojiyo nabadda, maadama colaadu aysan wax faa’ido ah laheyn.

Baaqa nabadeed ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa imaanaya xilli uu maanta deegaankaas u amba-baxay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), si loo kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay, loona soo afjaro colaada.

Dagaalka oo salka ku haya dhul, ayaa soo gaaray ilaa xalay, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay in ka badan 15 ruux oo ah dhinacyada dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 30 kale.

PUNTLAND TIMES       

24 Comments

  1. Dowlada somaliland waa ku waajib inay ciidanka Qaranka dul dhigto Boocame ama la wareegaan maadama Reer garoowe dhilbalaadhsi cad wadaan soona galeen dhul somaliland leedahay,,
    Arinkan wuu soo noqnoqday ka fiirsan mayso in ciidanka Qaranka la geeyo dhulkaas lana ilaaliyo Nabadgelyada iyo amaanka muwaadiniinta reer somaliland ee ku nool Aaga Boocame,,
    Waxaanse ilaahay uga baryayaa inuu kala qaboojiyo oo caqligu shaqeeyo labada dhinacba maadama ay yihiin dad Oodwadaag ah,,
    Alow kala qabooji Caqligana usoo celi Dadkaa dhul ka badan oo cidla ah isku dilaya,,
    Aamiin Aamiin Aamiin

  2. Ma waxa uu caqligaagu ku siiyey in niman “Hartiya” xuduud lakala dhexdhigo?!

    Waxa aan haddaba kuu sheegayaa in marka Habar-Awal & Habar Jeclo & Gadh-xejis xuduud la kala dhexdhigo, aan xitaa kuwan xuduud la kala dhexdhigi karin. Wayse dhacdaa in dadka meel wada degaa ay mar mar isku dhacaan, aakhirkana waa la xalliyaa marka ay dhimato intii wadkoodu galay.

    Gunaanadkii, meeshan booskaagama bannaana e, Muuse-Ducodiid u sheeg in uu “isbaarada” ka hor leexiyo beesha Gadh-xejis waa kalkoodii ay geela waraabsan lahaayeene.

    • Hillaac duufle woo iska hadlay, HARTIGA yaala Itoobiya iyo kan yaala Puntland miyaan xuduud kala dhex oolin, Hartiga yaala Kismaanyo iyo kan Kenya miyaanu xuduud kala dhex oolin, mise Amxaarka futada ayaad la leef leeftas?
      noo sheeg dee, Indhahaaga oo shan ah buu kala dhex oolayaa, waxna lagaa weydiin maayo, Dhulbahantaha saxa ah ee shaqaysta ee ganacsada kuna noolayn xoolaha dawladdii Afweyne waa Somaliland

  3. Dabcan, goobahan oo kale waxay Soomaalidu badankeedu ugu fadhi-ku-dirirtaa oo uguna ficiltantaa caadifado maran oo aan caqliga saliimka iyo cilmiga lagu difaaci karin, waana masiibada maanta halkaas dhigtay.

    Bina Aadamku sidiisaba waxaa ku geedaaman xaalado kala geddisan oo duruufo iyo baahiyo kala duwanna ka kooban. Dadka waxa horumarka lagu tilmaamo hantay waa kuwa caqliga saliimka iyo cilmigaba ukaashaday siyaabihii ay duruufahooda iyo baahiyahooda adag uga qaalib noqon lahaayeen oo xaaladdooda nololeedna kuwacneysan lahaayeen.

    Burburkii kaddib, suraabkii Soomaaliya la isku oran jiray waxaa qarannimadiisii zuushay booskeedii camiray faaruq haawanaya oo kallifay in qaab kala qoqobnaan ah ay qolo waliba iskudaydo in ay sida iyada la gudboon waxuun ismaamul ah ugu buuxsato.

    Waxaase sixun Soomaalida u seeggan xaqiiqado si dabiici ah u jira oo toosna u saameeya oo haga dhisidda nadaamka ismaamuleed ee dawliga ah. Xaqiiqadahaas waxaa gundhig u ah siyaabaha ay iskugu xiran yihiin oo una kalamaarmi karin dadka goob weyn oodwadaag ku ah (sida geyiyada Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed).

    • Maanta si fiican baad u hadashay, malaha dawadii baad saaka illaawin oo aad 2 xabbo ka liqday. Awlal waxaan shaki ku kirin inuu leeyahay waxa loo yaqaan (Dual personality) oo dabeecado kala duwan iyo aragtiyo isjiidhaya, mar waa Somali dhab ahoj waxa isu soo jiidaya, marna waa non qabyaalad iyo qoqobka kow ka ah oo cagta maria ciddii aan la Beel ahayn.
      Waxaan xasuustay gabaydii Abwaan Qaasim ee ahaa, ” Malaa’igta Naarta iyo Jannau weygu Murantaa.

  4. Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
    Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
    Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
    Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
    Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
    Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
    Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
    Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
    Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
    Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
    Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
    Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
    Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
    Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
    Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
    Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

  5. Dadka ay oodwadaagnimadu kadhexeyso, badanaaba waxaa sidoo kale kadhexeysa danwadaagnimo laazim kaga yeeleysa in ay dawlad-wadaagnimona kadhexeyso. Sina uma kala go’i karaan – dhul ahaan, bulsho ahaan, iyo dhaqaale ahaanba. Haddaba, labadan geyi ee Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed waxaa wadaaga dad noocaas ah ee aan xuduudo rasmi ah kala lahaan karin.

    Sidaas aawadeed, waxaa kuwa Somalilandnimada ka aaminsan in ay noqoto dal goonni ah ee ay Isaaqu ka taliyaan oo una taliyaan la gudboonaan lahayd in ay caqliga saliimka iyo cilmigaba kaashadaan oo fahmaan in ay Somalilandtaasu tahay khayaal aan abid dhaboobi karin maadaama aysan labadan geyi sina u kala go’i karin marka sida ay bulshaweynta kudhaqan iskugu marantahay wax lagu saleeyo.

    Waxaa kale oo jirta xaqiiqo siyaasadeed oo bulshaweynta labadan geyi wadaagta qummaati umideynaysa, waana khatarta kagasoo aaddan Abiy iyo Farmaajo iyo qorshaha burburinta nidaamka federaaliga ee ay kutaagan yihiin, khatartaas oo labada maamul ee geyiyadani si dadban iskaga dugsanayaan oo mowqif simanna ka tagaan yihiin.

    Sidaas ajligeed, waxay xaajo ku quruxbadantahay in ay SNM waaqiciga dhabta ah ee jira indhaha ku kalaqaaddo oo Garoowe iyo Hargeysana maskax, maal, iyo murqoba iskugu biirsadaan habkii ay nidaam dawladeed oo HEER WOQOOYI udhisan oo una shaqeynaya iskaga kaashan lahayeen, si xiisadaha dhuleed loosoo afjaro oo aan Xamarna loo guddoonsiin fursadihii ay Soomaaliya dib ugu celin lahayd nidaamkii kelitalinismo ee sida ba’an loo eeday.

    Fursaddaasu hadda ayay taagantahay.

    • Si fiican ayuu u Hadley, Awlal markaa arrinkaasi waa suurtagal, haddii aanu weyno Somaliland waa inaanu reer Woqooyi helaa, waana isku dhexjirnaa oo waxba nooma kala soocna taasi waa run.

  6. Waar niicda meesha kala bax. Annaga & Hawiyuhu waatii aannu faqash waa hore soo afjarnaye. Haddii aannu cid la modoobi lahayn, uyagaanu la modoobi lahayn ee futadaada qarso laxyahay.

  7. Dhulos Iyo Warsengeli maanta way ka dhergeen in MJ uu magaca Harti uu ku qadhaabto in adeegsado inuu iyaga ugu rarto ugana dhigto askar, xamaal Iyo cashuur bixiyayaal uu dhulkiisa Iyo dawladnimadiisa ku ilaashado, cashuur uu dhulkiisa Ku dhistana kaga urursado.
    Waxa kaloo uu adeegsadaa sidii uu awood uu Muqdisho cod xoogan ugu yeesho uu ugu heli lahaa.

    Waxay arkeen in iskadaa inuu Dhulkooda wax u qabto’e, uu rabo inuu dhulkoodii Ku qabsado oo xoog kaga qaato iyagoo soo jeeda,kuna dhex xasuuqo dadkoodii haddana ilmada yaxaaska uu u qubo isagoo ku beer-laxawsanaya Hartinimo.
    Dhulos Iyo Waros soddon sanno ka dib ayey Soo baraarugeen!

  8. Waxaa alayabanahay isaaq oo dhul daarood oo hardi leeyihiin ISAAQ AMA SNM mahamed gaahin oo lascanood madaxdooyo ka samesaday lascanood, maxamed gaahin waa wasiirka arimaha gudaha SNM away shaqadiis.wasiirada SNM dhamaantoo waxay joogan Hargesa. Mahamed gaahin waa madaxweynaha gobalka sool dada walaal ah ayuu isku dirayaa. DHULBAHANTE miyada arken maxamed gaahin oo lascanood shaqadiisa ka dhigtay lascanood dadka ku xiro dulmi ku hayo dadka goblka sool DHULBAHANTE walaaley sitaa xal mahaa in walaalihiin majeerden in aad xab u soo qadadan. waxaa ka fican taas in aad ka sartaan lascanood maxamed gaahin dhiiga cabka ku caan baxay gobalka sool

  9. @Sitaha “Hillaac”,

    Duqa, magacyadan bugta ah zugaag sidiisa ayaad iiga dhex muuqataa e armaad xiniinyo yeelataa oo aad kaagan aad ku caanbaxday igusoo abbaartaa?

    In aad magacyada “Geelle” iyo “Dubbad” dadka kucaaydo waan ogahay oo adna waad is’ogtahay. Grow a pair coward. Aniga isu ma kay qarin kartid e raganimo yeelo.

  10. Hillaac,
    Waad ku mahadsantahay qormadaada qiimaha leh. Uma malaynayn in Hillaac garankaro dhagarta iidoor ee ah in uu harti iska horkeeno si uu u durugsado deegaanka una qabsado dhulka dhulbahante.
    Arrinkaas harti waa ka dheregsanyahay, laakiin waxa jira shaqsiyaad soori qaaday oo harti ah.
    Kuwaasna aakhirka iidoorka ay caadada ka qaataan ayaa dhunta jari doona illaa waa dhuuni qaate cawaaqibkiise.

  11. Kablalax Daarood iyo beelaha Direed ee woqooyigu sina uma kala go’i karaan. Waa dad aan sina ukalamilmi karin oo una kalamiirmi karin, sida aan qoraalkayga kore kuxusay.

    Waxayna xaqiiqadani bayaan uga muuqataa geyiyada Woqooyi Bari, Woqooyi Galbeed, iyo Soomaali Galbeed. Haddii aan Kablalaxa iyo Dirta Kililka la kalasooci karin, sidaas si lamid ah ayaan Hartiga Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed iyo Dirta loo kalasooci karin.

    Hawshu waxay utaallaa kuwa kuriyoonaya Somaliland Hartiga xuduudo ku kala faquuqday iyo kuwa kuriyoonaya Puntland Hartiga iyo beelaha Direed ee Woqooyi Galbeed xuduudo kala dhexdhigtay. Labaduba macquul iyo suurtagal ma aha.

    Xal labadaas daraf ee xagjirka ah udhexeeya oo waaqiciga dhabta ahna kusaleysan ayaa la inoo ka baahanyahay.

  12. Ballanteenu waa barxadda Garowe.. Wax Harti la yiraahdo ma jirto.. Ninkii dhoof ku yimid beey geeradu dhibeysaa Nugaal waa degaan Dhulbahante Somaliland.

    • @Deeqa SSC,
      Deeqa Garoowe ku soo dhowow, Ciise Maxamud ku soo dhowow, gob la guursadaa tahay, nasab kaamilaa tahay. Ciise hablaha ma xumeeyaane Garowe ku soo dhowow.

  13. HILIB IDAAD IYO HADAL SOKEEYAA WAA LA QABOOJIYAA.
    Macnaha hilibka iduhu waa baruur badanyahay,haddaad kulayl Ku cuntona dacar iyo cillad ayuu kugu kiciyaa,waana in layska qaboojiyaà.
    Hadalka sokeeyuhuna waa inaanu noqon mid u adaga kaad nacabka kula hadasho,waana in la dabciyaa,lagana dhigaa mid qabow,oo aan xaaladda ugasii darin.

    Qaranka Somaliland halkeeduu ka maray arrinka,dhiig dad soomaaliyeed oo sokeeye ahna siyaasad ma galo,Somaliland-na waxay albaab u tahay nabadda,soomaalinimada.
    Nimanka is dilayaa waa loo abti,waana in nabadooda laga taliyaa,laguna dadaalo nabadda labada shacab ee deriska ah,wax badanna wadaaga,lagana fogaadaa colaad.
    HALAQ BAA KU RAAD GADANAAYA AYAAN KA XASUUSTAA GABAYGII ABWAAN GAARIYE AUN.

  14. Ciise Maxamuudow Inteey goori goor tahay dhulbahante ka soo saara Garowe wallaahi berito waxaad arkidoontaan idinka oo meel wax ka qabta la’.

    Dhulbahante walaaltinimo tolnimo xididnimo midnah maleh waxay wax ku leeyihiin karbaash sida uu Isaaq ugalo oo kale.. Reerkaas asxaan iyo sharaf waxba kuma lahan..

    Dhulbahante wuxuu sheydaanka ka neceb yahay Majeerteen

  15. ALI DUCAALE SHANTA SOMALI WAXAA KALA QAYBSADAY GUMEYSTE 1884, IIDOOR SHIRKAA MIYUU FADHIYAY HOOYADAA FUTADA XUN KA WASE?
    1960 AYAY XOROOBEEN SOMALIDI TALYANIGA IYO INGRISKA OO LA BAXEEN SOMALIYA.
    SIDEE UGU FEKERI KARTAA ADIGOO IIDOOR WAGAASHE AH INAAD BEDESHO GUMEYSTIHII REER YURUB OOD GUMRYSATO HARTI WAQOOYI?
    WAXA KALIYA OO AAD KU DOODI KARTAA ANIGOO IIDOOR AH WAXAAN GOOSANAYAA DHULKA IIDOORKU DAGO YOU CAN SAY THAT IDIOT.
    TAANA DALALKA AFRICA SHARCI AYAA KA YAAL OO HADDII QABIIL KASTA YIRAAHDO WAXAAN NOQONAYAA DOWLAD AFRIKA WAXAA KA SOO BAXAYA 100 000 DOWLADOOD TAANA CIDNA KAA YEELI MEYSO(YOU DONT HAVE CHANCE).

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*